SOMALILANDHORTA


Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Kenya Tusaale Ma Ka Dhigan Karnaa?
November 17, 2007


Wakhtiga iyo taariikhdu waa badhtimihii 2003 ama 2004 waxaynu warbaahinta ka maqlaynaa, daawaneynaa oo aynu ka akhriyeynaa, garoonka kubada, Kasaraani, Magaalada Neirobi oo ay joogaan 4000 oo xubnood oo katirsan KANU, kana soo qaybgalay shirweynihii xisbigga ee ay ku dooranayeen Gudiyada Qaran ee hogaaminaya xisbiga. Shirweynuhu doorashada wuxuu ku aaminay iney u maamulaan Komishanka Doorashooyinka Kenya. Xisbigu waa mucaarid oo doorashadii u danbeysay waa laga helay, hadana maamulkii doorashooyinkiisa wuxuu ku aaminay gudidaa sida rasmiga u maamushay sida Kenya.Waa arin xiiso leh, horena umaan maqal meel ay Africa ka dhacday. Ama dhacdadani ha ugu horeyso ama tu ku horeysay ha ku xigto, shaki kuma jiro inay tahay arrin kusoo biirtay waaya aragnimada dimuqraadiyadeynta xisbiyada.

Dhacdadaa iyada ah mid la qiima ah ayaa shalay ka dhacday Kenya. Tartankii Doorashooyinka Baarlamaaniga ah, tii degaanka hadaanan khaldaneyn iyo tii madaxweynaha ayaa ololohoodii ka socdaa Kenya. Xxisbi kasta gudihiisa ayaa hal kursi oo degmo doorasha ah (Electoral District) ayaa laga yaabaa in ay dhowr musharax xisbigga gudihiisa ka tartamayaan, si midkood xisbigga magaciisa doorashada iskugu taago in ay kala hadhaan ama lakala reebo ayaa loo baahday.

Gudidii Fullinta iyo Golihii Dhexe ee heerka qaran, gudiyadii gobalada iyo kuwii degmooyinku, arrintaa kala reebida xubnaha xisbigga dhexdiisa ka tartamaya waxay u daayeen xubnaha xisbigu iney kala saaraan. Shalay ayey doorashadaa kala saaridda tartamayaasha xisbi kasta gudihiisu ka dhacday Kenya. .Degmo kasta oo doorasho, ama kursi kastoo loo tartamayo, sadexda xisbi gudahooda qofka u tira badsada ayaa magaca xisbiga isu taagaya doorashadaa. Waa arrin xiiso leh oo sida runtu ay tahay arrintii soo saarida qofka magaca xisbigga kursi ugu tartamaya gacanta u gelisey xubnihii xisbigga; taas oo dhab ahaan noqotay dimiqraadiyada heerkii ugu caafimaadka badnaa. Waxa meesha ka baxay qofj ecleysiggii mar mar lagu xaman jirey alooska go'aanka ka soo gaadhi jirey xubnaha xisbigga gudihiisa, kursi keliya wada hungureyn jirey; taas oo mar mar dhacda iney xisbiyada dhexdooda, kala shaki ku abuurto.
(Lasoco.....)

Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].