|
Dimuqraadiyadeynta Xisbiyada: Doorashada Gudiyadda
Xisbiyada - Qeybtii 5aad
December 1, 2007
Tiraba wixii ka dambeeyay dhalashaddii 2-aad ee Somaliland, 4-jeer ayeynu cod
bixin u dareernay; kuwaas oo ahaa Aftidii Dastuurka, Doorashadii Dowladaha Hoose,
Doorashadii Madaxweyne iyo Doorashadii Golaha Wakiilada oo gidigood dhacay
2001-2005. Waxaynu u diyaar garoobeynaa sannadkan 2008 mar labaad doorashadii
Dowlada Hoose iyo Doorashadii Madaxweynaha. Waa guul cadoga S/Landna ka naxayo
saaxiibkeeduna ku farxayo.
Waxaa inoo dhiman, doorasho iyo cod bixin, sidda muuqata, aynaan mudnaanta ay
leedahay weli siinin. Waa doorashada iyo u codeynta Gudiyadda Xisbiyada, laga
bilaabo heer tuulo ilaa laga gaadhayo heer qaran iyada oo loo sii marayo heer
degmo iyo heer qaran. Waxaa laga yaabaa, akhristuhu, ama akhristayaasha qaarkood
inney is weydiiyaan, maxaa micna ah ee ku jirra.
Tuule yar Gudi Xisbi u dooro? jawaabtu weyfududahay. Waxbarasho iyo tababar aan
kala go' lahayn doorashadda iyo codbixintu, laf-dhabar u yihiin, ayeynu ku jiraa
waxaynu dooneynaa in aynu isbaro, warqadda lagu codeynayo qalinka lagu
calaamadinayo, sanduuqa lagu ridaayo iyo gudida Doorashadaa maamuleysa heerka
ugu hooseeya markeynu ka bilaabaynana, muwaadinka caadiga ah, ayeynu dooneynaa,
in aynu dareensiino xaqqa uu u leeyahay in uu ka qeyb qaato, dhismaha xisbigga u
aaminay in uu xubin ka noqdo iskana diiwaan geliyey waxaynu dooneynaa ineynu
muwaadinka caadiga ah, ku xidhno xisbigiisa; taas oo si dad ban u
dhadhansiineysa xisbi-dhisku in uu yahay hawl laga qeyb geliyey, xaqna uu u
leeyahy in laga qayb geliyo. Wadxa iyana meesha ku jirta innuu is garab dhiggo,
xisbi dhiska lagga qayb geliyey iyo caaqil doorashadda aanay cidina weydiin;
halkaana uu reernimadda waxoogaa wax iska weydiiyo.
Marka sidaa loogu codeeya G/xisbigga ee tuulaha, xisbigii waxaa u sugnaanaya,
sees adag oo ku salaysan rabidda xubnihiisa u diiwaangashan.
Markey heer Degmo joogto laba midkoodbaa banaan. Xubnahaa xisbigga degmadda uga
diiwaan gashan oo gidigood ka qayb gala u codeynta iyo doorashada gudida
xisbigga ee degmada. Ta labaad ee taa ka fududina, waxaa weeyaan Sh/Weyne heer
degma ah oo ay gudiyadii xisbiyada ee ay ka soo qaybg alaan halkaana ay ku
doortaan gudidii xisbigee degmada markey heer gobol gaadhan labadaa talaabo ee
aynu xusnay midkood laraaco, si gudigii gobolka ee xisbigga loo dhisso.
Hoggaanka sare ee xisbigga (Gudoomiye, Gudoomiye-ku-xigeeno, Xoghaye Guud
Gudigga Fullinta iyo G/Dhexe waxaa dooranaaya oo u codeynaya shirweyne guud oo
xisbiggu qabto, dhawrkii sanaba (sida dastuurka xisbigu dhiggayo mar)
Shirweynahaa ka qayb galkiisu waa innuu ku matili doona, tirada, xubnaha
shirweynahaa uga qeybgalaya, gobolka iyo maamulka hoos yimaada xubnahaooda.
Qoraalkii: Axmed Yuusuf Ducaale |
|