|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Shixnaddii U Horreysay Ee Agabka Hawlaha Diiwaagelinta
Oo Dalka Soo Gaadhay
September 3, 2008
Shixnaddii u horreysay ee qalabka loogu talogalay in lagu fuliyo hawlaha
diiwaangelinta codbixinyeyaasha yo doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay ka soo
degay madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Shixnadda agabka diiwaangelinta iyo doorashooyinka oo ay sidday diyaarad khaas
ah, ayaa sida masuuliyiinta Komishanka Doorashooyinku sheegeen waxa laga kala
keenay dalalka Hindiya iyo Shiinaha.
Agabkan oo qayb ka ah qalabka loogu talogalay in lagu fuliyo hawlaha
diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay
dalka ka dhacaan badhtamaha bisha October ee sannadkan iyo horraanta bisha March
ee sannadka dambe, waxay samaysay shirkad magaceeda la yidhaa ECIL oo xarunteedu
tahay magaalada Haydarabaad ee dalka Hindiya, waxaannu Somaliland keentay
shirkadda Copenhagen Elections – (Denmark), taas oo loo xilsaaray inay fuliso
keenista iyo farsamada qalabka loogu talogalay hawsha Diiwaangelinta iyo
Doorashooyinka.
Qalabkan oo ku moorgaraysnaa sexaarado, ayaa markii laga dejiyey diyaaradii
siday lagu daabulay baabuurta waaweyn ee xamuulka, kuwaas oo ku dejiyey xarunta
Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal, halkaas oo Komishanka Doorashooyinku sheegeen
inay ooli doonaan muddada ka hadhay hawsha Diiwaangelinta.
Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Qaranka ahna xubin ka tirsan Komishanka
doorashooyinka Mr. Ismaaciil Muuse Nuur oo saxaafadda kula hadlayey shalay
xarunta Sooyaal ee la dhigay qalabka, ayaa sheegay in qalabkani yahay 90% qayb
ka mid ah agabka loogu talogalay in lagu fuliyo hawlaha Diiwaagelinta iyo
Doorashooyinka, isla markaana ay ka maqan yihiin oo keliya qalabka electarooniga,
kuwaas oo uu xusay inay dalka soo gaadhi donaan 14 bishan.
“Qalabkan waxa uu ka mid yahay qalabka loogu talogalay hawlaha diiwaangelinta
doorashooyinka oo ka kooban foomam daabacan iyo warqado adag oo laga samaynayo
kaadhadhka aqoonsiga muwaadinka iyo ka lagu codaynayo, markaa 90% qalabkii
lagaga shaqaynayey hawlaha goobaha doorashooyinka weeye qalabkan maanta yimi,
waxa kale oo aannu bishan 14keeda inay yimaaddaan qalabkii electoriniga ahaa
sida computer-dii, koobiyadii iyo wixii la mid ah oo isku wada xidhan,” ayuu
yidhi Md. Ismaaciil Muuse Nuur, waxaannu intaa ku daray, “Qalabkan waxa noo
sameeyey kabaniga magaciisa la yidhaa ECIL oo ah kabaniga Hindiya u sameeya
qalabka doorashooyinka, annagu kabaniga Maraykan ah ayaanu wakiilanay oo ku
takhasusay illaalinta tayada qalabka, waxaananu ugu dirnay si uu nooga soo eego
alaabtaas tayadeeda inay tahay mid doorasho lagu qaban karo iyo in kale, annaga
laftayaduna waannu tagnay oo waanu soo eegnay. Alaabta waxa laga kala keenay
China iyo India, waxaana siday diyaarad khaas ah, waxaana dhinaca farsamada iyo
qaadqaadista qalabka ku shaqo leh kambani kale oo la yidhaa Copenhagen
Elections, waxaana hadda la socda qalabkan nin wakiil ka ah kambinagaas.”
Geesta kale, waxa Guddoomiyuhu deedafeeyey eedaymo loo soo jeediyey shirkadda
Copenhagen oo sheegaya in ay tahay mid curdin ah, isla markaana ku
guuldarraysatay hawlo hore oo doorashooyin, isagoo tibaaxay in aan shirkaddan
shaqadeedu ahayn doorasho, balse tahay u kala qaadista qalabka ee shirkadaha
qabta doorashooyinka.
“Shirkadda Copenhagen Elections doorasho ma qabato kamana shaqayso, waxay
shaqadeedu tahay qaadqaadista alaabta shirkadaha kale sameeyaan, laakiin dadka
ka sheegaya dhaliilahan iyo waxani waa dad aan aqoon u lahayn waxay ka shaqayso,
waa dad borobagaandho uun wada,” ayuu Md. Ismaaciil Muuse Nuur hadalkiisa ku soo
gebogabeeye
__
Source: Jamhuuriya
| |
|
|
|