SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Tuesday, October 19, 2010


6
Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee ICG oo Midowga Afrika ugu Baaqday inuu Go’aan Geesinimo leh ka Gaadho Madaxbannaanida SomalilandNew York (UNPO/Jam)- Guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee ka talobixinta qalalaasaha adduunka International Crisis Group (ICG) Mrs. Louise Arbour, ayaa si adag beesha caalamka ugaga digtay in ay Somaliland ku cadaadiyaan sidii ay mar kale u hoos tagi lahayd caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo ay aafeeyeen colaado dhiig badani ku daato oo aan maalin qudha ka soo rayn lahayn.
Mr. Louise Arbour oo khudbad dheer ka jeediyey shir ay isugu yimaadeen Golaha Caalamiga ah ee Arrimaha Anshaxa hay’adda ICG ugu xilsaaran la socoshada arrimaha ay keenaan caddaalad-darrooyinku ee dhaliya qalalaasaha adduunka, waxa ay si mug ugaga xog-warantay dhibaatooyinka ka taagan dunida ee saamaynta ku yeelan kara dadyawga xuquuqdooda aayo-ka-tashi caalamku duudsiyey.
Khudbadda Guddoomiyaha hay’adda ICG oo shalay lagu baahiyey bogga Internetka ee ay leeyihiin ururka metela dalalka aan aan la aqoonsanayn, waxay si gaar ah u soo qaadatay dalalka Somaliland, Kosova, Koonfurta Sudan, Abkhazia, Koonfurta Ossetia, Nagorno-Karabakh iyo Kashmir oo ay tilmaantay in beesha caalamku dhegaha ka furaysteen xaqa ay u leeyihiin aayo-ka-tashiga madaxbannaanidooda, waxaanay si adag uga digtay cawaaqib-xumada ka dhalan karta haddii adduunku ku khasbo inay dib ula midoobaan dalalka ay ka go’een, waxaanay Ururka Afrika ugu baaqday inay raacaan go’aankii Midowga Yurub ku aqoonsaday dalka Kosovo.
Madaxweynaha ICG waxay caddaysay in shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee qeexaya aayo-ka-tashiga dadyawgu u oggolaanayaan Somaliland iyo dalalka kale ee raadinaya madaxbannaanidooda inay helaan xuquuqdooda.
Mrs. Louise oo ka hadlaysay xaqa madaxbannaanida Somaliland ee muddada labaatanka sanno ah caalamku ka hortaagan yahay helista ictiraaf rasmi ah iyo halista ku iman karta nabadda iyo horumarka ka jira Somaliland haddii beesha caalamku ku cadaadiso inay si khasab ula midoobaan Koonfurta Soomaaliya ee xal-u-helideeda dunidu ka quusatay, waxa ay tidhi, “Arrinta madaxbannaanida Somaliland ee sida xad-dhaafka ah ururka Midowga Afrika ugu dhegan yahay ilaalinta qaranimada Jamhuuriyaddii Soomaaliya, balse dhinaca reer Somaliland in mar kale Muqdisho xukunto waa mid aan suurtogal ahayn, isla markaana aan laga taageeri doonin Somaliland oo muddo labaatan sanno ah qaran ahayd. Isku dayn kasta oo Somaliland dib loogu celiyo xukun Muqdisho laga maamulayo wuxuu dhab ahaan bilaabi doono weji cusub oo dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ah.”
Guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee ICG waxay ku adkaysatay in nidaamka dimuqraadiyadda iyo hannaanka dawladeed ee Somaliland haysataa u noqon karaan daliil lagu aqoonsado, “Hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo hay’adaha dawladeed ee shaqaynayaa waxay xoojinayaan xaqa ay u leedahay madaxbannaanideeda. Taa waxa la mid ahaa dalka Montenegro ka hor intii aan dadka aftida laga qaadin sannadkii 2005, waxaannu sheegnay in Montenegro tahayd Jamhuuriyadda keliya ee dalkii Yugoslavia ka tirsanayd ee samaysay nidaam dawladeed oo isiro kala duwan ka kooban iyadoo aanay wax iska horimaado ahi dhicin, arrintaas oo xoojisay doodoodii.”
Ugu dambayntii Mrs. Louise waxay ugu baaqday Ururka Midowga Afrika inay go’aan cad ka qaataan madaxbannaanida Somaliland iyo Koonfurta Suudaan, “Waxaannu ugu baaqaynaa Midowga Afrika inay si togan uga hawlgalaan su’aasha la xidhiidha qadiyadda ictiraafka Somaliland, warbixinahayaga aanu ku samaynay horumarka gobolka (Afrika) waa muhiimadda ay leedahay Koonfurta Suudaan oo madaxbannaanaata, doodayadu waa in Ururka Afrika raaco sidii Midowga Yurub uga hawlgalay dalalka Balkans-ka oo tusaale u ah (dalalka ka kala googay dalkii Yugoslavia la isku odhan jiray),” ayey hadalkeeda ku soo ururisay Guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee ICG.








Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp