|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
27 Arday Oo Reer Somaliland Ah Oo Ka Qalin Jabisay
Jaamacaddaha Suudaan
September 3, 2008

Waxaa dhawaan lagu qabtay magaalada Khortoum ee xarunta dalkan Sudan xaflad
ballaadhan oo loogu magac daray (xafladda Qalin jabinta ardeyda reer Somaliland
ee wax ka barata Sudan).
Ardaydaasi qalin jabisay waxa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ardeyda
qalin jabisay oo ay tiradoodu ahayd 27 ardey.
Ardayda qalin jabisay waxa ugu badnaa kulliyadaha Barashada Computer-ka,
Kulliyadda Saynika, Kulliyadda Caafimaadka, Kulliyadda Macalimiinta iyo
kulliyadda Dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Ardayda qalin jabisay ayaa guud ahaan la odhan karaa waxa ay u badnaayeen
Jaamacadda weyn ee Africa, iyada oo ay jireen arday ka qalin jabisay jaamacadaha
dawladda sida jaamacadda Kharduum, jaamcadda Suudaan, Niileyn, Qadaarif Iyo
Shendi.
Xafladdan waxaa ka soo qayb galay wefdi heer sare ah iyo marti sharf aad u badan
oo ay ka mid yihiin Dr Edna Aadan Ismaacil oo ah wasiirkii hore ee aarimaha
dibada Somaliland iyo masuuliin kale oo reer Somaliland ah, iyo waliba Sarkaal
Maxamad Barkhad Riyaale oo ka tirsan Qaramada Midoobay kana hawl gala magaalada
Kharduum, sidoo kale waxaa xafladdan ka soo qayb galay arday badan oo isugu
jirta Somali iyo Suudaan iyo Dhammaan qoysaska reer Somaliland ee deggan magaalo
madaxda dalka suudaan.
Ugu danbayntii waxa halkaas shahaado sharaf iyo hambalyooyin lagu guddoonsiiyey
ardayda qalin jabisay.




__
Source: Qaran News
| |
|
|
|