SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, October 14, 2010



Carwada ganacsiga Somaliland ee ay soo diyaarisay rugta Ganacsiga, beeraha iyo Hurumarka Somaliland ayaa shacabka Somaliland ee ku kala nool gobolada iyo degmooyinka dalku waxa ay ku soo bandhigeen waxyaabo badan oo dalka gudihiisa lagu sameeyay ama ka soo go�ay, taas oo soo jiidatay indhaha deeqixiyayaasha caalamiga ahaa ee booqday.





Iyadda oo shirkadaha xawilaadaha lacagta iyo isgaadhsiintu dalku ay soo bandhigeen adeegyo aad u heer sareeya oo la jaanqaadaya adeegyada wadamada horumaray, ayaa sidoo kale dadka degmooyinka qaarna waxa ay badka soo dhigeen wax soo saarka dalka, sida liinta, basasha iyo cunooyin kale oo dadkii daawashada u tagay aamani waayeen inay dalka ka soo go�een, iyagga oo hore u aaminsanaa in dhulka Somaliland dalagyada qaar ay arkeen lagu beeri karinba.





Haddaba aragtida dadka qaar waxa beeniyay isla-markaana ku beeray ididiilo faraysa inay dalka wax ka qabsadaan oo ay dhulkooda wax gashadaan ka dib markii ay la kulmeen oo ay indhahooda ku arkeen bariis nooca dibada laga soo dhoofiyo ah oo carwada lagu soo bandhigay iyadda oo waliba la dul sudhay boodh sheegaya in bariiskani ka soo go�ay degmada Allebaday oo ka mid ah degmooyinka sida gaarka ah ugu calaamadsan wax soo saarka.





Geedkan Bariiska oo ah dalag ku cusub guud ahaan gobolada Somaliland, isla-markaana noqday shayga kaliya ee dadkii madasha tagay hadal hayeen ayaa waxa uu noqonayaa dalag aad muhiin ah una baahan in il gaar ah lagu eego si loogu hawl-gallo horumrintiisa, si ay u suurtogasho in beeralayda Somaliland ku darsato qorshahooda wax soo saar, ee hadda ku eg HADHUUDHKA, GALAYDA iyo khudaarta kale duwan oo aad moodo inay ka siman yihiin.





Si kastaba ha ahaatee, bariiskan lagu soo bandhigay Carwada shanaad ee sanadkan oo sidoo kale soo jiitay warfidiyeenada Maxaliga ah, ayaa waxa tafaasiil ka bixiyay Axmed Maxamed Ibraahim (Axmed Qasse) oo ah muwaadinka maskaxdiisa ka keenay inuu bariiskan ku beero beer uu ku leeyahay degmada Allebaday oo tafaasiil ka bixiyay qaabka uu ugu hirgalay dalagan ku cusub beeralayda Somaliland ee bariiska ah ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan �Horta bariiskan beeristiisu waxay nagu dhalatay horaantii sanadkan 2010-ka, laakiin waxaanu Somaliland ka waynay siidhkiisa, dabadeedna waxa aanu ka soo helnay Magaalada Balcad ee dalka Soomaliya.�





Mr Axmed Qasse, waxa uu sheegay in dhib badan ka qabsatay sidii loo beeri lahaa oo aanay aqoon hore u lahayn �Markii hore waanu garan waynay sidii aanu u beeri lahayn, laakiin markii dambe wuu noo soo biqlay, inkasta oo aanu biyaha ka badin jirnay oo uu dhowr si aan caadi ahayn u soo baxay oo casaaday, laakiin markii dambe waanu la qabanay oo kii aanu Carwada ku soo bandhigay muddo lix bilood gudahood ah ayuu noogu soo go�ay.� Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray � Roobka caadiga ah kuma baxayo ee waxaanu ku beernaa dhaam wayn oo aan leeyahay ayaanu ka waraabin jirnay todobaadkiiba hal mar.�





Mr Qasse oo la waydiiyay inay jirto cid isaga ku dhalisay beeristan geedka bariiska ayaa ku jawaabay �Maya..Maya, ee aniga ayuunbaa maskaxdayda ka keenay inay tijaabiyo beerista bariiskan, imika waxaanu jecelahay in aanu la keeno oo aanu si wanaagsan u barano beeristiisa.�

Muwaadinka beertay bariiska oo ka jawaabaya su�aal ahayd halka ay ka heleen daawada ay ku bacrimiyeen bariiska ayaa yidhi �Dawada dalka waanu ka wayn, dabadeedna Magaalada Diridhaba ee Itoobiya ayaa rag Oromo ahi nooga keeneen.�

Muwaadin Axmed Maxamed Ibraahim (Axmed Qasse), oo dareen u muuqda inuu ku faraxsan yahay bariiskan uu beertisa ka beertay ee sidii la rabay ugu soo go�ay ayaa waxa kale oo uu soo qaaday �Cidii aqoon u leh ee naga caawisayna sida ugu fiican ee dalagan loo beero waanu u baahanahay oo waanu soo dhawaynaynaa, waxaanan jecelahay in dalagayagani noo si socda oo uu si fiican noogu soo go�o, anaga oo rajo-wayn ka qabna inuu sanadka dambe si fiican noogu soo wada go�o� ayuu yidhi Mr Qasse isaga oo intaa raaciyay �Waxaan beeninayaa qolo idacadaha ka tidhi waanu ka caawinay oo aanan is arag haba-yaratee.�

Hargeysa/Somaliland.

 





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp