SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Wednesday, September 1, 2010
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo beeniyay war uu ka qoray wargeyska Haatuf:-

Wasiirka wasaarada diinta iyo Awqaafta somaliland Md Sheekh Khaliil C/laahi Axmed ayaa sheegay war xaqiida ka fog isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn

Hargaysa(GNS):-Wasiirka wasaarada diinta iyo Awqaafta somaliland Md Sheekh Khaliil C/laahi Axmed ayaa sheegay war xaqiida ka fog isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn war uu qoray shalay wargeyska HAATUF cadadkiisii 2444 warkaasi oo uu wargeysku ku sheegay in wasirrka diinta iyo awqaaftu uu joogay masaajidka AL-HUDA ee ku yaala kaalinta 8aad ee waaxda maxamuud haybe kaasi oo lagu taageerayay sida uu wargeyska HAATUF sheegay kooxda Al-shabaab.

sidaasina waxa uu wasiirka diinta iyo awqaaftu ku sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray,kaasi oo uu ku beeninayo warkaasi,warsaxafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

"Walaala yaal Alla subxaana watacaalaa waxa uu Aayad Qur,aana ku yidhi ( haddii uu qof saaqid ahi war idiinla yimaado iska hubiya si aydaan cid kale oo aan waxba ogayn aad falxun ugu gaysataan dabadeedna aad ka murugootaan falkiina), wlaalayaal waxa shalay uu wargayska HAATUF kuna daabacay cadadkiisii 2444 ee salaasada 31/08/2010 warkaasi oo ahaa war xaqiiqada ka fog isla markaana aan sal iyo raad lahayn,warkaasi oo uu ku sheegay wargeysku in anigu aan fadhiyay masjidka Al-huda ee ku yaala kaalinyta 8aad ee waaxda maxamuud haybe halkaas oo lagu taageerayay kooxda Al-shabaab aniguna aanan wax jawaab ah ka bixin.

haddaba waxa aan u sheegayaa bulshada reer somaliland iyo cid kasta oo xaqiiqda jecelba in aanan anigu fadhiyin masaajidkaasi isla markaana aanan maqal warkaa ama hadalkaasi haseyeeshee aan soo gaadhay salaadii witriga oo aan fadhiyay markii uu sheekh Maxamed Cali Geedi uu ka hadlayay in aanay haboonayn in cid jibo hayso ay masaajidka ka hadli karto iyada oo aan fasax ka haysan giddida masjidka iyo imaamkiisa.aniga oo masuuliyada isaaran waajibkeeda gudanaya waxa aan ka hawl galay in aan xaqiiqda ogaado taasi oo ay ii cadaatay in qofkii ka kacay masjidku uu Ayadaha jihaadka oo markaa lagu tukanayay uu fasiray kuna jibooday oo aanu ku taageerin al-shabaab ama koox kale.

Wargeyska HAATUF wx sidoo kale uu hore iigu eedeeyay cadakiisii 2430 Axad 15/o8/2010 in aan idaacada Radio Hargaysa ka joojiyay qasaa,idka Nebi amaanka isaga oo sheegay in aan aaminsanahay madhabta xanbaliyada ee wahaabiyada,dhawaana aan soo saari doono amar aan gebi ahaanba ku joojinayo xuska dhalashada Nebi Muxamed NXNKH oo aan horseedayo khilaaf diimeed taasi oo ah wax xaqiiqda ka fog oo aan jirin.

markale waxa aan dadwaynaha reer somaliland ee nabada jecel ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan wax alla iyo wixii shaki ku abuuraya ee khilaaf aan jirin dalka iyo dadkaba ka dhex wada kuwaas oo ku caan baxay been abuur iyo isku dhufashada bulshada muslimka ah ee ka badbaaday khilaafka diimeed ee ka jira mandaqada.

ugu danbayn wax aan ka codsanayaa hay,adaha amniga ee jamhuuriyada somalialnd in sharciga la horkeeno cadayna la waydiiyo warka uu iga fidiyay wargeyska HAATUF. waxa aan Alle ka baryayaa in uu inaga dhawro fitnada oo cidii dalkan somalialnd u cdow ah ee fitno iyo khilaaf la doonays uu inaga qabto Aamiin."

Wassiirka diinta iyo Awqaafta somaliland

Khadar abdi muuse

Gabileynews Reporter

Hargasy/office





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp