SOMALILANDHORTA


Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Haweenka Iyo Dadka La Haybsooca Xaqbey Leeyihiin - Qaybtii 9aad
January 18, 2008

La iskuma hayo, in haweenka iyo dadka lahayb soocaaba, ayka muuqdaan Gollayaasha Deegaanka iyo ka Wakiiladaba, Guurtidu ha inoo danbeysee waxey labada gole isla garan waayeen, waa guurtida iyo wakiilada e iyo sidaa si leg xisbiyyadu qaabkii labadaa kooxood, xaqqa Dastuuriga ah ee ay leeyihiin, loo siin lahaa.

Waxay illa qurux badneyd , intaan arintaa Golaha Wakiiladu gelin, in xisbiyadu wada tashi ka yeeshaan oo wuxii ay la noqoto ay usoo gudbiyaan Gudida Shuruucda qaabilsan ee Golaha Wakiiladda iyo Shirguddoonka, islamarkaana wada tashigga la balaadhiyo Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo Xukuumadaba laga qayb galiyo waxey illa tahay wada tashiggu, in aanu intaas un ku koobnaan ee labadan kooxood ee arrintu khuseysana wada tashigga laga qayb geliyo. Waxaa suura gal noqon lahayd, in heshiis la gaadho loo dhanyahay oo dadkaa xuquuqdooda siiya iyada oo dhamaan hay'adaha dastuurigga ah ee dalku kawada qayb galeen wada tashigaa heshiiskaana ay ansexiyeen.

Waxey iigu muuqataa, fursad dhammaan inna seegtay, hadanan caano daatayba dabadood la qabay sidaan u arko, xilkii manta ma saara, labada Gole iyo Xukuumada. Waa xilkii dadkaa siin lahaa xuquuqdooda. Xisbiyada qaranka ayuu saaran yahay xilkii dadkaa xuquuqdooda siin lahaa; dadkaas oo ah haweenka iyo dadka laheyb sooco.

Labada kooxood haddeynu kala saaro haweenku haddey midoobaan, waa awood siyaasi ah oo xisbi kasta haddey ka horyimaadaan jilbaha dhulka ugu dhufan karta. Codbixinta, inkastoo aynaan tira koob cilmiyeysan haynin, safafka coddeynta loogu jirro eeg maalintey doorasho dhacayso. Haweenka ayaa dadka ugu badan. Marka xisbiyadda loo ololeynayo haweenku qeybta ay ka qaataan mid muran kajirro maaha. Waxay muteysteen in xisbiyadu, liisaska doorashooyinka, haweenka musharaxiinta ugu horeysiiyaan, si ay doorashada u helaan. Golaheena Wakiilada laba xubnood oo kaliya ayaa haween ka ah. Sadexda xisbi, haweenkey Golaha Wakiilada u sharaxeena,inney 7ba xubnood ahaayeen baan umaleyn golaha kan xigga hadii Ilaahay inna gaadhsiiyo, xisbiyadu haweenka ha ka xishoodaan oo tirada farahoodo ay yihiin, hadaanay wax ku siineyn, tirro u cuntanta waa in ay 3dexda xisbi ugu deeqaan oo ay waliba, liisaska ugu horeysiiyaan. Sidda kaliya ee ay haweenku xaqooda ku helayaan waa iyada oo Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada, dib loogu celiyo qaabkii “Propositional System”.

Dadka la haybsoocaana siddaa aan soo sheegay oo kaliya ayey Golayaasha Wakiilada iyo kuwa deegaankaba kusoo bixi karaan. Adduunyada maanta si gaar ah ayaa loo eegaa, loo dhowraa, loo taageera oo loogu deeqaa haweenka iyo dadka lahayb soocaba ama laga tirade badan yahay xuquuqdooda siyaasigga ah.

Dalalka xuquuqda dhawrana si gaara ayaa loo amaanaa loona abaal mariyaa. Waxa bilad laggu siiyey Madexweyne Cabdalle Wada waa Madaxweynaha Senegal sidii hore ugu mariyey ka qaybgalka siyaasada haweenku ay ka qeybgaleen. Golihiisa Wasiiradda oo 24 ahaa, marbey 12 haween ahaayeen oo Ra'iisal Wasaare ka midyahay.

Warbixin laga soo saaray parlamaanada adduunka,inta haween xubno ka ah, waxa ugu sareysay Rawanda oo 46% barlamaankeedu haween yahay.

Haweenka oo marka laga hadlayo layidhaa “Gender Issue” iyo dadka laga tirade badan yahay “Minorities” si gaar ah ayaa loo daneeyaa. Somaliland qiimeynta la qiimeynayo geedi socodkeeda dimuqraadigga ah, waxaa qayb weyn ka noqon doona sida aynu ugu xaqsoorno dadkaa lahayb sooco ama laga tiro badan yahay iyo haweenka, xilkaasina manta wuxuu saaran yahay sadexda xisbi. Waxba yeynaan ku meeraysan golaa xeer gudbiyey gole kalena wuu diidey xukuumaduna meel bey ugu gabatey.

Waxaa haweenka la gudboon iyo dadka lahayb soocaba in ay is habeeyaan oo codkooda mid ka dhiggaan oo ay xisbiyada culeys saaraan iyagoo la gorgortamaya oo haddalkooda ku soo koobaya,”Sidaa Noogu Listaan Ayuun Baanu Idiinku Hambeyn."

(La Soco....)

Qoraalkii: Axmed Y. Ducaale

 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].