|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Burco: Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka iyo Gunaanadka Xulista
Hawlwadeennada Diiwaangalinta
September 2, 2008
Guddoomiyaha-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Mr.Cali Maxamed Xasan (Biikalo) oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Burco, ayaa
shaaca ka qaaday shalay inay soo gunaanadeen qorshe ay ardayda Jaamacadda Burco
kaga dhex xulanayeen 120 xubnood oo ka qaybqaadan hawsha diiwaangelinta
codbixiyeyaasha ee dhowaan dalka ka dhici doonta.
Mr. Biiko oo shalay saxaafadda u warramayey ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen
hawlihii ay u joogeen Burco oo ahayd xulidda 120 xubnood ee Komishanka uga
qaybgeli doona diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, kuwaas oo uu xusay
in laga soo dhex xulay 217 arday oo wax ka waxbarta Jaamacadda Burco, isla
markaana laga qaaday imtixaan lagu kala saarayo, kadibna ku guulaysteen 52
gabdhood iyo 68 wiil.
"Waxay qayb ka yihiin 720 xubnood oo heer jaamacadeed ah oo Komishanku ka xulayo
jaamacadaha dalka si ay uga qaybqaataan hawsha diiwaangelinta codbixyeyaasha
doorashooyinka Somaliland"
Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey maamulka iyo
macallimiinta Jaamacadda Burco iyo weliba hawlwadeennada xafiiska diiwaangelinta
Gobolka Togdheer oo uu sheegay in ay gacan weyn ka siiyeen kala-xulista ardayda.
Waxa Guddoomiye-ku-xigeenka waxa hawshan ku wehelinayey xubno ka kala socda
Diiwaangalinta Qaranka iyo hay,adda InterPeace, kuwaasoo muddo saddex maalmood
ah ku hawlanaa kala-xulidda iyo imtixaan-ka-qaadidda aradayda Jaamacadda Burco
ee loo qaadanayo hawsha diiwaangalinta ka dhici doonta dalka badhtamaha bisha
October ee sannadkan.
Inj.Maxamed oo ka mid ah hawlwadeennada Jaamacadda Burco, ayaa isagu uga
mahadceliyay masuuliyiintaas wadashaqayntii wanaagsanayd ay ku dhammaystireen
hawsha kala-xulidda ardayda, waxaannu xusay in ay jaamacad ahaan aad ugu
faraxsan yihiin ardaydooda ka qaybgelaya hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha,
?€œWaxaan rajaynayaa in ardaydaasi ka soo bixi doonaan hawshaa loo xushay," ayuu
yidhi Eng. Maxamed.
Imtixaanaadka laga qaaday ardaydan waxa ka mid ah aqoonta kombiyuutarka,
xawaaraha waxqorista iyo akhriska.
__
Source: Hadhwanaag News
| |
|
|
|