SOMALILANDHORTA


Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Soo Saarka iyo magacaabida murashaxiinta:Qaybtii 7aad
December 9, 2007


Soo saarka iyo magacaabida murashaxiinta, xisbiyada uga qeybgalaya D/dwladaha hoose, ayeynu qoraalkii kan horeeyay, iney xilkaa leeyihiin, gudiyada heer degmo ee xisbiyadu kali hawsha ku noqon maayaan sideynu hore u tilmaanay, ee waxgaradka degmada ee xisbiga, kana midyihiin Madax dhaqameedyada, ganacsatada haweenka iyo madaxda xoola dhaqatada, ayaa hawshaa la leh .

Waaya aragnimada aynu ka helay, soo saarkii iyo magacaabidii, murashaxiintii xisbiyada, ee Golaha Wakiilada ayaa inagu qasbaysa in aynu arrintaa ku hakano, inagoo eegayna sideyqaabka xisbinimo, u waafaqsaneyd, ama uga duwaney.

Xisbi kastaa wuxuu raacayaa dastuurkiisa iyo Xeer Hoosaadkiisa, waxa ku qoran, marka arrintaa soo saarka iyo magacaabida murashaxiinta la galeyo. Isla markaa waxaa u banaan, siduu xisbiggu dan moodo, in uu yeeli karo, qasabna aanay ahayn in aan in yarna laga beydhin waxaa Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka ku qoran. Waayo? Xisbi kastaa, duruufo u gaar ah ayuu leeyahay . Waxaase muhiim ah, oo ay dimuqraadiyadeynta xisbiyadu ina faraysaa, in qaab lagu heshiis yahay, lagu soo saaro oo lagu magacaabo murashaxiinta G/Wakiilada si ay masuuliyadu xulashada ugu qaybsanto gudiyada xisbiyada, ee heer degmo, gobol, ilaa qaran gudiyada heer gobol ee xisbiyada, ayaa aragtideyda gaaban ay tahay, inney qeyb libaax ka qaataan hawshaa, iyagoo gudiyada degmooyinkuna la shaqeynayaan.

Aan dib ugu noqonee gobolada 5ta ah, marka gobolka Hargeysa laga reebo, gudiyada heer gobol iyo heer degmo oo ay weheliyaan waxgaradka xisbiyada ee gobolada iyo degmooyinku, ayaa soo saaridii iyo magacaabidii murashaxiintii golaha wakiilada , qaybta ugu weyn lahaa, iyadoo gudiyad heer qaran ee xisbiyaduna aanay ka gacan la'ayn, caafimaad siyaasi ah oo ay ka muuqato dimiqraadiyadeyn xisbinimo, ayaa hawlgalkaa ka muuqday. Marka aynu Hargeysa eegno, madaama xaruumihii xisbiyadu ay Hargeysa ka furan yihiin, oo caasimadii dalka ah, ayey faragelinta hoggaamada sare ee xisbiyadu aysi xoogan uga muuqatay soo saarka iyo magacaabida, murashaxiinta Golaha Wakiilada. Layaab sidaa usii badan, yeynaan layaabin, laakiin aynu xusno, in ay ilaa heer hawshaa xaq u leeyihiin gudiyada xisbiyada ee gobolka iyo degmooyinka Hargeysa, sidey gudiyada gobolada kaleba ugu madax banaanaayeen ilaa heer, soo saarka magacaabida murashaxa .

Hoggaanka sare ee xisbiyadu, kali kuma ahayn, soo saarka iyo magacaabidda murashaxiinta Golaha Wakiilada, ee hoggaan walba waxgaradkiisa oo beelaysan, iyadoo wax garad kalena uu weheliyo ayaa hawsha la wadaagayey.Wey adkeyd sida ay runtu ay tahay in fikirka beelnimo hawshaa ka maqnaado . Waayo? Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ayaa u furay irid aaney cidina ka horjoogsan kareyn.

(la soco.....)

Qaraalkii: Axmed Y. Ducaale

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].