|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
R A M A D A A N T A
September 1, 2008
Mahadi waxay u sugnaatay Eebe(subxaanahuu watacaalaa), Rabi baanan gargaar iyo
denbi dhaaf waydiisanayeynaa, waxaanan ka magangalaynaa sharka nafteena iyo
camaladeena xun, ka uu Eebe hanuuniyo cid luminaysaa ma jirto, kase uu lumiyo
cid hanuuninaysaa ma jirto, waxaanan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudo
ilaahay mooyaane, Muxamedna(amaanta iyo nabadgelyada eebe korkiisa ha ahaatee)
inuu yahay rasuulkiisii iyo adoonkiisii. Intaa ka dib, Xikmada Eebe waxay
keensatay inay noqoto aduunyadu meel beer u ah aakhiro, qofkuna waxa uu ku
beerto uu aakhiro goosanayo. Fadliga Eebe waxaa ka mid ah inuu ku abaalmariyo
inta yar in badan ajarkana uu laalaabo, waqtiyadana waxaa ugu weyn uguna barako
badan bisha Ramadaan, ee uu Rabi soo dejiyey gudaheeda Quraanka sharafta badan ,
sidaa darted waxa mudan in qofka muslimka ahi uu u diyaargaroobo bishani
barakaysan, fahmana shuruudaheeda, sunankeeda iyo adaabta loo guto cibaadada
bishan barakaysan gudaheeda. Walaalkayga muslimka ahow bal qalbigaaga kusoo
xaadiri qofka loogu kalgacayl badanyahay agtaada, kaana maqnaa muddo 11 bilood
ah, laguuna sheegay inuu soo socdo….. intee inleeg baad ku farxi lahayd
imaanshihiisa……. Hadaba muumiintu soo gelida Ramadaan aad bay ugu farxaan ,
Eebahoodna ugu mahadnaqaan inuu ku simay gaadhida Ramadaan{badanaa walaalaheen
inala soomay Ramadaantii hore , hase ahaate Eebahood oofsaday ka hor
ramadaantan},waxayna muuminiintu go’aan ku gaadhaan inay korodhsadaan xasanaadka
kana fogaadaan xumaanta, kuwaasina waa kuwa uu Eebe ugu bishaaraynayo
hadalkiisan “waxaad tidhaahdaa suubanow galada Eebe iyo naxariistiisa , taas ha
ku farxeen , ayadaa uga kheyr badan waxay uruurinayaane”YUUNUS(58).
Muuminiintu waxay maqleen hadalka Rasuulka (scw), camal kasta oo binu aadamku
sameeyo waa loo laalaabaa , xasanada toban la mid ah ilaa todoba boqol ayaa la
laalaabaa , Eebe wuxuu yidhi soomka mooyaane, maxaa yeeley aniga ayaa iska leh,
kana abaalmarinaya,qofku wuxuu ka tegay dareenkiisii iyo cuntadiisii aniga
dartay” muslim. Sahal ibnu Sacad (rc) wuxuu ka soo weriyey Nebiga (scw) inuu
yidhi “janada waxaa ku yaala albaab la yidhaa: Rayaan, waxaana ka gala keliya
dadka sooman maalinta qiyaame, kamana galayo ayaga cid aan ahayn, markay ka
galaana waa la xidhaa, cid kalena ka soo galimayso, marka uu galo ka u danbeeya
albaabka ayaa la xidhaa, kii galana waa la waraabinayaa, kii la waraabiyaana
waligii haraadi mayo”.
SIDEE AYUU UGA HORTAGAYAA KHEYR DOONUHU RAMADAANTA
1- Inuu u degdego toobada suuban ee dhabta ah , dhamaystirana shuruudaheeda.
2- Inuu barto waxyaabaha lagama maarmaanka u ah soomka
3- Inuu goosto inuu Ramadaanta daacada Eebe badiyo
4- Inuu ogaado inay Ramadaantu siduu Eebe(sw) ku tilmaamay tahay maalmo tirsan,
degdegna ku dhamaanaysa, mashaqada soo gaadha qofka Ramadaanta gudaheeduna ay
tahay mid tagaysa, waxa soo hadhayaan uu yahay keliya qof walba wuxuu shaqaystay
ee uu dhigta bangiga xasanaadka.
5- Inuu ku dedaalo xifdiga adkaarta ka soo aroortay nebiga (scw).
6- Inuu badsado camalka wanaagsan b- Quraan akhrinta t- Qiyaamu leylka j-
Sadaqada, mid salafka ka mid ahaa wuxuu yidhi “ inaan u yeedho tobada
saaxiibaday ka mid ah oo aan quudiyo baa looga jaceyl badan yahay agtayda inaan
xoreeyo toban adoon. Qaar badan oo salafka ka mid ahina waxay u doorbidi jireen
afurkooda dadka kale sida Ibn Cumar(rc), Daa’uud adaa’ii, Maalik ibnu
Diinaar,Axmed ibnu Xanbal eebe ha u naxariisto dhamaane. Ibnu Cumarna wuxuu ahaa
mid aan afurin kaligii , waxaa la afuri jiray masaakiinta iyo agoonta. Hadaba
walaalkayga iyo walaashayda muslimada ahey waxaa inala gudboon inaan ku dadaalno
inaynaan keligeen afurin, ee ay inala afuraan walaalaheen si aan u helno laba
ajar, ka soonka iyo ka afurinta walaalkaaga muslimka ahba Nebiguna (scw) wuxuu
yidhi ka afuriya mid sooman waxaa u sugnaaday ajrigiisa oo kale ayadoo midkoodna
aan laga nuqsaaminay ajriga soomkooda.Abu Daa’uud , nasaa’i ( sanad xasan ah).
Sidoo kale waxaa ku sugnaatay xadiiskii saxaabigii qaaliga ahaa Zayd ibn Khalid
al-juhayni inuu Nebigu (scw) yidhi ka quudiya mid sooman waxaa loo qoraa
ajrigiisa oo kale ayadoo aan la nuqsaaminayn ka soomana ajrigiisa” Imam Axmed,
Tirmidhi waanu saxiixayey, Ibnu Xibaan iyo qayrkoodba.
7- Ku negaanshaha masaajidka bacda salaada subax , wuxuu ahaa Nebigeenu(scw) mid
fadhiya meesha uu ku tukado ilaa qoraxdu ka soo baxayso, ka dibna wuxuu tukan
jiray laba rakcadood oo u dhigma xaj iyo cumro dhamaystiran, dhamaystiran ,
dhamaystiran, siduu yidhi nebigu(swc).
8- Ictikaafka ama ku sugnaanshaha masaajidka
9- Cumro soo gudashada bisha gudaheeda taasi oo uu ku tilmaamay Rasuulku(scw)
mid u dhiganta xaj lala xajiyey asaga.
10- Inuu badiyo sunayaasha salaadaha faralka ah gadaashooda
11- Inuu ku dadaalo inuu salaada la tukado jamaacada masaajidka. Haddii aan ka
gudubno hordhacaasi , Eebe wuxuu inooga warmayey inuu inagu waajib yeelay soomka
siduu ugu waajib yeelay kuwii inaga horeeyey, umadanina ma aha ta keliya ee
soomka lagu waajibyeelay, waxa kale oo Eebe (sw) inooga waramay in soomku soo
jiido alle ka cabsi, insaankuna uu iskaga ilaaliyo soomka dareenka naftiisa,
wuxuu yidhi Eebe: “ kuwa Eebe iyo rasuulkiisaba rumeeyow waxaa lagu waajib
yeelay soomka korkiina sidii loogu waajib yeelay kuwii idinka horeeyeyba,
mudnaantiina inaad eebe ka baqataaan” BAQARAH(183). Soomku waa maalmo tirsan,
bilowgiina soomku wuxuu ahaa sunne , kii doonaana waa soomi jiray, kii kalena
waa iska afuri jiray, Eebe wuxuu yidhi “ maalmo tirsan weeyi soomku ka safar ku
jira ama buka waxaa korkooda ahaaday inay soomaan maalmo kale, kuwa uu dhibayo
soomkuna waxaa korkooda ah inay waxbixiyaan ( hal miskiin maalintiiba), qofka
korodhsada wanaaga, khayrka uu korodhsaday baa u fiican, inaad soomtaan ayaa
idiin fiicnaan badan , haddii aad tihiin kuwa garanaya” BAQARAH(184).
| |
|
|
|