|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE oo Shaaca ka Inay
Qaban Doonaan Shir aan Caadi ahayn Hadday Fashilmaan Wadahadallada Socdaa
September 2, 2008
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Jaamac
Cabdillaahi Shabeel, ayaa shaaca ka qaaday in xubno soo gudbiyey mooshinka ay ku
dalbanayaan in la qabto shirweyne aan caadi ahayn magacyadooda ay saxeexeen oo
dhammaantood ka tirsan yihiin Golaha Dhexe ee KULMIYE, isla markaana uu
mooshinkaas ansax yahay.
Guddoomiye Jaamac Shabeel oo xalay Jamhuuriya kula xidhiidhay khadka telefoonka
waxa uu sheegay in mooshinkaas maray sifihii sharciga ahaa, magacyada ku
saxeexanna oo tiradoodu gaadhayso lixdan xubnood ansax yihiin.
Md. Jaamac Cabdillaahi Shabeel oo aannu waydiinay maadaama magacyada mooshinka
ku saxeexan ansax yihiin waqtiga ay qaban doonaan shirka aan caadiga ahayn ee
xubnaas mooshinkooda ku dalbanayaan, waxa uu xusay inay ka dhursugayaan waxa ka
soo baxa wadahadallada u socda dhinacyada uu u dhexeeyo khilaaafka ka dhashay
natiijada ka soo baxday shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ee ku qabsoomay
magaalada Burco.
Isaga oo oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Xubnaha tiradoodu gaadhayso
lixdanka ee ku saxeexan mooshinka magacyadoodu waa sax, iminkana waxa socda oo
aannu ka dhursugaynaa wadahadallada u socda dhinacyada KULMIYE ee khilaafku u
dhexeeyuo, wadahadalladaas ayaanu ka dhursugaynaa waxa ka soo baxa markaa haddii
wadahadalka la isku afgarto waa arrin fiican, haddii lagu kala kacana Golaha
Dhexe ayaanu isugu yeedhaynaa oo shir aan caadi ahayn ayaanun qaban doonaa,
mooshinkana Golaha waannu horgeyn doonaa.”
Lixdan xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee KULMIYE ayaa hore ugu gudbiyey
shirguddoonka mooshin ay ku dalbanayaan in la qabto shirweyne aan caadi ahayn,
iyaga oo gudbinta mooshinkana u cuskaday qodobka 30aad ee distoorka xisbiga
KULMIYE oo qeexaya in 30 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ay soo jeedin karaan
shirweyne aan caadi ahayn oo la isugu yeedho Golaha Dhexe.
Mooshinka ay lixdankan xubnood gudbiyeen waxay ka dambeysay markii khilaaf ka
dhashay shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu qabsoomay magaalo madaxda Gobolka
Togdheer ee Burco, iyada oo isla markiiba la bilaabay waan-waan khilaafka lagu
xallinayo, taas oo ilaa hadda socota oo maantana ay labada dhinac ee khilaafku
ka dhexeeyo u ballansan yihiin kulan khilaafka jira lagaga wada xaajoonayo,
iyada oo dhinac kastaaba mawqif adag wato.
__
Source: Jamhuuriya
| |
|
|
|