SOMALILANDHORTA


Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Kenya Tusaale Ma Ka Dhigan Karnaa? - Qeybtii 3aad
November 21, 2007


Is reebkii murashaxiintii xisbiyada gudahooda, u tartamayay kuwa magaca xisbigga isku taagaya, wuu dhamaaday. Natiijadiina way soo baxday. Murashaxiintaasi way is ogyihiin in ay magacyada xisbiyadooda isku taagayaan. Intaa guulaeysatey maahee intii kale way hadhay. Maalintii is reebkaasi ka dhacaayay xisbiyada gudahooda, ayaa nin ku hadlayey afka Komishanka Doorashada ee Kenya tibaaxay inaan mudada codeynta la kordhin karin. Halkaa waxaa ka cad in Komishanka Doorashada Kenya uu hawlgalkan masuul ka yahay taana tarjamadeedu ay tahay, in Xeerka Doorashada Baarlamanka Kenya, tilmaamayo qaabka is reebkaasi u dhacayo.

Faa'iidada ku jirta haddaba waa maxay? Waa ta u horeysee, sideynu hore u soo sheegnay, codeeyihii xisbigga ka tirsanaa ayaa awood loo siinayaa murashaxa uu doonayo inuu u codeeya rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee. Taalabadaa Xisbi kastaaba, wuxuu raali galiyey, xaqii dimuqraadiga ahaa ee qofkasta oo xisbigga kamid ahi uu dow u lahaa, uu qof xisbi xubin ka ihi talaabadaa kadib, ma odhan karo xaqqeygii dimuqraadiga ahaa la ima siin. Cod bixiyaha, musharaxii uu watey guuleystaa, markey doorashadu timaado musharaxiisii iyo xisbigiisa ayuu taageerayaa.Cod bixiyaa dhacaa, tartankaa xisbigga gudihiisa, waxaa waajib ku ah in uu u codeeyo markey doorashadu timaado, musharaxii tartankii xisbigga gudihiisa guuleystay.

Fa'iidada 2aad waxay tahay, musharaxiintii xisbigga gudihiisa guuleysatey, rajada ay ka qabaan in ay soo baxaan oo ay helaan doorashada , ayaa sare u kacaysa waayo, cod bixiyayaashii taageeray, musharaxiintii xisbigga gudihiisa kasoo bixi weydey ayaa iyaga u codeynaya .Arintu waxay u dhacaysaa, codbixiyayaashaa soo saari waayey murashaxiintii ay wateen xisbigga gudihiisa, iyagoo fursad loo siiyay iney soo saaraan, ayaan meel ay kamaraan heleen in ay u codeeyaan musharaxiintaa xisbiggu soo saaray. Haddey sidaa yeeli waayaan waxaa ku cadaaneysa, in aanay waxbaba aaminsaneyn .

Waaya aragnimadii aynu k ahelay doorashadii dhawayd ee G/Wakiilada, aynu dib ugu noqqono. Waxaa dhacday, innaga oo aan hebelo odhan in murashax xisbigiisii liiskiisa meel ka waayo kadibna uu xisbi kale murashaxnimo kadoonto, markaa xisbiggaa 2aad musharaxnimadii u ogolaado liiskiisiina uu ku soo baxo, doorashadii markay dhacdayna uu helo oo uu guuleysto. Xisbiggiisii kaga bakhaylay innuu liiska xisbigga ku soo baxo miyaanu khasaarin? Illeyn musharaxii waakan golihii soo galaye. Arrin caynkaas ahi mar iyo laba way dhacday doorashadii dhaweyd ee Golaha Wakiilada . Sidaas oo kale looga nabadgallo, xisbinimaduna ay xiddideysato, miyaaney idiinku muuqan ra'yi wanaagsan , in aynu tijaabadan, qofba siduu u yiraa, in aynu isku dayno diraasaddeeda ?

(Lasoco.....)

Qoraalkii: Ahmed Yusuf Dualeh
 

 


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].