Kor U Kaca Shidaalka Iyo Qorsha Xukuummada
Somaliland Ee Lagaga Maarmayo Is-ticmaalka Shidaalka
July 6, 2008
Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Somaliland, Md. Maxamed Saleebaan Maxamed [Ina
Saleebaan Weyne], ayaa daboolka ka qaaday inay ku hawlan yihiin qorshe tamarta
Cadceeda ama Dabaysha looga faa’iidaysanayo oo dab laga dhalinayo oo laydh ahaan
loo isticmaalayo. Isla markaana sidii looga bixii lahaa dhibaatada shidaal
yaraantu sababtay ee dadka dhibaatada ku noqotay looga maarmo, si aan shidaal
badana loo la is-ticmaalin.
Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Md. Maxamed Saleebaan Maxamed waxa uu
hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaanu maal-mahanba ka hadlaynay tamarta ku
shaqeysa Cadceeda ama Dabeysha, si looga reysto dhibaatada dadka ka heysata
shidaalka badan ee baxaya”
Md. Maxamed Saleebaan waxa uu ku dooday inay mashruucan tamarta Cadeeda ama
dabeysa lagaga dhalinayo ay wadeen muddo lix bilood ah, isla markaana ay
wakhtigan ku jiraan gudo galkiisi oo ay bilaabeen.
“Waxay ay noqonaysaa qorshahan goobta ugu horaysay ee aanu ka bilaabaynaa
Madaxtooyada Somaliland, oo aanu laydhkeeda u bedelayno System-ka Sollarta. waxa
qorshahayga ku jirta in goobaha danaha guud sida Cisbitaalada, Iskuulada,
Ceelasha biyaha ee dalka iyo goobo kale oo muhiim ah ayaanu tijaabada ku
bilaabaynaa oo aanu hawshan ka hirgelinaynaa. Waxaana laga hirgelindoonaa 6
Gobol ee Hore” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Wershadaha Somaliland.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Iskuulada
dalka lix Gobol waxaanu galinaynaa laydh ku shaqeynaya Cadceeca ama dabeysha,
waxa kale rugaha Caafimaadka, Cisbitaalada, ee Lixda Gobo lama MCH-yada ayaanu
iyagana u sameynayanaa.”
Wasiirka Wershaduhu waxa uu sheegay inay Beeraha ay dadku leeyihiin ay u
sameyndoonaan laydh ku shaqeynaya tamarta Cadceeda ama Dabeysha laga dhaliyo,
waxa uu tusaale u soo qaaday oo uu tilmaamay inay Gobolka Awdal ay 4-meelood oo
tamarta Cadceeda ama dabeysha ay ka sameyndoonaan, Gobolka Hargeysana ay ka
sameyndoonaan 5-meelood, Gobolka Saaxilna 4-meelood, Togdheerna 4-meelood,
Gobolka Soolna ay ka sameyndoonaan 3-meelood halka Gobolka Sanaagna ay Ka
Sameyndoonaan 5-meelood. ,ayuu yidhi Wasiirku.
Mar uu ka hadlayey Wasiirku u jeedada ay u tamarta cadeeda laga dhalinayo waxa
uu yidhi “Hawsha aanu maanta isugunimi waxaweeyaan dar-dargelinta hawshii ku
saabsanayd tamarta, si aanu wax uga qabano dhibaatada uu keenay shidaal yaraantu”
“Waxaanu tijaabadoodi wadnaa Shoolado ku shaqeynaya tamarta laydhka oo aanu
isleenahay waxa lagaga maarmi karaa dhuxusha, iyo Xaabada
Md. Maxamed Saleebaan, waxa uu u mahadceliyay Hay’adda ADRA ee mashruucan ka
wada shaqaynayaan iyo cid kasta oo gacan ka gaysata hirgelintiisa, waxaana uu
farta ku fiiqay inay dhawaan bilaabayaan sida ugu dhakhsaha badan.
Dhinaca kale, Sarkaalad lagu magacaabo Hana oo ka socotay Hay’adda ADRA ayaa uga
mahadcelisay dawlada Somaliland sida ugu soo jeedo hirgelinta mashruucan ay ka
wadaan dalka, waxayna xustay inay ka dhawrayso sidii ay u sii fiicnaan lahayd
wada shaqaynta ka dhaxaysaa.
Waxa mashruucan Sollar-ta ah oo ay iska kaashanayaan Hay’adda ADRA,
isla-markaana, ay mashruucan maal-gelinayaan Midawga Yurub.
__
Source: Hadhwanaag News