|
|
SOMALILANDHORTA
|
|
Weftigii Ka Socday Deeqbixiyaasha Caalamiga Oo
Kulamo Gooni-gooniya La Yeeshay Sadexda Xisbi Qaran, Komiishanka iyo
Shirgudoonka Barlamaanka
July 6, 2008
Weftigii ka socda Deeqbixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka caawinaya
dhinaca Doorashooyinka fooda inagu soo haya oo ayaa shalay booqasho ku yimi
dalka, ayaa waxay maanta ilaa shalay kulamo gooni gooniya la yeesheen Sadexda
Xisbi Qaran [KULMIYE,UCID iyo UDUB], Komishanka, Shirgudoonkalabada Gole
Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada] iyo hay’ado kale.
Weftigan ka Socday Midowga Yurub, waxa booqashadoodu daba socotaa socdaal wefti
ka socday Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda xisbi Qaran oo dhowaan u tagay
Nairobi inay halkaasi wadahadalo ay kula soo yeeshaan Deeqbixiyayaasha, kadib
markii dhinacyada oo dhami wada saxeexeen heshiis laga gaadhey khilaafkii ka
dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddadii halka sanadood ahayd ee ay
Guurtidu u mudada xilka ugu kordhisay Madaxweyne Rayaale. Waxana uu weftigu
shalay gelinkii dambeba kulan la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Kulamadan ay maanta la yeesheen Xubnaha Ka Socday Midowga Yurub Axsaabta qaranka
ayaan wax wara oo rasmi ahi ka soo bixib, hadana mar ay si goooni gooni ah
Saxaafada ugu waramayeen dhinacyadaas la kulmay waxay sheegeen inay Midowga
Yurub u sheegeen inay lacagtii soo daayeen, iyagana looga baahan yahay inay
dhinacyada ka is-taagan hawsha doorashooyinka gaar ahaana diwaangelinta
codbixiyaasha oo bilaabmidoonta.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi
Cabdi, ayaa ka hadlay arrimihii hore lagaga hadlay kulankii ay la yeesheen
wefdiga EU-da, waxana uu sheegay inay ka wada hadleen doorashooyinka iyo fulinta
hawsha tiro koobka codbixiyayaasha, maadaama aanu wax khilaaf ahi ka dhex
aloosnayn xisbiyada qaranka.
“Xubnihii Ka Socday Midowga reer Yurub ee aanu kulanay waxay noo sheegeen inay
dhinacooda ay bilaabeen hawshii dorashooyinka lacagtii kharashka ahayd ee loogu
talagalay in lagu qabto doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyayaasha inay
soo daayeen loona baahan yahay in in hareeraha laga jooga, Miisaankuna waxa uu
ku dhacayaa qoladaa komiishanka doorashooyinka” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Markaan hadalka ku soo koobo
qoladani waxay keeneen lacagtii diwaan-gelinta lagu qaban lahaa, waxaana
bilaabmaysaa diwaangelintii”
Guddoomiyaha siyaasadda xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, oo isaguna ka hadlay
kulankii ay la yeesheen wefdiga midawga Yurub, ayaa sheegay in ay ugu
muhiimsanayd waxyaabihii ay isla soo qaadeen qabsoomida iyo u diyaar garowga
doorashooyinka.
Sidoo kale waxay Weftigani la kulmeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID
Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay ka wada hadleen gudagalka arrimaha doorashoorinka,
isla markaana sidii loo bilaabi lahaa diwaangelinta codbixiyaaysha.
“Waxa aanu xisbi ahaan u muujinay weftiga sida ay nooga go’an tahay in doorasho
xor iyo xalaal ah oo iin lahayn wax ku shubasho ah ay dhacdo”, ayuu yidhi Cumar
Jaamac.
Sidoo kale, weftigan EU-da oo dalka yimid Sabtidii ayaa waxay kulamo gooni fooni
ah la yeesheen shirguddoonada labada Gole Barlamaan Golayaha Wakiilada iyo
Guurtida, iyagoo Sabtidiina kulan la yeeshay wasiirudawlaha arrimaha dibada, Md.
Siciid Maxamed Nuur, waxana la filayaa inay kulan la yeeshaan madaxweynaha
Somaliland.
Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya dimuqraadiyadaynta iyo doorashooyinka
ayaa go’aan ku gaadhey in ay laaleen lacag gaadheysa ilaa $ 8 Milyan oo Doollar
oo ay ugu talagaleen in lagu fuliyo diiwaangelinta codbixiyayaasha, kadib markii
Golaha Guurtidu soo faragelisey heshiis saddexda xisbi iyo Komishanku wada
saxeexeen oo ku saabsanaa qabashada doorashooyinka iyo diiwaangelinta, isla
markaana dib u riixey wakhtigii lagu heshiiyey ee doorashada iyaga oo taasna u
cuskaday Xeerka Diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Hase yeeshee, waxay Deeqbixiyayaashu go’aankaas ka noqdeen markii
hoggaamiyayaasha saddexda xisbi heshiis ka gaadheen khilaafkaas, kaas oo ay
iskula qaateen in meesha laga saaro qodobada xeerka Diiwaangelinta ee Guurtidu
ugu marmarsootay muddada ay u kordhisey Daahir Riyaale iyo in dammaanad sharci
loo sameeyo wakhtiga lagu heshiiyey in la qabto doorashada iyo diiwaangelinta.
Inkasta oo heshiiskaas la saxeexay, isla markaana la ansixiyey wax-ka-beddel
lagu sameeyey xeerka Diiwaangelinta codbixiyayaasha, haddana, waxa la sheegay in
weli Madaxweyne Md. Daahir Rayaale Kaahin uu ka warwareegayo inuu Guurtida ka
keeno warqad dammaanad ah oo lagu heshiiyey, taas oo ay ku caddaynayaan in aanay
waxba ka beddeli doonin wakhtiga doorashada ee ay ku heshiiyaan komiishanka iyo
saddexda xisbi-ba .
__
Source: Hadhwanaag News
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights
reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
|
|
|
|