|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Kulan Heer Gobola Oo Ay Soo Qabanqaabiyeen Gudida
Dhalinyarada Gobolka Sanaag Oo Bilawday
September 5, 2008
Mudooyin badana waxa dhacda in balanqaadyo la sameeyo lagu sheegayo in wax
lagaga qabanayo
Gudida Dhalinyarada Gobolka Sanaag (SRYDC) ayaa waxay soo qabanqaabiyeen kulan
balaadhan oo ay isugu yimaadeen dhalinyarta gobolka Sanaag, kulankaas oo lagaga
hadlayey arimaha dibudhaca ku keenay gobolka Sanaag, ayaa dhalinyaradu ahaa kii
ugu xasaasinaa ee dhalinyaradu ka yeelato dibudhaca gobolka.
Dhalinyarada ayaa waxay kulankooda ku falanqaynayeen isla markaana ku lafa
gurayeen dhibaatooyinka isa soo taraya ee ragaadiyey guud ahaan gobolka, kuwaas
oo guud ahaan saamayn ku yeeshay nolosha kumanaan qoys oo ku dhaqan gobolka,
dhibaatooyinkaas ay ka midyihiin; Sixirbararka, dhalinta sida sharci darada u
tahriibta, tayada iyo habka waxbarashada ee liita, burburka lagu hayo deegaanka,
waxsoosaarka gobolka oo hooseeya looga faa’iidaysan sidii loogu talo galay
maadaama gobolku leeyahay waxsoosaarka beeraha, xabkaha, xoolaha nool iyo
kaluumaysigaba, fakhriga hadheeyey qoysaska ku dhaqan gobolka, adeega bulshada
oo isaguna meesha ka baxay sida waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, qabyaalada
sidoo kale waa mid aad dhalinyaradu uga doodeen kuna tilmaameen xididada horumar
la’aanta, mushkiladaha kale ee sida weyn loogu soo qaaday kulankan ayaa iyana
waxaa ka mid ah gobolka oon lahayn cid u dooda xuquuqdiisa mid dawladeed iyo mid
hayaha samafalka ahba lagana duudsiieyey xaqiisi, abaaraha dabada dheeraday iyo
maandooriyaasha ayaa aad looga dooday kulankii ay isugu yimaadeen dhalinyaradu.
Ixtimaalka dhalinyarada iyo doorka horumarka gobolka ayaa ahaa mudooyinkii hore
mid aad ugu aan ka muuqan gobolka, kulamadan ay sameeyeen dhalinyaradu ayaa
noqotay mid layaab ku noqotay bulsha weynta ku dhaqan gobolka iyaga oo aad u soo
dhaweeyey isla markaana u arka astaan cusub oo isbedel keeni karta, waxaana
iminka Gudida Dhalinyarada Gobolka Sanaag ay ku hawlantahay inay isugu yeedho
dhamaan qaybaha dadweynaha, madaxda dawlada, hayadaha, qurba-jooga kulan ay ugu
soo bandhigayso mushkiladahan ragaadiyey gobolka iyo sidii xal waara looga
gaadhi lahaa.
Su’aalaha taagan?
Doorka dawlada iyo hayadaha ayaa ah mida sida aadka ah loogu baahanyahay,
mudooyin badana waxa dhacda in balanqaadyo la sameeyo lagu sheegayo in wax
lagaga qabanayo dhibaatooyinka haysta gobolka balse fulintoodu aanay dhicin,
dhibaatadan jirta oo u baahan in talaabo degdega laga qaado ayaan la sii odorosi
karayn kaalimaha dawlada iyo hayadaha samafalku ka qaadan doonaan
Abdinasser (Mahad) Ahmed H. Adam
afgobaad@hotmail.com
Ceerigaabo,SL
| |
|
|
|