SOMALILANDHORTA


 

 

Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiildada Somaaliland Oo Boqasho Ku Yimi Norway
July 6, 2008


Waaxaa maanta ka soo degey Gegida Dayuuradaha magaalada Oslo laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimi dalka Norway.

Labadaas Xlidhibaan oo kala ah:

1 Prof. Moxamed Cumar Adan (Jiir)
2 Ahmed Moxamed Diriye (nacnac)

Xildhibaanadaasi waxaay ku yimadeen martiqaad rasmi ah oo ay u fidisay, dawlada Norway waxanayna la kulmi doonan hayado kala duwan oo ka tirsan hayadaha dawliga ah ee Norway iyo Jaaliyada Somaliland ee Dalkan Norway oo ay uga warami doonan xaalka uu maanta dalku ku sugman yahay .

Labadaas mudane waxaa ku soo dhoweyey Garoonka dayuuradaha ee Oslo

Gudida jaaliyada Somaliland , madaxda xisbiyga qaran ee Norway jooga, odyaal iyo wax garad ka tirsan jaaliyada, kuwaas oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland, Mudane Xuseen Adan Cadib.

Labada Mudane waxay caawa u sii gudbeen magalada Stavanger oo ay kulamo uga bilami doonan maalinta Isniinta ee bishani tahay 7da.

__

Source: Gabiley Net
 


  Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].