SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, October 20, 2010


Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland oo Caddeeyey inaan Eryida Shaqaalaha loo Marin Nidaam Sharci ahWasiirka qoyska iyo arrimaha bulshadda oo sheegtay in shaqaalaha dawladdu aanay dheelitirnayn oo gobolo Somaliland ahi ka maqan yihiin
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Muxumed Aw Cabdi Jimcaale, ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda ee shaqada laga eryey loo marin sharciga u yaal shaqaalaha.
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha oo shalay hadal ka jeediyey aqoon isweydaarsi u furmay agaasimayaasha iyo masuuliyiinta hay’adda dawladda madaxabannaan, wuxuu u soo jeediyey wasiirada, agaasimayaasha iyo masuuliyiinta hay’adaha dawlada ee madaxabannaan in ay ku dhaqmaan sharciga shaqaalaha, kaas oo dhigaya in aan shaqaalaha la eryi karin ilaa la anshax mariyo loona digo.
“Waxa qorshayaasha noogu jira faahfaahinta iyo hirgelinta sharciga shaqaalaha oo si cad u sheega dallacsiinta, shaqo ka eriga iyo anshax-marinta shaqaalaha, waana sharciga inta badan laysku maan-dhaafo, iyadoo inta badan shaqaalaha dawlada oo aan la soo marin-anshax in la eryo, taas oo ahayd in la mariyo anshax oo Agaasimaha Guud loo geeyo iyo laba agaasime oo soo anshax mariya oo dignin loo qoro, taas oo aanu qodobkaasi inta badan sheegaynin. Marka cid kasta oo xil qaran haysa oo halkan fadhida, waxaannu leenahay ha lagu dhaqmo sharciga.
Waxa kale oo aanu ku tala jirnaa inaanu konton koobi u qaybino oo ah sharciga shaqaalaha dawladda si Agaasimayaasha iyo wasiiraddu ugu darsadaan taladooda, uguna dhaqmaan, taas oo lagama maarmaan ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladdu.
Dhinaca kale wax halkaas ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo. Ilhaah Maxamed Jaamac oo caddaysay in aanay shaqaalaha dawladu isku dheeli tirnayn, isla markaana shaqaalaha dawladda ay ka maqan yihiin qaar ka mid ah gobollada barriga Somaliland.
Marwo. Ilhaan Maxamed Jaamac oo arrintaa ka hadlaysaa waxay tidhi; “Waxa aynu doonaynaa in ay Somaliland is raacdo, shaqaale tayo lehna aynu samayno, inkasta oo aanay golahayga ku jirin, waxa jirta in aanu shaqaaluhu isku dheeli tirnayn, isla markaana ay gobollo dhan oo Somaliland ahi ka maqan yihiin sida Sanaag-Barri iyo Sool. Markaa maadama aad tihiin Agaasimayaashii guud ee dawladda iyo Guddoomiyayaashii hay’adaha madaxabannaan waxaan doonayaa inaad fiiro gaara u yeelataan oo shaqaalaha aynu haysanaa ay noqdaan dad Somaliland matali kara, maaha inay gobollo gaara iyo meelo gaara ka soo jeedaan, si aynu dawladda u dhaqaajino waa inaynu gobolladii kale gacanta soo qabaana oo aynu maamulka ku soo darnaa,” ayey tidhi; Marwo Ilhaan Maxamed Jaama








Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp