SOMALILANDHORTA


 

 

’’Intii Somaliland Gacanta Ku Haysay Sool Wax Dila iyo Wax Dhib Ahi Kama Dhicin” Gudoomiyaha Waxbarashada
July 2, 2008


Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool Mudane Saleebaan Cali Dhawaaq oo haatan ku sugan magaalada Hargeysa , ayaa waraysi uu siiyay Weriye ka tirsan Waryatv , kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin , Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada 8-aad iyo 4-aad ee dhawaan ka dhacay guud ahaan Gobollada Somaliland iyo Xaalada ay hadda ku sugan tahay Gobolka Sool iyo arrimo kale oo xiisa badan.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

J; Guud ahaan imtixaanku wuxuu gobolka uga dhacay si wanaagsan, runtii wuxuu imtixaanku ka dhacay shan goobood, saddex goobood oo magaalada laascaanood gudaheeda ah, laba meelood oo fasalka 8-aad ah iyo hal fasal oo ah dugsi sare. Waxa kale oo uu ka dhacay laba meelood oo gobolka dibadiisa ah, ku waasi oo kala ah Caynabo iyo Kalabaydh, runtii marka aan soo ururiyo jawiga imtixaanku, waxa uu ahaa mid u dhacay si heer sare ah, oo ay nabad galyadiisu aad u dagan tahay, runtii wax buuq iyo qaylo toona muu lahayn, waxaanu ku soo dhamaaday guul, iyada oo aanay jirin wax qash qashaada iyo muran toona.
Marka loo eego qaabka ay Ardaydu u xiisaynayeen imtixaanka iyo qaabkiisa, runtii wuxuu ahaa mid ay dadku u arkayeen in uu aad ugu duwan nidaamkii qolyihii hore ee meesha joogay (Puttland) ee ardayda imtixaanka ka qaadi jirtay, waxyaabaha ay ardaydu ama dadkuba aadka u tilmaamayeen ee imtixaanku kaga duwanaa waxaa kaw ka haa

Imtixaanka Somaliland imtixaan aad u habaysan ayuu ahaa oo la mida midka ka dhaca dalka, een munaaqibiintii laga diray Hargaysa ee imtixaanka qaaday saldhiga booliska ayaa lagu rogay, ee sidii xeerku ahaa maalinba maadada la qaadayo ayaa laga saarayey sanduuqa imtixaanaadka, taasina uu kaga duwanaa qolyihii hore imtixaanka ay qaadi jireen ee Puttland-ta oo waxay iyagu odhan jireen munaaqibka uun ha loo dhiibo, dabadeena isaga ayuunbaa tuurta iskaga sidan jiray oo nidaam iyo qaab boolis ma jirin.

Gudoomiyuhu isaga oo sii wata falan qaynta qaabka imtixaanka ee ay ku kala duwan yihiin Somaliland iyo puttland ayaa waxaa uu yidhi "Waxa kale oo uu kaga duwana imtixaanka Somaliland runtii lama helo, waxay iyagu sheegayeen in imtixaanka Putland-ta la helo oo suuqa laga heli jiray, taasi oo ay ardaydu markii hore u malaynayeen in sidii Putland-ta oo kale meelaha laga hel heli karo, laakiin waxa ay la yaabeen qaabkan aan cidina heli Karin cidna aanay ogaan Karin, taasina runtii waa arin guula.

Geeska kale Roll Number-kii ardaydu waabay ka yaabeen karay halkaas shaadhka soo sudheen sidii baasaabooradii lagu dhoofi jiray oo kale, taasi oo uu ku dhajisan yahay sawirkii ardayga oo bacaysan, runtii taas ardaydu way la yaabeen oo hore u may arki jirin, rutnii hore waxaa loo siin jiray uun warqad yar uunbaa la siin jiray oo loogu tilmaamo Roll Number.

Markaa runtii imtixaanku si aad u heer saraysa ayuu uga dhacay gobolkan Laascaanood, si nabad galyo ahana uu ku soo dhamaaday".

S. Gudoomiye tirada ardayda sanadkan u fadhiisatay imtixaanaadka laascaanood tiradooda intee ayaad noogu sheegi kartaa?

J. Ardayda Dugsiyada Dhexe ee sanakan u fadhiistay imtixaanka tiradoodu waxay dhantahay 393 arday oo ah kuwa dugsiyada dhexe, gaar ahaan fasalada 8-aad, waxaa kale oo iyana dugisga sare gaar ahaan fasalka 4-aad ee iskuulka sare amase Form four-ka u fadhiistay 58 arday

S. Gudoomiye , guntii iyo gabo gabadii , bal waxa aad warbixin kooban naga siisaa Jawiga Gobolka Laascaanood?

J. Runtii Jawiga guud ee magaalada marka aan eego aad iyo aad ayay nabad galyadeedu u wanaagsan tahay, runtii wax weynbaa is bedelay , waxyaabaha ay dadku carabka inta badan ku hayaan shayada ugu muhiimsan waxaa ka mida Nabad Galyada oo intii aanu maamulka Somaliland gacanta ku dhigin runtii markii hore waxaa la odhan jiray habeenkii waa laysku hagoogtaa oo suuqa ayaa laysku dili jiray inta laysku soo hagoogto, hadii gabal dhacana dadku xaafad xaafad iyo daamo daamo ayuu u kala xaroon jiray, balse intii ay Somaliland Gobolka gacanta ku dhigtay amaanku wuu soo noqday dadku si xora oo nabad galyo ah ayay magaalada ku dhex maraan oo looga ganacsadaa dadka dib ayay ugu soo noqonayeen Gobolka, intii maamulka Somaliland uu gacanta ku hayay wax dila iyo wax dhib ahi kama dhicin gobalka, dadku 90% gobolka dib ayay ugu soo noqdeen taasi waa qodob.
Qodobka labaad anshaxa iyo kala danbaynta ciidanka Somaliland ee meesha tagay ayaa waxay dad weynuhu ku tilmaameen kala danbayntooda mid hal shaqi ah, sidoo kale ciidanka Somaliland kumay arag dhac dhac iyo qaladaad ay ka mid yihiin xad gudubka shacabka, aad baanay ugu aamaaneen dadweynuhu kala danbybaantaas ciidanka.
Sidoo kale dadku waxay aad ugu bogeen biyo galinta loo sameeyey sababtoo ah markii hore dadku waxay haysteen oo ay cabayeen biyo aad u qadhaadh , taasina rutnii waa mid la taaban karo, sidoo kale dhamaan Wasaaraduhu way ka hawl galaan, waxaa kale oo isna lama dhaafana xaafiiska Badhasaabka, runii badhasaabka aad iyo aad ayaan ugu amaanayaa dedaalka iyo horumarka uu sameeyey isaga iyo Ciidanka Qarankuba iyo dhamaan xukuumada Somaliland.

__

Source: Qaran News

 


 


  Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].