SOMALILANDHORTA


 

 

Wefti Culus Oo Ka Socday Hay’adaha Qaramada Midoobay Oo Booqasho Ku Jooga Caasimada Somaliland Ee Hargeysa
July 6, 2008


Wefti balaadhan oo Ka socday hay’adaha Qaramada midoobay oo ka kooban 12 xabnood, ayaa maanta socdaal ku yimid Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay qiimaynayaan, mashaariicdii dalka laga fuliyay lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Weftigan oo uu hoggaaminayo wakiilka hay’ada UNICEF u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Christian Balslev-Olesen oo saxaafada ugu waramayey qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa waxa uu sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho kulan Maalinta isniinta ka furmaya Hargeysa oo lagu qiimaynayo mashaariicda Qaramada Midoobay ka fulisay Somaliland lixdii bilood ee Hore.

Christian Balslev-Olesen Waxa uu yidhi “Waxa socdaalkayagu la xidhiidhaa kulan Hargeysa ka furmaya oo lixdii biloodba hal mar lagu falanqeeyo mashaariicda dalka ka fulay, kuwa aan sidii la rabay u fulin iyo mashaariicda dib-u-dhacu ku yimid”.

Christian Balslev-Olesen Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa kale oo kulan lagaga hadli doonaa, sidii bulshada looga caawin, gaar ahaana dadka danyar ah ee ay Saameysay qiimaha maceeshada iyo gaaska ee kor u kacay.”

Wasiirka qorshaynta Md. Cali Ibraahim Maxamed [Cali Sanyare], oo madaarka Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Weftiga ayaa sheegay in shirka xukuumadda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay uga furmaya Hargeysa, lagaga hadli doono sidii loo toosin lahaa cilaaqaadka labada dhinac iyo meel marinta mashaariicda loogu talo galay in gobolada laga hirgeliyo lixdii inta ka hadhsan sanadkan 2008.
“Kulanta aanu maalinta berito [Isniin] aanu la yeelandoono hay’adaha qaramada Midoobay laga soo saaridoono Warsaxafadeed midha-dhala, kadib wada xaajoodyo aanu labadayada dhanac kaga wada hadlidoono sidii loo horumarin lahaa Somaliland”

__

Source: Hadhwanaag News



 


  Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].