SOMALILANDHORTA


MILICSIGA DHAXAL-REEB: BUUG XAMBAARSAN TAARIIKHDII HALYEYADA
November 17, 2007


Maalintii uu buugga Dhaxal-reeb gacantayda soo galay, horraantii sannadkan 2007, waxan akhriskiisa bilaabay goor ku beegnayd 2:30 duhurnimo. Sidii ay xaashiba xaashida kale iigu dhiibaysay ayaan saq dhexe ku gaadhay; waxanan ku sigtay in aan ku hurdo seego. Maalmihii xigay ayaan iyaguna iiga duwanayn. Wakhtigaygii oo dhan waxa la wareegay Dhaxal-reeb marka laga reebo saacadaha aan shaqada ku maqanahay. Intii aan akhriyayey waxan dareemay shucuur kala duwan oo isugu jiray farxad iyo qosol, yaab iyo amakaag iyo dabcan naxdin iyo murugo. Waxan xusuus nahay in ay si gaar ah ii taabteen qormooyinka ka hadlaya Sahra-yarey iyo Eed hooyo laga galay. Markii aan dhammeystiray akhriska 517-ka bog ee uu buuggu ka kooban yahay waxan jeclaysanayey in uu intaas ka fara badnaan lahaa. Laga soo bilaabo wakhtigaas aan akhriyey waxa niyaddayda ku jirtay in aan qoraal ku soo gudbiyo sidii aan u arkay iyo wixii aan kala kulmay buuggaas, haseyeeshee hadda ka hor iima ay suurto galin.

Dhaxal-reeb, oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale, waa buug aan noociisa oo kale hore loo qorin inta aan ogahay. Waxay sansaan wadaagaan buuggii “Profiles in Courage” ee uu John F. Kennedy kaga warramayey tariikhda shakhsiyaad Maraykan ah oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen geesiyaal wakhtigoodii ku dhammeystay dano guud iyo sidii ay uga midho dhalin lahaayeen wixii ay aaminsanaayeen. Dhaxal-reeb wuxu si faahfaahsan, qurux badan oo soo-jiidasho leh uga warramayaa taariikhda 22 halyey oo magac iyo maamuusba leh oo isugu jira halgamaa naftood-hureyaal ah, hoggaamiyeyaal siyaasadeed, hoggaamiyeyaal dhaqan, aqoon-yahanno, suugaan-yahanno iyo ganacsato; raggaas oo nin mooyaane intooda kale aanay maanta dunida inala joogin. Alle ha u wada naxariisto. Wuxu qaadaa dhigayaa maalmihii iyo marxaladihii ay soo mareen, mushkiladihii ay soo maareeyeen, mabaadii’dii ay meel mariyeen iyo mahadhooyinkii ay ka tageen. Xool ilaa xabaal waxba kama tagayo. Waxa xusid mudan in qoraagu uu aqoon dhaw u lahaa raggaas; taasina ay tahay ta u suurto galisay in uu dhinacyo badan inaga tuso shakhsiyaddooda.

Dhaxal-reeb waxa kale uu werinayaa qaybo badan oo ka mid ah taariikhdii SNM oo aad moodo in wax-ka-qoristeeda gacmaha laga wada laabtay. Waa taariikh dayacnayd oo buug laga qoro iska daaye ay adag tahay in aad aragto maqaal laga qoray. Waxan is leeyahay qofka buuggan akhriyaa si fiican buu u fahmayaa wixii ay shalay soo martay umadda reer Somaliland, sababihii ururka SNM loo aasaasay, duruufihii qallafsanaa ee uu ururku dadka kala soo dabaashay, guulihii uu soo hooyey iyo waliba ta ugu muhiimsan oo ah abaalka ay SNM ku leedahay ummadda. Arrimaha uu qoraagu ku dheeraanayo waxa ka mid ah Heshiiskii Itoobiya iyo Soomaalya ee 1988kii. Wuxu ka sheekaynayaa sidii ay wax u dhacayeen dhinaca SNM iyo Ethiopia, maalin kasta iyo saacad kasta kulamadii dhinacyada kala duwan ay goobaha kala duwan ku yeelanayeen. Sidoo kale wuxu si faahfaahsan u qorayaa ergooyinkii nabadda iyo shirweynihii u dambeeyey ee SNM.

Dhanka kale, waxa buugga qayb ka ah suugaan isugu jirta maansooyin, maahmaaho, murti iyo masraxiyad uu qoraagu mid kasta halkii ay ku habboonayd ku hubsaday. Waxa iyaguna xiise gaar ah leh qormooyinka gaagaaban ee cajiibka ah sida sheekada Damaq iyo Dareen, xusuus-qorka maalmihii raadka kaga tagay qoraaga, aqoon-korodhsiga ku saabsan: ugaadha, sida ay u dhaqanto, inta ay u kala baxdo, iyo magac-bixinteeda iyo waliba magacyadii ay Soomaalidu u yaqaaneen maalmaha todobaadka. Dhacdooyinka, taariikhaha iyo mawduucyada uu Dhaxal-reeb xambaarsan yahay waxa ka faa’iideysan kara mu’alifiinta ama hal-abuurada. Waxay ka sameyn karaan filimo, riwaayado, buugaag, sawir-gacmeedyo iyo sheekooyin mala-awaal ah oo aad loo xiiseeyo.

Umaan bogin oo kaliya dhexdhexaadnimada, kartida iyo xirfadda dhammeyska ah ee qoraaga, balse waxan aad ugu qushuucay sida uu u ururiyey, u kaydiyey, isla markaana ugu fara-adaygay taariikhaha muddada intaas leeg soo taxnaa. Runtii waa tacab dheeraad ah oo aynaan dhaqan u lahaan jirin. Boobe waxan leeyahay Illaahay ha kaa abaal mariyo’e halkaas ka sii wad. Qorayaasha kalena waxan ku boorinayaa oo aan ka baryayaa in ay dedaal kaas la mid ah sameeyaan oo ay ubadkooda iyo ubadka ay sii dhali doonaan uga tagaan waayo-aragnimo, aqoon iyo taariikh qoran. Haddii aan jiilka cusub lagu barbaarin taariikhda, laga dhaadhicin wixii shalay jiray, waxaynu halis u nahay in aynu raadkeenii dib u raacno oo aynu mar labaad marno dariiqii qodxaha badnaa ee ay soo mareen geesiyaasha buuggani xusay iyo bulshadii barbar taagnayd.

Dhallinyaro iyo waayeel, rag iyo dumar, dhammaanteen waxa inala gudboon in aan taariikhdeenna gaadh ka hayno si aanay inooga lumin amaba inooga marin-habaabin. Waxa muhiim ah in aynu mar kasta niyadda ku hayno in sida kaliya ee aynu qorayaasheenna u dhiiri galin karnaa ay tahay inagoo akhrisana qoraaladooda buugaagtoodana lacagta u hurna.

__

Source: Hadhwanaag News

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].