SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, September 23, 2010
Wasiirka Qorsheynta oo Caddeeyey in Somaliland la Jaan-qaadi Doonto Qorshaha Adduunka ee Shanta Sanno ee Soo SocdaHargeysa (Jam)- Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland ay la jaan-qaadi doonto qorshaha guud ee caalamku u dejiyey in lagu horumariyo baahiyaadka aasaasiga ah ee bulshada ku nool waddamada adduunka, kaasi oo lagula dagaallami doono, isla markaan lagu yaraynaayo saboolnimada, cudurada iyo aqoon-darada, kaasi oo caalamku u qoondeeyey in laga midho dhaliyo shanta sanno ee soo socota.
Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo kulan lagaga hadlayey qorshayaasha horumarineed ee shanta sanno ee soo socda shalay ka furay xarrunta wasaarada qorsheynta, waxa uu ka sheegay in ay wasaarad ahaan ay billaabi doonaan wacyigelin la xidhiidha sidii bulshada iyo xukuumadda loogu baraarujin lahaa yoolka horumarka guud ee caalamku higsanaayaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Waxaynu halkan iskugu nimi in aynu bilowno wacyigelin aynu bulshada ka wacyigelinayno yoolka iyo horumarka loogu talogalay qarnigan. Sida aynu ognahay caalamka maanta dhibaatooyinka ka taagan wax ka mid ah saboolnimada oo aan ku koobnayn dadka saboolka oo kaliya ee waa mid wada saameysa adduunka oo dhan, sidaa darteed caalamku waxa uu ka yeeshay qorshe loogu talogalay in shanta sanno ee soo socota la yareeyo saboolnimada, aqoon la’aanta iyo dhimashada carruurta yar yar iyo dumarka.
Waddamada adduunku way kala horreeyaan, waddan waliba waxa uu la jaan-qaaday si wanaagsan, qaar koodna aad ayey u dambeeyaan, kuwaasi oo aynu inagu ka mid nahay.
Qodobada qaar ma xumin oo meel fiicanbaynu maraynaa, kuwa kalena faraq weyn ayaa inoo dhaxeeya halka aynu joogno iyo halka uu adduunku joogo maanta.
Ujeedada aynu isugu nimi waa sidii dadka loogu wacyigelin lahaa qorshaha guud ee sidii loo gaadhi lahaa horumar dhinac walba ah, wacyigelintan oo ku aadan xukuumadda iyo bulshada.”


Jamhuuriya Online
 





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp