SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Friday, October 15, 2010

Hargeysa, Oct.15, 2010 (Berberanews) - Wararka ka imanaya xeebaha galbeedka ee Somaliland, ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo u dirtay ciidamo tiro badan deegaanada tuulada Bull-cado ee xeebta magaalada Lughaya, taas oo lagu micneeyey in halkaas loo geeyey si ay u sugaan amaanka xeebaha deegaanada galbeedka dalka. Sida ay wararku sheegayaan todobaadkan ayey cutubyo ka tirsan ciidanka milateriga Somaliland degeen tuuladaas oo leh deked macmal ah oo wax laga soo dajin karo, waxna laga dhoofin karo. Soo degitaanka ciidanka qaranka ee jiidaas, ayaa la sheegayaa in ay ka dambaysay ka dib markii ay bishii hore halkaas ka soo degeen maleeshiyaad tiradooda lagu sheegay in ay kor u dhaafaysay laba boqol oo nin oo hubaysan, kuwaas oo la sheegay in ay duulimaad ku ahaayeen dawlada dariska ah ee Itoobiya, isla markaana ay ka tirsanaayeen jabhada ONLF ee dagaalka kula jira dalka Itoobiya, kuwaas oo markii dambe dagaalo qadhaadh ciidamada Itoobiya ku dhex mareen meel gudaha dalkaas u dhaw oo ah xuduudka ay la wadaagaan Somaliland. Tuulada Bull-cado ayaa sidoo kale waxa ay ahayd marin ay adeegsan jireen tahriibayaal ka yimaada dalka gudihiisa iyo dalalka dariska ah, kuwaas oo wararka laga helay dadka deegaankaas ku dhow dhow tibaxaayaan in halkaas doonyo lagaga qaadi jiray dadkaas intii aanay xukuumadii hore ka war helin, iyadoo wakhtigaas boqolaal tahriibayaal ahi iyo gaadiid sidayba laga soo qab-qabtay deegaankaas xeebta ah, ka dibna loo gudbiyey halkii ay markii hore ka yimaadeen. Si kastaba ahaatee, degitaanka ciidamada qaranka ee lagu dajiyey jiidaas ayaa noqon karta mid ay Somaliland kaga badbaadi karo amaan darro mar kale ka soo wajhada xeebaha galbeedka dalka, isla markaana ceeb u soo jiidi karta amaanka. Goobtan Bullo-cado ayaa ah meel lama degaan ah oo ay ku yar yihiin geeduhu. Iyadoo dhinaca kalena ka mid ah goobaha ugu kulul wakhtiga xaggaaga, lamana oga in ciidamada qaranka ee kala yimid degaanada Somaliland ay u adkaysan doonaan hanfiga faraha badan ee leefi doona wakhtiyada soo socda. Xigasho Saxafi




Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp