SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Friday, Oct 29 2010

Madaxweyne-Silaanyo oo ka Hadlay Xuska Sannad-guurada Labaad ee Qaraxyadii Gilgilay
Hargeysa, 29, Oct, 2010- (Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay saddexdii qarax ee ismiidaaminta ahaa ee magaalada Hargeysa ka dhacay 29-kii October 2008 lala beegsaday xarunta Madaxtooyada, xafiiska Hayada UNDP iyo Safaaraddii Itoobiya, oo sababay dhimashada 23 qof.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Tacsi u dirayaa Qoysaskii ay ka bexeen Muwaadinintii ku geeriyooday Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee ay Argagixisadu la Beegsatay Xarunta Madaxtooyada, Xafiiskii Ethiopia iyo Xafiiskii UNDP 29 October 2008 iyada oo ay Maanta ku beegantahay Sannad Guuradii 2aad ee Qaraxyadaasi ka soo Wareegtay, sidoo kale waxan ka tacsiyadaynayaa Shacabka reer Somaliland oo Dhan Falkaa Foosha Xun ee Cadawga Somaliland kula kacay Qarannimada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Maalintaasi ahayd maalin Murugo leh Illaahayna waxa uu uga beryey Dadkii ku Dhintay inuu Naxariistii janno ka waraabiyo Shacabka reer Somaliland iyo intii ay ka bexeena uu samir iyo Iimaan ka siyo.
Dhinaca kalena waxa uu Madaweynuhuu sheeg in ay maalintani ay ka mid ahayd isku dayadii uu Cadawga Somaliland ku mijo xaabinaayey Qarannimada Somaliland laakin taasi aynu kaga soo gudubnay isku duubnida iyo Hal adayga Ummada reer Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanu Cadawga Somaliland marna ku guulaysan doonin Hagar-daamo kasta oo uu u malleegayo Somaliland hore iyo Dibtoona
Waxaanu Madaxweynuhu shacabiga ugu baaqay in ay sidii ay horeba ay ugu soo jedeen u illaashadaan Nabadgelyada Qaranka iskuna duubnadaan.”

Berberanews.com
Hargeysa/ Somaliland
Email, info@berberanews.co





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp