SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, October 21, 2010

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Oo Bixiyey Qaybo ka Mid ah Dhulka Madaarka Burco iyo Dareennada Dadweynaha Magaalada.
| | Daawatay: 221 | |
Burco, 21,Oct,2010 (Bebreranews.com) - Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa bixiyey qaybo ka mid ah dhulka madaarka Magaalada Burco, isaga oo siiyey dad shacab ah oo doonaya inay goobtaas ka furtaan meherad ganacsi.

Qoraal uu ku saxeexan yahay wasiirka duulista hawadu oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay ayuu ku sheegay in wajahada hore ee laga galo madaarka Burco uu siiyey dad shacab ah oo iska leh macradka baabuurta ee Shaybe Motors, si ay halkaasi uga samaystaan goob ay baabuurtooda ku kireeyaan, tallaabadaasi oo la yaab ku noqotay dadweynaha reer Burco.

Qoraalka wasiirka duulistu soo saaray oo uu ku kala socodsiiyey maareeyayaasha garoomada diyaaradaha, taliyeyaasha rugaha booliska madaaradda, maayirka Burco, badhasaabka Gobolka Togdheer, isla markaana uu ogaysiin siiyey agaasimaha waaxda duulista iyo wasiirka duulista iyo gaadiidka cirka, waxa uu ku sheegay in shirkada Shaybe Motors la siiyey xafiis baabuurta lagaga kiraysan karo, kaasi oo uu xusay in aanu wax dhibaato ah u gaysanayn hawlmaalmeedka madaarka Burco.

Qoraalka wasiirka duulistu wajahada hore ee madaarka Burco ku siiyey Shirkadda Shaybe Motors oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan;

“Ujeeddo: Ogolaansho Goob Kiraynta Baabuurta Yaryar (Rent Cars)

Waxaa lagula socodsiinayaa in loo ogolaaday shirkadda Shaybe Motors in si ku meel-gaadh ah loo siiyey xafiis lagaga kiraysan karo baabuurta yaryar, halkaas oo noqon doonta meel laysla gartay oo aan wax dhibaato ah ku keenayn hawlgalka madaarka.

Sidaa darteed, waxa lagu farayaa in aad siisaan goobtaa loo ogolaaday.

Alla Madah Leh.

Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka.”

Badhasaabka Gobolka Togdheer oo hadal caadifadaysan ka jeediyey xafladii 16 October 2010 dib loogu furay madaarka Burco, waxa uu caddeeyey in dad ay garanayaan oo aanu magacaabin ay caqabad ku yihiin madaarka Burco oo ay furi kari la’yihiin, isaga oo ku hanjabay in gacan bir ah ay ku qaban doonan cid kasta oo damacda inay ku soo xad gudbto madaarka, isla markaana isku dayday inay dhul ka samaystaan, balse waxaan caddayn go’aanka badhasaabku ka qaatay tallaabada wasiirka duulistu ku bixiyey wajahada hore ee gegida diyaaradaha.

Dhinaca kale, sida ilo-wareedyo xogogaal ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen badhasaabkii hore ee Gobolka Togdheer ayaa shirkaddan u diiday inuu siiyo dhulkan uu hadda u saxeexay wasiirka duulistu, arrintaasi oo ka cadhaysiisay dadka ku hareeraysan madaarka Burco, kuwaasi oo ku doodaya inay isku qaban weyday sababta iyagana meesha ka guura loo leeyahay, dad kalena wasiiro u saxeexayaan dhulka garoonka diyaaradaha.

Boobka dhulka danta guud, ayaa xukuumaddi hore ee Rayaale ku noqtay fadeexado adhaxda ka jabiyey, kaasi oo qayb lixaadleh ka qaatay guul-daradii xisbiga UDUB ka raacday doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 ka qabsoontay Somaliland.

Xigasho…Jamhuuriya.








Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp