SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, September 30, 2010
Wasiirka Warfaafinta oo Raali-gelin ka Bixiyay Xayiraadii Hanti-dhowrka Guud Ku Soo Rogay Guddoomiyihii hore ee Baan
Hargeysa (Waaheen) – Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Cabdilaahi Cismaan Jaamac [Geell-jire], ayaa shalay raali-gelin ka bixiyay xayiraad xagga socdaalka oo uu hanti-dhowraha guud ku soo rogay Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Cismaan Jaamac [Geell-jire], oo isagu shalay u waraysi siiyaa laanta Af-ka Somaliga ee Idaacada BBC-da, waxaanu sheegay in aanu jirin warka sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Ducaale Maxamed ay Xukumada Axmed Siilaanyo ku soo rogtay iyo in baadhitaanku yahay oo kaliya sidii loo sixi lahaa xisaabaadka uu wareejiyey Guddoomiyuhu.

Waxa kale oo Wasiirka Warfaafintu sheegay in baadhitaan noocan oo kale ah lagu samaynayo masuuliyiin iyo ha’yado kala duwan oo ka tirsanaa xukuumadii hore ee uu hogaaminayey madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu raaligelin ka bixinayo isagoo afka xukuumada Somaliland ku hadlaya warka sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Ducaale Maxamed lagu soo rogay xayiraad xagga safarka ah, wuxuuna yidhi “Horta annagu [Xukumada] warka aanu haynaa waxa weeye Guddomiye Cabdiraxmaan wuxuu hayey furre, qalab iyo documenti kale oo isaga oo kaliyi furi jiray oo ay balantu ahayd in berri oo kale uu noo furo [maalintii uu Guddoomiyuhu is-lahaa dibeda u socdaal] ayuu safarku-na ku soo beegmay. Haddiise ay dhacday oo lagu yidhi dibeda uma bixi kartid oo xayiraad baa jirta, taas anigu waxaan u arkaa in aanay haboonayn. Raaligelin ayaanu ka siinaynaa Cabdiraxmaan Ducaale hadii lagu la kacay wax aan sharciga waafaqsanayn in kasta oo aanan si toos ah u cadayn inay arintaasi jirto.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay inuu Guddoomiye Cabdiraxmaan Ducaale yahay odey weyn oo reer Somaliland oo mudo badan dalkan u soo shaqeeyey, isla markaana ixtiraam ka mudan Xukumadiisa waxanu yidhi Md Geell-jire “Cabdiraxmaan Ducaale waa nin weyn oo qaranka in badan u soo shaqeeyey ixtiraam ayuu dhammaan bulshada iyo Xukumada-yada-ba ka mudan yahay, waxa hore loo yidhi ayaan la xumayn xisaab meeshan-na ma taalo in cid ama masuul qaran sharefta laga dhaco, laakiin marka aynu qarankan samaysanay ayaa ah micnihiisu in la sameeyo sida wax inuugu hagaagayaan”.

Md. Geell-jire waxa uu beeniyey jiritaanka wararka sheegaya in masuuliyiin isku qabiil kaliya ka soo wada jeeda si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, isla markaana Maxkamad la soo taagayo, isagoo hawlgalka Xafiiska Hanti-dhowrkana ku sifeeyey mid lagu saxayo waxyaabo yar yar oo khaldamay markii daynta la kala wareegayeen labadii xukumadood ee Somaliland waxanu yidhi “Waxa ugu horeeya ee aan horta halkan ka sheegayaa waxa weeye sida la wada socotaan, waxa shalay saxaafada qaar baahiyeen, isla markaana aad loo sheegayey in dad gaara oo isku beel ah la daba socdo oo Hanti-dhowrku daba socdo iyo in masuuliyiin dawladii hore ka tirsanaa la xidh-xidhayo, taan doonayo in aan halkan ka cadeeyo waa taas, waxa aan halkan ka sheegayaa in aanay arintaas waxba ka jirin ahba yaraatee, waa ogaydeen sidii wanaagsanayd ee aynu Doorashadeenii, kaambaynkii ka horeeyey,qaabkii fiicnayd ee ay xukumadii hore xilka noogu wareejisay iyo balanqaadkii aanu umada u samaynay ee ahaa in aanaan horumar aanu samayno mooyee dib aanan u noqon doonin isqod-qodid, horta taasi waa naga sidaas oo waan cadaynayaa. Laakiin waxa jira arintan Odhodka ee la hadal hayo ee ku saabsan Baanka iyo Wasaarada Maaliyada waa arin iska caadiya oo ku saabsan xisaabtii iyo dayntii la soo wareejiyey. Sidaa daraateed waxa weeye oo qudha sidii ay u hubin lahaayeen, isla markaana isku waafajin lahaayeen Odhodku lambaradan la sheegayo ee xagan iyo xagan-ba laga keenay, ee maaha arintan cid gaar ah lagu bartilmaameedsanay ama lagu xidhayo.”

Amarkan uu Hanti-dhowrka qaranku kaga xayiray dhaqdhaqaaqa xaga socdaalka Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Ducaale Maxamed, ayaa markii la maqlay waxaa uu xiisad ka dhex abuuray bulshada dhexdeeda. iyadoo la soo sheegay in Gobollada Sanaag, Badhan, Sool iyo Togdheer laga abaabulayo mudaharaado arintaas laga soo horjeed.

Sidoo kale, waxa magaalada Burco ilaa xalay shirar kala duwan oo arintan laga hadlaayo iyo wixii laga yeeli lahaa uga socday beesha uu Guddoomiye Cabdiraxmaan Ducaale ka soo jeedo ah beesha degan galbeedka magaalada Burco
 





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp