SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, October 14, 2010


Sababta Hay�adaha Gargaarka ee Maraykanku uga Baaqsadeen ka Mid Noqoshadii Weftiga Beesha Caalamka ee Somaliland YimiMadaxweynaha Somaliland oo hadlay aragtida xukuumaddiisa ee baaqashada xubnaha Maraykanka

�Runtii xidhiidho arrintaas ku saabsan ayaa noo socda annaga [Somaliland] iyo Maraykanka, kumana niyad-jabayno maqnaanshahooda�

Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Jam)- Hay�adaha gargaarka ee dalka Maraykanka, ayaa la sheegay in ay sababo dhinaca ammaanka ah darteed uga baaqsadeen inay ka mid noqdaan xubnaha weftiga deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee socdaalka culus ku yimi Somaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Maraykanka iyo Somaliland oo xaqiijinaya sababaha xubnaha Ameerikaanka ah uga hadheen weftiga deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee socdaalka ku yimi caasimadda Hargeysa. Haseyeeshee, sida ilo-wareedyo kala duwan Jamhuuriya u xaqiijiyeen shalay, waxa markii hore qorshuhu ahaa in saraakiil Maraykan ah weftiga u soo raacaan dhinaca Hargeysa, laakiin sababo dhinaca ammaanka la xidhiidha darteed ay arrintaasi u suurtogeli weyday.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka jawaabayey su�aal la xidhiidhay sida ay xukuumad ahaan u arkaan sababta Maraykanku uga baaqsaday ka mid noqoshada weftiga deeqbixiyeyaasha iyo inay arrintaas ka niyad-jabsan yihiin oo uu weydiiyey weriye u dhashay Maraykanka oo la socday weftiga, waxa uu sheegay inay xidhiidho arrimahaas ku saabsani u socdaan Somaliland iyo Maraykanka, balse madaxweynuhu waxa uu carrabka ka dhawray inuu si cad u sheego sababaha keenay in xubnaha ka socday dawladda Maraykanku ka hadhaan weftiga beesha caalamka ee booqashada ku yimi Somaliland, waxaannu si kooban u yidhi; �Runtii xidhiidho arrintaas ku saabsan ayaa noo socda annaga [Somaliland] iyo Maraykanka, kumana niyad jabayno maqnaanshahooda, xidhiidhkayaguna wuu fiican yahay.�

Waxa kaloo Md. Siilaanyo la weydiiyey su�aal kale oo ahayd siday u arkaan dhawaaqii ka soo yeedhay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Johnnie Carson ee la xidhiidhay in dawladda Maraykanku sare u qaadayso xidhiidhka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee ay u fidiso maamullada Somaliland iyo Puntland, isagoo Md. Siilaanyo su�aashaas ka jawaabayeyna waxa uu yidhi; �Arrintaas waannu soo dhaweyneynaa, dawlad ahaanna waannu ku faraxsanahay in Maraykanku beddelo mawqifkii hore ee uu ka haystay Somaliland, annaguna waxaannu sii xoojin doona xidhiidhka wadashaqayneed ee aannu la leenahay Maraykanka,� ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.





 





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp