SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Friday, October 22, 2010



Maareeyaha Dekedda Berbera oo aanau ka Waraysanay Markab u Rarnaa Somaliland ah oo ku Degay Xeebaha Cumaan
| | Daawatay: 203 | |
Berbera, 22, Oct, 2010-(Berberanews.com)- Markab ganacsi oo u rarnaa qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland oo siday gaadiid tiro badan iyo agab ganacsi,kuna soo jeeday marsada Berbera ayaa ku degay Xeebta Cumaan.

Sida uu shebekadda Berberanews u xaqiijiyayay Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, waxa uu markabkani ka soo ambabaxay Magaalada Dubai, waxaannu ku soo jeeday Dekedda Berbera, ka hor intii aanu ku degin Xeebta Cumaan, gaar ahaan meel u dhaw magaalada Salaala. "Markabkaasi wuu jiraa waxa la yidhaahdo "M/V Parramatta" waxa iska leh nin Ciraaqi ah wuxuu ka yimi Dubai, wuxuu u soo socday dekedda Berbera, GRT-giisu waa 5086, dhererkiisuna wuxu ahaa (LOA 115.60 Metre" wuxuu ku degay xeebaha Cumaan aaga magaalada Salaala, waxaanu ka mid ahaa maraakiibta dekedda Berbera sida joogtada ah u iman jirtay." ayuu yidhi Maareeyuhu

Maareeyuhu waxa uu Ilaahay uga baryaya inuu ganacsatada iyo shacabka reer Somaliland ee uu markabkaasi u rarnaa ugu bedelo cawil naq "Haddii aanu nahay maamulka Dekeda Berbera waxaanu Ilaahay uga baryaynaynaa inuu cawil naq gu bedelo ganacsatada iyo shacabak Somaliland ee hantida badani u saarnayd markabka degay." ayuu yidhi.



Maareeyaha Dekedda Berbera waxa aanu weydiinay waxyaabaha u qabsoomay mudadii saddexda billood ku dhaw oo uu hayay xilka Maareeye-nimmo, waxaanu ku jawaabay "Dekedda wax badanbaa nooga qabsoomay, waxyaabah ugu muhiimsan waxa ka mid ahaa in ganacsatady ka caba jirtay dhinaca xafiisyada addeegyada oo meelo kala durugsan ku yaalay, markaa immika xafiis qudha ayaanu isugu keenay. dhinaca waddooyinka burbursan ee dekedda dib u dhis baanu ku sammaynay oo gebogebo ayay ku dhawyihiin, waxa kale oo aanu urnay wadadii EU=du u dhistay dekedda oo xidhnayd, si ay gaadiidka waaweyni u isticmaalaan." ayuu yidhi Maareeye Axmed

Maareeyuhu waxa uu sheegay inay dirays gaara iyo nambaro gaadiid u sammeeyeen ciidanka ammaanka e Dekedda Berbera, sidoo kale waxa uu intaa ku daray "Waxa kale oo anu sammaynay meel caafimaadka deg dega ah oo loogu tallogalay dadka shaqaalaha ah cidii wax ku noqota in si dhakhso ah wax loogu qabto, waxaanu u dirnay ambalaas, wiishashii waanu kicinay, laba wiish oo cusub waanu diranay, laydha generator cusub oo 300 oo kp ah ayaanu dirnay si haddii ciladi ku timaado ka hadad shaqeeya aanu saamayn ugu yeelan habsami u socodka hawlaha dekedda." ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir

Berberanews.com
Berbera, Somalian








Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp