SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, October 14, 2010

Wasiirka Maaliyada Oo Shaqadii Ka Eryay 14 Ka Mid Ah...
Written by Haatuf
Oct 14, 2010 at 10:40 AM
Hargeysa,(Qaran news )- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa shaqadii ka eryay shaqaale gaadhaya 14- qof oo ka tirsan waaxda caashuraha bariga iyo Kastamka, kuwaas oo la sheegay in masuliyiinta maaliyadu ay fareen inay ka hawlgalaan tirokoobka Bakhaarada iyo guryaha kirada loogu jiro ee degmooyinka 26-ka June iyo Gacan libaax.
Shaqaalahan ayaa amar lagu siiyey in mid kasta oo ka mid ahi uu maalintii soo tirakoobo konton guri (50 Guri), lana siinayo gunno dhan 50,000Sl.shilng.

Shaqaalahan ayaa la sheegay in hawsha sidii loogu diray ay u fulin waayeen, iyadoo wararku intaa ku dareen in sacadihii loogu talo galay inay hawshaas qabtaan dayaceen, isla markaana maalintii shalay tirokoobka ay keeneen guud ahaan shaqaalahaasi uu noqday sideetan guri oo kaliya, halka la doonayey inay soo tirakoobaan isugeyn 700 Guri.

Arintan ayay ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw wasaarada maaliyadu sheegeen in Eng. Maxamed Xaashi uu ka cadhooday hawshaa loo diray ee ay gudan waayeen, taas oo wasiirku uu shalay soo saaray qoraal uu shaqada kaga eryayo shaqaalahaasi tirokoobka Bakhaarada iyo Guryaha kirada loogu jiro ee degmooyinka 26-june iyo gacan libaax.

Dhinaca kale waxa wararka arintan ku saabsan intaa ku darayaan in masuliyiinta cashuuraha barigu ay wasiirka ka codsadeen inuu digniin marka hore u qoro shaqaalahaasi, balse wasiirku arintaas ka diiday kuna adkaysatay inuu shaqada ka eryo.

"Maanta (shalay) wasiirka maaliyadu wuxu shaqadii ka eryay dhawr iyo toban shaqaale oo isugu jira shaqaale joogto ah iyo qaar tambareeri ah, kuwaas oo loo diray inay soo tirakooban Bakhaarada iyo Guryaha kirada loogu jiro ee degmooyinka 26-ka juun iyo gacan libaax.

shaqaalaha waxa la faray in mid kasta soo tiro koobo maalintii konton Guri lana siiyo konton kun oo Somaliland ah ka dib iyaga oo Afar iyo toban ah ayay shalay xafiiska keeneen tirakoob dhan 80-tan Guri, taas oo loo arkay in aanay daacad ka hayn hawsha loo diray, wasaaradan maaliyaduna hore waxa ay u ahayd meel musuqu daashaday markaa wasiirku wuu ku saxsan yahay in shaqaalahan sagsaagay shaqada laga eryo" sidaa waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala maaliyada oo ka cudur daarta in magaciisa la shaaciyo.

Si kastaba ha ahaate tirokoobka guryaha kirada loogu jiro Bakhaarada ayaa ka mid ah ololaha wasiirka maaliyadu wado sidii dakhliga kor loogu qaadi lahaa, kaas oo Wasiirka maaliyadu uu dhawaan sheegay in shaqaalaha wasaaradu dardar galiyaan hawlaha dakhli ururinta si mushaharooyinka shaqaalaha loogu kordhiyo, taas la'aanteedna aanay suurto galayn mushahar la kordhiyo.

Haatuf





 





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp