|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Madaafiic lagu asqeysiiyay Xarunta Safaarada Yemen Ay
Ku Leedahay Muqdisho
September 3, 2008
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo aanu ka heleyno Safaarada Dowladda Yemen ay ku
leedahay Magaalada Muqdisho, waxaa si Kmg ah loo joojiyay howlihii safaaradaas
ee ka waday Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimada.
Wararka ayaa sheegaya in howlaha safaarada hakad loo geliyo sababo amaan awgeed,
iyadoona Maanta Xoogaga Hubeysan ay Madaafiic ku garaaceen Xafiiska Safaarada
Dowladda Yemen oo aan sidaa ugu fogeyn Xarunta Madaxtooyada.
Dhowr Madaafiic oo gudaha ugu dhacay Xarunta Safaarada Yemen ayaa keentay inay
bur bur ku yimaado dhismaha Xarunta, isla markaana uu dhulka la simo qeyb ka mid
ah Hoolkii Shirarka ee Xarunta Safaaradaas.
Madaafiicdaas ku habsaday Xarunta Safaarada Yemen ayaan la ogeyn inay ahaayeen
kuwo loogu dan lahaa ama in ay isaga dhaceen kaliya, waxaana warar is khilaafsan
ay ka soo baxayaan Madaafiicdaas ku dhacday Safaarada Dowladda Yemen ku leedahay
Muqdisho.
Dowladda Yemen oo saaxibo la ah Dowladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo
bixin, duqeynta Safaaradeeda Muqdisho loogu geystay, sidoo kale Safiirka
Dowladda Yemen ee Soomaaliya Axmed Xamiid Cumar ayaa isna wax hadal ah ka soo
saarin duqeyntaas sababtay inay hakad gasho howlaha Safaarada, isla markaana uu
bur bur ku yimaado dhismaha Safaarada qeybo ka mid ah
__
Source: Jowhar
| |
|
|
|