SOMALILANDHORTA


 

 

Magaalada Baydhabo Oo Saaka Ku Jirta Bandow Maalin Ah
July 5, 2008


Saaka waaberigii waxaa Magaalada Baydhabo oo dhan isku fidiyay Ciidamada Ethiopia ee jooga Gobolkaas kuwaas oo xiray dhamaan waddooyinka magaalada soo gala.

Magaalada ayaa saaka u muuqata mid ku jirta Bandow Maalin ah, iyadoona gebi ahaanba uu hakad galay dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidkaba, iyadoona xalay uu Magaalada ka dhacay qarax xoogan.

Sida ay sheegayan Wariyaasha jooga Magaalada Baydhabo, ma jiro qof rayid ah oo dhex maraya Gudaha Magaalada Baydhabo, dadka oo dhan waxay ku xayiran yihiin aqaladooda iyo goobahooda ganacsi oo ay hoos ka soo xirteen.

Waxaa kaliya Magaalada in ay maraan loo ogol yahay Xubnaha Dowladda kuwaas oo saaka ka qeyb galaya fadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waddooyinka Laamiga ee dhex mara Magaalada iyo kuwa Jid Cadayaasha ee Xaafadaha dhexdooda mara ayaa waxaa istaagan askar fara badan oo Ethiopian ah, xitaa looma ogola Haweenka in ay soo adeegtaan.

Mid ka mid ah Ganacsatada Magaalada Baydhabo oo aan qadka telefoonka kula hadlay isagoo goobtiisa Ganacsi hoos ka soo xirtay ayaa waxaa uu ii sheegay inuusan saaka ka bixin Dukaankiisa sidii uu xalay u dhex jiiftay uu yahay.

Lama oga ku soo faafinta Ciidamada Ethiopia Magaalada Baydhabo in ay la xiriirto qaraxii xalay Magaalada ka dhacay iyo in kale, sidoo kale lama oga in tallaabada Ciidamada qaadeen lagu sugayo ammaanka fadhiga Baarlamaanka.

__

Source: Djibouti Nation

 


  Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].