Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Xisbiyadda Oo Diwaan
Gashada Xubnahooda - Qeybtii 4aad
November 26, 2007
Had iyo jeer waxaad maqashaa madaxda xisbiyada, oon kala reeb lahayn, iyaga oo
ku dhawaaqaya "taageerayaashayada". Dhif ayaad maqlaysaa iyaga oo leh "xubnahayaga".
Xisbi wuxuu ku dhismaa xubnihiisa; kuwaas oo ah lafdhabarta xisbiyada. Waxaa
muuqata in "xubnaha iyo taageerayaashu" iskaga keen qaldanyihiin halkaa waxa si
u dhaaftay xisbiyadeena in ay xubnaaha xisbiyada iyo taageerayaasha kala saaraan.
Xubnuhu hawlgalka xisbiyada safka hore ayey kaga jiraan. Waajibna wuu saaran
yahay xuquuqna wey leeyihiin waajibka saaran ee usoo urarayaa inney fuliyaan
siyaasadaha xisbigga . Xuquuqdooduna waxay kusoo ururaysaa, inney mudnaanta
leeyihiin, xildoonashada, xisbigga gudihiisa iyo dibadiisaba; halka taageeruhu
uu xubnaha ka daba marayo markey xil hungureyn timaado ;isagoo ka horeynaya
qofkaan xisbigga taageero u ahayn ee maggaca xisbigga xil ku haleel.
Haddaba, si ay xubnuhu uga tilmaanaadaan taageerayaasha waxaa xisbiyyada ku
waajib ah inney diiwaan-gashadaan xubnuhu; diiwan gelintaa oo ah
1) Sadexda magac ee hore oo rajista lageliyo, magacyaduna ay taxmaan
2) Cardka xisbigga oo la siiyo
3) Astaanta xisbigga oo la siiyo
4) Qaadhaanka xisbigga oo uu bixiyo.
Laankasta oo xisbi leeyahay waa in xafiiskeedu awooda diiwaangelinta iyo
wixii dhamaystiraya hawshaa iyada a lahaadaa. Xarunta xisbigga waa in xubnaha
xisbigga loo diiwaan geliyay, laamahu ugu soo diraan, si is daba joog ah.
Madaama ay xisbiyadu adeegsadaaan computerada sidey u dhanyihiin xisbi kasta
xubnihiisu waa iney computerka ugu jirraan iyaga oo gobol gobol, degmo degmo iyo
tuulo tuulo u kala habeysan taasi waxay sahleysaa, in xisbi kastaa oggaado,
gobol hebel, degmo heblaayo iyo tuulo heblaayo xubnaha uga-diiwaan-gashan ee
halkaa ku leeyahay, taageerayaashu ha u dambeeyaane.
Taageerayaashu waa keyd u yaala xisbiyada oo ay tahay in ay had iyo goor ka
hawlgalaan, sidey ugu soo jiidi lahaayeen, inney xisbiyada xubno ka noqdaan,
iyaga oo ka dhaadhicinaya faai'idada ku jirta inay xisbiyada xubno ka noqdaan;
taas ooy ugu horeyso, hadey damac siyaasiya leeyihiin, halka ay ka haleeli
karaan damacaa, in ay tahay iyada oo xisbiyada mid ku biiraan .Kobcinta tirrada
xubnaha xisbi kasta, waxaa ugu jirta xisbiyada, dhaqaale korodhsi xubin kasta oo
xisbi ku biirtaba qaadhaanka bisha, marka laga qaado, dhaqaalaha xisbigga wuu
kordhaayaa waxaase muhiim ah si, talaabadaa loo xoojiyo in xubnaha xisbiyada
laga dhaadhiciyo, in aanay xisbiyada Somaliland ahayn siddii Xisbiggii
Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ee Siyaad Barre, oo ahaa waax ka
tirsan waaxaha maamulka dawladda hawl-wadeenkiisuna siduu u dhanyahay uu
muhushahar ka qaadan jireen dawladda. Waa in xubnaha Xisbiyada laga dhaadhiciyaa
in xisbiggu ku yahay xisbi qaadhaanka ay u huraan oo meel kale oo ay wax kasoo
galaan aaney jirin. Waa in xubnaha xisbiyada laga dhaadhiciyaa in aaney
xisbiyadu ahayn meel loo soo shaqo tago, asay yihiin meel si joogta ah dhaqaale
loogu yabooho. Ururo caalami ah, kuwo Goboleed ama kuwa dowlada kasocda oo
booqasho dalka u yimi ayaa la kulma maddaxda xisbiyada.
Waxaa dhacda in ay xisbiyyadu ka codsadaan kaalmo kor u qaadeysa "awood dhiska
"(Capacity Building) xisbiyyada. Hadii markaa xisbi xisbiyada ka mid ahi, markuu
codsigaa sameynayo, soo hordhiggo weftigaa oo uu wax ka codsanayo, shax daabacan
oo caddeyneysa tirada xubnaha xisbigga, uga diiwaan gashan gobolada, degmooyinka
iyo tuulayaasha, waxaa fududaanaysa, qancinta weftigga lagu qancinayo, innuu
xisbiggaa, awood dhiskiisa ka kaalmeeyo.
Aaad bey xisbiyadu ugu doodeen in codbixiyayaasha la diiwaangeliyo inta aan
doorashooyinka la qaban. Waa dood meesha ku jirta.Waa codsi caqli gal ah
hawshaana Komishanka Doorashada Qaranku , dhaqaale u raadinteedi wuu gudda galay.
Taasi iyada oo socota aynu rajeyneynana inney hirgasho ayey tahay in xisbiyaduna
xubnahooda ay diiwaan gashadaan, si xisbiggu ugu dhismo, oo ay iyaga oo
awoodooda og , ay doorashooyinka soo socda ka qaybgalaan.
(Lasoco......)
Qoraalkii : Axmed Yusuf Ducaale