SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Wednesday, Sep 1, 2010
WARGEYSKA JAMHUURIYA - MAALINLE KA SOO BAXA HARGEISA, SOMALILAND Taliyihii Ciidanka Asluubta ee G/Sool oo Dablay Hubeysani ku dileen Caawa fiidkii magaalada LaascaanoodBurco-(Jam)-Taliyaha Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool, Marxuum Cabdi Ciise Nuur, ayaa Caawa Fiidkii Koox Hubaysani ku Dishay Gudaha magaaladda Laas-caanod, kuna Dhaawaceen Saddex ka Mida Ilaaladiisii.

Dableydan ayaa la sheegay inay taliyaha Dileen Wakhti uu ka soo Afuray Gurigiisa, oo Fulayaa gaadhigiisa, ka dibna deblaydaasi ku fureen Tacshiiradda Rasaasa, qoobtasna uu ku geeryooday Taliyaha Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool.

Badhasaabak gobolka Sool oo Jamhuuriya kula Xidhiidhay Khadka Telefoonka ayaa ka gaabsaday inuu Wakhtigan Faah faahin ka Bixiyo Dilka Taliyaha, Balse wuxuu Cadeeyay inay Dilkan gaysteen Kooxo hubaysani, isle markaana lagu Dabo-joogo Raadkoodii.

Gudaha iyo daafaha magaaldda Laas-Caanood, ayaa waxaa gaafwareegaaya Ciidanka Qaran Soomaaliland, kuwaasoo Raadinayaa Kooxii falkan gaysatay.

Dilkan taliyaha ayaa si weyn looga Dareemay magaaladda Sool, isla markaana Dadweynuhu ka muujiyeen dareen Cadho-ah .Falkan Dilka ah yaaa Noqonaaya kii u Horeeyay ee ka dhaca gobolkaasi, Tan iyo intii Xukuumadda Siilaanyo la Wareegtay Hogaanka Dalka. Waxa kale, oo Dilkani ku soo beegmay Wakhti gobolkaasi loo magacaabay Masuuliyiin Cusub, lagana bedelay Kuwii Hore.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa dhowaan guddi Wasiiro ah u magacaabay gobolladda Bariga Soomaaliland, kuwaaasoo loo Xilsaaray Xal u Helidda Khilaafka ka jira gobolkaasi., Balse Wali may Hawlgalin guddigaasi, oo uu Madax ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose.

Alle Haw Naxariistee Marxuun Cabdi Ciise Nuur, ayaa Sanadihii u Dambeeyey Madax ka ahaa Ciidaanka Asluubta ee gobolkaasi, si weyn looga yaqaanay Degaankaasi





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp