|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Natiijada Kulankii Ugu Horreeyey Ee Wadahadallada
Wejiga 2aad Ee Khilaafka Xisbiga KULMIYE
September 5, 2008
Kulankii ugu horreeyey wejiga labaad ee wadahadallada garabyada xisbiga KULMIYE
ee khilaafku u dhexeeyo,ayaa xalay cawayskii si rasmi ah ugu bilaabmay hoteelka
Ambassador ee magaalada Hargeysa.
Kulankan koowaad ee furitaanka wejiga labaad ee wadahadallada khilaaf-saarka
dhinacyada KULMIYE ee sida weyn isugu maandhaafsan natiijada shirkii Golaha
Dhexe ee xisbigu dhowaan ku yeeshay magaalada Burco oo ahaa fadhi qayilaadeed si
weyn loo soo agaasimay, isla markaana saxaafadda loo diiday, ayaa waxa ka
qaybgalay xubnaha labada geesood u metelayey wejigii hore ee wadahadallada xalka
loogu raadinayo muranka cakiran ee ka dhashay doorashadii murrashaxiinta
jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa xisbiga KULMIYE uga qaybgalaya
tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland ee la filayo inay dalka ka
qabsoonto horrtaanta bisha March ee sannadka 2009.
Wejiga labaad ee wadahadallada oo ay soo qabanqaabiyeen guddi gaar ah oo xisbigu
u xilsaaray xallinta khilaafka ka dhex aloosan siyaasiyiinta miisaanka leh ee
KULMIYE oo si weyn isugu maandhaafay natiijada shirkii Golaha Dhexe iyo habkii
loo maamulay doorashada murrashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo loo
caleemo-saaray Axmed-Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici, balse ay si adag
ganafka ugu dhufteen siyaasiyiin door ah oo qaarkood ahaayeen murrashaxiin u
tartamayey jagada Madaxweyne-ku-xigeenka,kuwaas oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan
Aw Cali Faarax, Axmed Xaaji Cali Cadami iyo in ka badan 60 xubnood oo ka mid ah
taageerayaashooda Golaha Dhexe.
Weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo xalay booqday hoolka hoteelka Ambassador ee
uu ka furmay kulanka koowaad ee wejiga labaad ee wadahadallada garabyada KULMIYE,
ayaanay u suurtogalin inay wax sawirro ah ka qaadaan madasha fadhi-qayilaadeedka
oo ay ka dhex muuqdeen badi siyaasiyiinta labada dhinac uga qaybgalaya
khilaaf-saarka xisbiga dhexdiisa, kadib markii xubnaha qabanqaabadu ku
wargeliyeen in kulamadu yihiin qaar aan saxaafadda loo oggolayn, balse marka ay
dhammaadaan warbaahinta loo soo badhigi doono natiijada ka soo baxda.
Md. Maxamed Cabdillaahi Ismaaciil (Beergeel) oo shirka xalay guddoominayey, ayaa
markii kulankaasi dhammaaday Jamhuuriya khadka telefoonka ugu sheegay in
wadahadalladu ku bilaabmeen jawi fiican, kuna dhammaadeen, isla markaana lagu
heshiiyey in habeenka Axadda soo gelayso la isugu soo noqdo.
"Maansha Allaah, shirkii si wanaagsan buu noogu dhammaaday si fiican buuna u
socday, waxana madasha shirka ka muuqday jewi wanaagsan oo saaxiibtinimo oo
labada qolaba danaynayeen in khilaafku si degdeg ah u soo afjarmo, si wanaagsan
bayna isku afgarteen, waxaanna lagu heshiiyey in wadahadalladu sii socdaan oo
habeenimada Axaddu soo galayso kulan dambe la isugu yimaad, iyadoo labada
geesoodba uu ka muuqday dareen ay ku doonayaan in khilaafka xisbiga dhexdiisa la
soo afjaro,” ayuu yidhi Md. Beergeel.
Labada garab ee kulanka ku yeeshay huteel Ambassador oo iyaguna aannu la
xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan shirkooda, iyaga
oo sheegay in hadallada saxaafadda loogu talogalay ay u wakiisheen Mr. Maxamed
Ismaaciil Beergeel.
Laakiin sida ay warar xogogaal ah oo u dhow-dhow kulankii xalay Jamhuuriya u
xaqiijiyeen waxay labada dhinacba la gole yimaaddeen mawqifyo adag oo
midkastaaba dhiniciisa u watay, iyada oo ilaa hadda aanu midna dhiniciisa wax
tanaasul ah la iman.
__
Source: Jamhuuriya
| |
|
|
|