SOMALILANDHORTA


Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Soo Saarka Iyo Magacaabida Murashaxiinta Qaybtii 8aad
December 23, 2007


Sida uu u qoran yahay Xeerka Doorashadda xubnaha Golaha Wakiiladu ayaa sheegaaya in Musharaxa Golaha Wakiilada toos loo soo doorto; taas oo macnaheedu yahay musharaxii liiska xisbi ayuu ku soo baxaa, laakiin aan ahayn qaabkii "Proportional System"-ka ee musharax kasta isaga oo liiskii xisbiga ku jira taageerayaashaasu ay isaga gaar ahaan ugu codeynayaan, xaqiiqdu sidey tahayse, inkasta oo musharaxu magac xisbi sito, aan cod-bixiyuhu aanu xisbigga u codeyneyn ee musharaxa u codeynayo.

Waxaa dhacday, in musharaxa,taageerayaashiisu iyagoo beelnimo ka dhaqaaqaya, kadibna ay xisbigga u geynayeen magaca murashaxooda. Si liiska xisbigga loogu daro. Caadi ayey ahayd, maalmihii ololaha Doorashada Golaha Wakiilda, inaad maqasho akhrido ama daawatid beel heblaayo oo xafladku qabatay, huteel hebel, ayaa soo saartay hebel hebel oo ah murashaxoodii xisbi hebel. Waxkale mey ahayn, ee waxaad ku tilmaami kartaa, cawsleh la muuseeyey ama odhaahdii meelmartay, uu lahaa Aw Xasan Sheekh Cismaan Nuur ee ahay,"dusha ka sumuni hoosta ka sadex gambo."

Qaabkaa aynu wax usoo saarney ee aynu u magacawnay, waxuu muujinayaa inkasta oo aynu u guurey ama galay, marxaladdii xisbiyadda tirada badan,in ay beelnimadii weli innaga laalaado oo aynu ka muruxsan laanahay. Doorasho Baarlamaaniyaha oo ay beelnimadu aanay aad u saamayn, ama aanay saamaynba, waxaa ugu horeysay tii 1960gii. Wakhtigaa ayey xisbinimadu dadka aad u xushay oo la aaminay. Waxaa la arki jirrey laba walaalo ah oo laba xisbi kukala jirra ama laba isqaba oo iyaguna laba xisbi kukala jirra.

Walaalaha iyo qoyska sidaa u qeybsani ee siyaasiyan issaga soo horjeeda, ayaa wada noolaanshahoodu hadana caadi ahaa. Waxaynu gaadhnay marxalad aynu si yaableh uga xorowney beelnimadii. Dublamaasi reer Soomaaliland ah oo immika da' ah ayaanu arrintaa ka sheekaysanay, oo markaan is garab dhignay, beelnimadu halkey maanta gaadhey iyo berigaa sida aad loogaga xoroobey, ayaa intuu qosley yidhi, "boqolsano ayeynu dib u dhacnay."

In aynu bulsho beeleysan nahay shaki kuma jirro. Beelnimada waxaa dib innoogu soo celiyeyna waa sheeko dheer oo aynaan halkan kaga hadli kareynin. Xigmadduse waxay tahay, in ay suura gal tahay, in aynu fikirka siyaasiga ah ee reeraysan, ka bixi karo haddii hogaanka siyaasiga ah ee inna hoggaaminayaa, xukuumad iyo xisbiyaba, uu isagu horta ka xoroobo fikirka caynkaas ah; kadibna dadka uu sidaa ku hogaamiyo. Xukuumadii, tan immika iyo tii ka horeysayba, reer hebelbay la shireysaa.
Mas'uuliyiintii xisbiyada hoggaamineysey, reer hebal bay la shirayaan. Qof aan isaguba ka xoroobin reernimadii dadweyne kama xoreyn karo reernimada.

Kola shirkii Golaha Wasiiradaha ayaan ka qayb galayaa kola shirkii beesha ayaan ka qeyb gelayaa macnaheedu waxa weeye laba shakhsiyadood ayaan ahay. Kola shirkii xisbigaan ka qeybgeliyaa kola kii beesha, iyaduna waa laba shakhsiyadood baan ahay. Siddaa haduu xaalku ku socdo wey adkaaneysaa sidey uga xorownaa fikirka siyaasiga ah ee beeleysan.

Waxaan qabaa in xeerka doorashada Golaha Wakiilada, dibloogu celiyo, nidaamkii xisbiyeysnaa. liiska musharaxiinta doorashada ha u kala helaan sidey liiska u kala horeeyaan. Codbixiye xisbiggu ha u bixiyo sidii ay u dhacday Doorashadii Dowladda Hoose oo kale. Inkasta oo aan taageersanahay in haweenka iyo beelaha lahayb sooco, in tirro kuraasiya gaar looga dhiggo hadaana waan soo dhaweeyey markii Golaha Guurtidu uu gaar ahaan diiday, qaabkuu Golaha Wakiilada ku tilmaamay toos in loo soo doorto xubnaha Dowlada Hoose. waayo? waxey dib inoogu celineysaa beel-ku-saleynta xulashada iyo magacaabidda musharaxiinta. Iyada oo ay adagtahay, xaaladda aynu maanta ku jirno, in aynu nidhaahno, beelnimo majirto, hadana waxaa innagu waajib ah in aynu qeyb libaax ka siino gudiyada xisbiyadaha, tuule degmo ilaa gobol, soo saarka iyo xulashada musharaxiinta Golaha Wakiiladaha iyo kuwa Dowladaha Hooseba.

(Lasoco.......)

Qaraalkii: Axmed Y. Ducaale

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].