Hay'adda AET Oo 13 Dugsi Sare Ku Wareejisay
Wasaarada Waxbarashada
July 4, 2008
Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland ayaa 13 dugsi oo loogu talogalay
waxbarashada sare kala wareegtay hay'adaha samafalka caalamiga ah ee African
Education Trust ( AET) iyo Danish Refugee Council(DRC), kuwaas oo badhkood
yihiin dhismayaal cusub, halka kuwo kalena lagu sameeyey dib-u-habayn isugu
jirta dayactir dayrarka, daaqadaha iyo laybareeriyo loo dhisay.
Dugsiyadan oo ku kala yaal dhowr ka mid ah gobollada dalka, waxa maalgelisay
hay'adda dhinaca waxbarashada ee AET , waxaana hirgelisay dhismahooda hay'adda
kale ee DRC. Hawsha dhisida iyo dib u haybaynta dugsiyadani waxay socotay muddo
hal sanno ah.
Xaflad ballaadhan oo shalay ka dhacday dhisme dugsi sare ah oo ka kooban afar
fasal iyo xafiisyadiisii, kaas oo laga hirgeliyey xaafadda Maxamed Mooge, ayaa
lagula kala wareegay dugsiyada hay'adaha AET iyo DRC ka hirgeliyeen gobollada
dalka oo dhan, waxana ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada,
xildhibaanno, madaxda hay'adaha AET iyo DRC, guddiga xaafadda iyo martisharaf
kale.
Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada Mudane Ismaaciil Maxamed Madar oo xafladdaas ka
hadlay, ayaa sheegay in hay'adda AET waxqabad ballaadhan ka qabato Somaliland,
taas oo ka mid ah hay'adaha Wasaaradda ka caawiya dhinaca waxbarashada, isla
markaana aanay ku koobnayn dhismayaasha dugsiyada oo keliya.
Md. Ismaaciil Maxamed Madar, waxa uu ugu ballanqaaday dadweynaha xaafadda
Maxamed Mooge in wixii ka qabyo ah dugsiga loo dhisay la dhammaystiri doono,
balse ku xidhnaan doonto sida ay u ilaashadaan dugsigaas.
"Dugsigani ma dhammaystirna oo wax baa ka maqan sida laybareerigii wax lagu
akhrisanayey iyo shaybaadhkiiba, kuwaana waa la idiin dhisayaa, laakiin waxaannu
eegaynaa sida aad uga faa'iidaysataan ee aad u dayactirtaan ama u ilaashataan,"
ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.
Madaxa injineerada hay'adda DRC Mr. Mark oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay
in dhismayaasha dugsiyadan oo ay soo wadeen muddo sannad ah guul ugu dhammaadeen,
isla markaana iminka ay ku talojiraan qaybta kale oo ay bilaabi doonaan sannadka
soo socda.
"Iminkana waxaannu bilaabi doonaa qaybtii labaad marka kani naga dhammaado,
waxaannuna rajaynaynaa in aannu hore u socono si aannu uga gudubno mashruucyada
kale ee soo socda, si aannu u awoodno in aannu dugsiyo fara badan ka dhisno
Somaliland," ayuu yidhi Mr. Mark.
Xasan Axmed Ibraahim (Xasan Ambassy) oo ka mid ah saraakiisha hay'adda AET, isla
markaana magaceeda ku hadlayey, ayaa sheegay in lacagta dugsiyadaas ku baxday oo
ay hay'addoodu bixisay ay tahay mid ay ka soo qaadeen Midowga Yurub, isaga oo
arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Waxaannu halkan kula kala wareegaynaa
dugsiyo sare oo la dhisay, kuwaas oo muddo hadda sannad ah laga soo shaqaynayey.
Lacagta dugsiyadaasi ku baxday waxa bixisay AET oo lacagtaas ka soo qaaday
Midowga Yurub, laakiin hawsha dhismaha waxaannu u wakiilanay hay'adda DRC.
Sannadkan markaanu hawshaa dhammaystirno, sannadka soo socdana hawl dhisme ah oo
aan intaa ka yarayn oo la qaban doono ayaa jiri doonta."
Xasan Ambassy waxa kale oo uu xusay in aanay hay'adda AET waxqabadkeedku ku
koobnayn dhismayaasha oo keliya, balse ay ka shaqayso dhammaan adeegyada
waxbarasho si loo tayeeyo aqoonta dalka.
Xildhibaan Yuusuf Maxamuud Guuleed oo wakiil ka ahaa Maayarka Caasimadda oo isna
xafladaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa dugsiga laga dhisay xaafadda Maxamed
Mooge ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona waxbarashada carruurta xaafadda.
Waxa kale oo iyaguna xafladaas hadalo ka jeediyey Guddoomiyaha waxbarashada ee
Gobolka Maroodi-jeex Md. Cali Cabdi Jiciir iyo Agaasimaha Wasaaradda
Waxbarashada ee dugsiyada sare Ibraahim Maxamed Siciid.
Jamhuuriya
__
Source: Jamhuuriya