Waxa Shalay Ilaa Xalay Socday Shirar Doceedyo Ay Labada
Dhinac Mid Waliba Geestiisa Ugaga Tashanayaan
September 4, 2008
Wejiga labaad ee wadahalladii u dhexeeyey labada garab ee xisbiga KULMIYE ee
sida weyn isugu khilaafsan natiijada shirkii Golaha Dhexe ee dhawaan lagu soo
gebogebeeyey magaalada Burco oo la filayey in labada dhinac xalay isku soo
horfadhiistaan, ayaan shuurtogalin, kadib markii sida la sheegay uu garabka
Axmed-siilaanyo dalbday in dib loo dhigo furitaanka wejiga labaad ee
wadahadallada.
Kulanka wejiga labaad ee dhinacyada KULMIYE oo ah mid si weyn loo sugayey in
lagu soo afjaro khilaafka cakiran ee ka dhashay doorashadii murashaxiinta jagada
Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa KULMIYE uga qaybgalaya tartanka doorashada
madaxtooyada Somaliland oo ay qaabka loo maamulay si adag isugu maandhaafeen
siyaasiyiinta muddakarka ah ee xisbiga oo u kala jabay laba garab, ayaa si cad
loo ogayn sababaha uu u baaqday. Haseyeeshee, mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali
Faarax oo ah hoggaamiyaha mid ka mid ah labada garab oo Jamhuuriya xalay khadka
telefoonka kula xidhiidhay, ayaa xaqiijiyey inuu baaqday kulankii labada dhinac
u ballansanaayeen xalay, isaga oo arrintaas ku eedeeyey garabka uu hoggaamiyo
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu tilmaamay
inay dabada jiidayaan geeddi-socodka wadahadalladii lagu furdaaminayey khilaafka
u dhexeeya.
Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxa uu sheegay in qabsoomida kulanka koowaad
ee wejiga labaad dib loogu dhigay caawa, balse aannu rajo ka qabin qabsoomidiisa,
maadaama buu yidhi aanay Axmed-siilaanyo iyo kooxdiisu ka meermeerayaan in
wadahalladu furmaan.
“Caawa [xalay] shirkii wuu naga baaqday habeen dambena [caawa] waxaanu filaynaa
in aannu noo qabsoomayn oo uu baaqan doono, wadaxaajoodkuna xaggooda [garabka
Siilaanyo] ayuu ka socon la yahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.
Sidoo kale, mar aannu isku daynay in aannu arrintaas wax ka weydiino ayaanay noo
suurogelin in aannu helno, hase ahaatee sida ay tibaaxeen iloxogogaal ah ayaa
tibaaxay in Guddoomiye Axmed-siilaanyo dalbaday in furintaanka wejiga labaad ee
wadahadallada oo u qorshaysnaa Salaasadii shalay dib loogu dhigo muddo saddex
maalmood ah, balse ay ganafka ku dhufteen arrintaas garabka uu hoggaaminayo
Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo iyagu doonaya in la dedejiyo wadahadallada si xal
looga gaadho khilaafka culus ee xisbiga ka dhex dhacay.
Geesta kale, waxa shalay ilaa xalay socday shirar doceedyo ay labada dhinac mid
waliba geestiisa ugaga tashanayaan, isla markaana ay ku gorfaynayaan mowqifkooda
ay ku waajahayaan khilaafka taagan ee wadahadallada dhinaca ay is hayaan
dhexmaraya.
Dib-u-dhaca furitaanka wadahadallada wejiga labaad ee dhinacyada xisbiga KULMIYE
iyo dalabyada is diidan ee labada garab, ayaa u muuqda kuwo sii xoojinaya
khilaafkii adkaa ee u dhexeeyey siyaasiyiinta xisbiga ee sida weyn isugu
maandhaafsan natiijada doorashadii murashaxiinta.
__
Source: Jamhuuriya