SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Aricle 22 Sep 2010

Jaamacad iyo Dugsiyada farsamada keebaa Somaliland u baahan tahay ?
   
Jaamacad:-
 
Waxaan ula jeedaa goob lagu barto tacliin sare iyo cilmi baadhis,waa goob lagu barto maadooyin kala duwan.Jaamacada waxaa laga qaataa shahaadooyin leh derajooyin kala sareeya kuwaas oo marka xigta shaqo laga raadsado dunida aynu ku nool nahay.
 
Haddaba marar badan ayaa waxaynu maqalnaa waxaa la furay Jaamacad cusub,sida aynu la wada soconana maanta waxaa jaamacado kala duwani ka furan yihiin magaalooyin badan oo Somaliland ku yaala sida Boorama---Hargeysa---Berbera---Burco---Laascaanood---Ceerigaabo,magaalooyinka qaarkoodna waxaaba ka furan dhowr jaamacadood,qaarna waxay ku jiraan qabanqaabada sidii ay u furan lahaayeen Jaamacad,qaar u dudayaana waa jiraan.Waxaa bilowday in wadamo Somaliland la deris ah iyo qaar ka fogiba ay bilaabeed in ay ku tartamaan in   faracyo Jaamacadeed ka furtaan magaalooyinka Somaliland,balse ma jirto cid la socota waxa lagu barto ,iyo weliba cid og waxay faaiido iyo qasaare ay inoo leeyihiin.
 
Waxaa ka qalin jebiyey Jaamacadahaas arday aad u fara badan,kuwaas oo aan intooda badani  wax shaqo ah ka helin dalka,lana odhan karo waxay u qaybsameen qaar buux dhaafiyey goobaha lagu sheekaysto iyo qaar naftooda ku biimeeyey Badaha si ay u raadiyaan nolol dhaanta ka jirta geyiga ay ku nool yihiin.
 
In yar oo Dhakhaatiir ah iyo in yar IT Xawaaladaha iyo Isgaadhsiinta ugu shaqaysa mooyaane  ilaa hadda ma jiraan wax sidaa u waaweyn oo aynu ka faaiidnay Jaamacadaha faraha badan ee ay isugu faanaan magaalooyinka Somaliland.Jaamacadu waxay dhalinyaradii ka fogeeyeen shaqooyin badan oo ay badbaadi lahaayeen dhibaatada maanta  haysata ee shaqo la,aantu ugu weyntahay.
Waxaan qabaa in maanta aanu dalku u baahneyn Jaamacado sidaa u tiro badan ,kuwaas oo ay aad iyo aad u yartay faaiidada dalka iyo dadka soo gelaysaa.
 
Dugsiyada farsamada:-
 
Waxaa ula jeedaa dugsiyada lagu barto farsamooyinka kala duwan/xirfadaha kala duwan ee sida dhaqsa ah loogu shaqaysan karo.Inta badan dugsiyada farsamadu waa waxbarasho  laba (2) sanadood ah,waxyaabaha lagu bartana waxaa ugu muhiimsan,farsamada gacanta sida  dhismaha--Alxanka--Nijaarada-Korantada---Kaluumeysiga---Wershedaha---Beeraha ---Kalkaaliye yaasha----Maamulka iyo Xisaabadka  IWM
 
Runtii waxaa wax lala yaabo ah in ilaa maanta aanay Somaliland ka jirin  Dugsiyada laga barto Farsamada gacantu,balse aad ka heli karto Jaamacado fara badan.Waxaa wax lala yaabo ah in ilaa maanta ay dunsan yihiin Dugsayadii  farsamada gacanta  ee caanka ka ahaa Somaliland sida "Dugsigii Farsamada gacanta ee Burco",kaas oo keliya ayaan qabaa in uu buuxin karo baahida dhinaca farsamada ee ka jirta Somaliland.
 
Haddii maanta aad uga baahato Somaliland shaqsiyaad aqoon u leh WERSHEDAHA-BEERAHA-DHISMAHA-KORANTADA- ALXANKA IWM,waxaad helaysaa shaqsiyaad  aad u daweyn,waxbarashadooduna ay tahay waqti hore,waxaana laga yaabaa in inta badan dunida laga joojiyey  farsamadii ay yaqaanay amase la soo saaray qalab cusub oo bedelay kuwii uu yaqaanay.
Waxaa aad iyo aad u adag in aad ka hesho Somaliland cid baratay  farsamooyinka gacanta 25 sanadood ee ugu dambeeyey, waana sanadihii ay farsamada  gacantu si aada isu bedeshay.
Dadka maanta ku shaqaysta farsamada runtii waxaa la odhan karaa waa dad ay dantu bartay,amase waa shaqsiyaad ka soo saara nolol maalmeedkooda/waa shaqsiyaad ay bartay farsamada shaqo la,aanta baahsan ee ka jirta dalka,waxaana laga yaabaa in ay jiraan qaar badan oo ay galaafteen amase naftoodii qaali ahaa ku waayeen farsamo aan garaneyn ee dantu ku keliftay.
 Waa la yaab in maanta shaqaalaha wershedaha yar yar ee Somaliland  looga doono wadamo inaga fog fog,waxaa wax laga xumaado ah in dhalin yaradii dalka u dhalatay ay daawadaan ,qaar la da ah oo wadamada deriska ka yimid,oo qabanaya shaqooyinkii ay xaqa u lahaayeen
 
Tallo:-
 Waxaan ku talin lahaa in la joojiyo  furitaanka Jaamacadaha cusub,balse lagu dadaalo sidii loo furan lahaa Dugsiyo lagu barto  farsamada gacanta ,kuwii horena loo qalab qaato sidii loo dayac tiri lahaa.Waxaa laga yaabaa in ay fiicnaan lahayd in ay jiraan XEERAR  arimahan ka cadeeyaa.
  
Mahadsanidin
 
JOOJO JAAMACADA------------ BARTA FARSAMAADA
 
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com

 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp