|
Dumuqraadiyadeynta Xisbiyadeynta: Kenya Tusaale Ma Inoo Noqon Kartaa? -
Qeybtii 2aad
Talaabadii bilowga ahayd ee ay xisbiyada Kenya tartamayaasha, Xisbi kasta
gudihiisa, u tartamaya, siday musharaxa xisbigga u noqon lahaayeen doorashadan
barlamaanigee soo socota, waxyaabihii ka dhacay meelaha qaarkood, warbaahinta
shalay weynu kala soconay.
Talaaba kasta oo bilow ahi, kacaa-kuf-keeday leedahay kaas oo waayo aragnimo la
korodhsanayo ah. Waxa qiimaha lihi, ee dhacda meel ka dhacday oo aan la
jecleysanin ama la dhibsadaane wax yeeli karinin waa mabda'a guud ee ah in qofku
musharaxa la jecelyahay kursigga xisbigga gudihiisa codkiisa ka siiyo, ama haku
guuleysto musharaxnimada ama yaanu ku guuleysan. Waxay ka tarjimaysaa t
alaabadani in qofku xisbigga uu ku jiro ee xubinta kayahay wax ka yahay qofka
xisbi xubinka ihi waa in aanu ahaanin, qof suga uun amar kor kaga yimaada ka
dibna uu fuliyo. Waa in uu ahaadaa qof fakiraya oo jira, waxna dooni kara waxna
diidi kara, had iyo jeerna dastuurka xisbigu uu fursad u siinayo ra'yigiisa uu
kusoo jeedin karo, doodina had iyo jeer ay u furantahay.
Xisbiyadeenu way da' yaryihiin ineey kobcaana weynu rajeyneynaa, haseyeeshee
waxaa lagama maarmaan ah in ay ku dhisnaadaan xaqqa xubnuhu ay u leeyihiin ka
qeybgalka hawlaha xisbigga gaar ahaan wixii la xiriira go'aan gaadh (decision
making). Go'aan gaadhka ugu muhiimsan ee ay tahay in aynu xubnaha xisbiyadeena
fursad u siino, waxaa ugu horeeya in ay iyagu qofka ugaleya xaafadooda
golayaasha dowladda hoose, iyagu kala soo dhexbaxaan xubnaha u tartamaya
kursigaa, iyo kuwo u tartamaaya golayaasha kaleba. Dimiqraadiyadu waxay ka
bilaabantaa sida aynu wada ognahay, qubanaha ama waxaan loo yaqaano
Dimuqraadiyada galbeedka (Grass Root's). Xaqaa aynu u deydeyeynaa qofka xisbigga
ku jira wuxuu imman karaa, ama qofku heli karaa
1. Qofku markuu fakirka xisbigga aamino
2. Ee uu xisbigga iska diiwaan geliy
3. Kaadhka xubinimada qaato
4. Kadib uu bixiyo ishtiraaga (Qaadhaanka) Joogtada ee xisbigga.
Sheekadii ahayd Ba' xawaadle sidii lagu noqdaa iyo waa laga dhashaa, arrintu ma
aha. Shaqsi ahaan, qof ahaan ayaad xubin-ka noqoshada Xisbiga naftaada ugu
laasimineysaa, adigoo xilkaa xubinimada qof ahaan dhabarka u ritay.
(Lasoco.....)
Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale |
|