SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Tuesday, Nov 9 2010

300 Askari Ciidanka Booliska ah oo Tababar looga Furay Dugsiga Tababarka ee Mandheera
Xukuumadda oo si kulul u dhaliishay doorka UNDP ee horumarinta ciidanka Somaliland
Mandheera (Jam)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa 300 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland tababar uga furay dugsiga tababarka ee degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil.
Tababarkan oo socon doona muddo 15 maalmood ah, isla markaana ay maalgelisay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP, waxa ciidanka ka qaybgalayaa isugu jiraan dhammaan qaybaha kala duwan ee Booliska, kuwaas oo laga kala keenay gobollada dalka.
Munaasibad ballaadhan oo shalay lagu qabtay xarunta dugsiga Tababarka Mandheera oo ay ka qaybgaleen wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ay wehelinayeen Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Gen. Cilmi Rooble Furre iyo madaxda hay’adda UNDP, madaxda iyo saraakiisha dugsiga Tababarka Booliska, ayaa si rasmi loogu furay tababarkaas booliska loo furay.
Taliyaha dugsiga Tababarka Mandheera Axmed Aw Cali Shabeel oo furitaankii xafladaasi hadal ka jeediyey, ayaa ka waramay dugsiga Mandheera iyo tirada ciidanka ka baxay.
Taliyuhu waxa uu sheegay in muddadii dugsigani furnaa lagu tababaray 24 dufcadood oo ciidanka booliska ka tirsan, isla markaana qaybtani tahay tii 25-aad.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Kabaal) oo munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey xusuusta uu ku reebay dugsiga Mandheera oo uu ku qaatay tababarkiisa, isla markaana uu hore madax uga soo noqday.
“Dugsiga Mandheera aniga xusuus gaar ah ayuu ii leeyahay, runtii maalintii la iga beddelay waan ooyey, waayo in adduun kale jirtaba maan u moodayn. Carruurtayda waxaan kula dardaarmay inay halkan igu aasaan,” ayuu yidhi Taliye Kabaal.
Taliyaha Boolisku waxa uu u mahadnaqay hay’adda UNDP oo uu sheegay inay gacanta ugu wayn ka helaan, isagoo xusay in 300 askari ee ka tababarkaasi loo furay gogoshii mid waliba ku seexanayey iyo wixii uu u baahnaaba ay hay’addu bixisay.
Madaxa arrimaha Booliska ee hay’adda UNDP Mr. Timothy oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo isna halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa ammaanay horumarka Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay inay u qalanto inay yeelato booliska ugu wanaagsan dunida.
“Waxaannu jecelnahay in aannu sii wadno taageeradiina oo aanu ka qaybqaadano sidii aad u noqon lahaydeen booliska ugu fiican,” ayuu yidhi Mr. Timothy.
Wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo munaasibadaasi soo gebogabeeyey, ayaa hadal dheer oo waano iyo dardaaran u badan u jeediyey ciidanka tababarka loo furay, isagoo sheegay in ciidamaddu yihiin kuwa qiimaha badan dalka.
“Qiimaha intaas le’eg ee aad dalka ugu fadhidaan wax baa baabiin kara, ogaada shacabka aad ilaalinaysaan ee idinku hurdaa waa kuwa bixiya shillin-shillinka mushaharkiina iyo waxaad ku shaqaynaysaan, miisaaniyadda booliska ee nabadgelyada lagu wado hooyada tamaadhada suuqa cadceeda leh ku haysa ayaa laga soo qaaday. Idinka waxa la idinka rabaa in qofkaasi marka uu dirayskiina arko inuu dareemo in aad tahay bini’aadamka ugu qiimaha badan ee dalka ka jira, waa inuu dareemaa inaad isaga saaxiib la tihiin, isaga u dhibaatoonaysaan, laakiin qofka waa inuu ogaado halkaad isaga u jilicsan tihiin inaad ku adadag tihiin daembiilaha,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaannu intaa ku daray, “Ogaada dirayska aad xidhan tihiin ayaa idiin fasaxaya in aad qof soo qabato oo aad jeelka gayso, laakiin qiyaasa qof muwaadin ah oo aan dhib gaysan markaad caddaalad-darro wax idinka idin dhexmaray ama aan dambi ahayn aad dirayska ugu adeegsatay.”
Wasiir Gabboose waxa uu ballanqaaday in aan ciidanka booliska dib loogu adeegsan doonin inay xidhxidhaan cid siyaasadda dawlooda ka fikir duwan ama dareenkiisa cabiraya.
“Waxaan jeclahay maalinta aan ka tagayo xilkan in qof shacabka ahi marka uu dhib dareemo xaggiina u soo ordo ee aannu idinka carari,” ayuu intaa ku daray.
Dhinaca kale, Dr. Gabboose waxa uu dhaliil culus u soo jeediyey doorka hay’adda UNDP ee horumarinta ciidammada ammaanka Somaliland oo uu sheegay in aannu ahayn mid lagu qanci karo, waxaannu yidhi, “Mr. Timothy mashruucan ka xiga hor mari sidii dhaqaale loogu abuuri lahaa ciidanka ee ha hormarin baabuur in aad noo iibiso, qofka ayaa ah kaan dhisayo, haddii aan qof helo booliska waan helayaa. Booliska Muqdisho waxay siiyaan mushahar, maxaanu annagu u waynay? Booliska Muqdisho waxay siiyaan lacago badan oo tababarro ah maxaannu ku waynay annagu? Kuma qancayno annagu tababar.”
Waxa kale oo xafladdaasi ka hadlay La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca ammaanka Mr. Saleebaan Cumar-ku-joog, Mr. Abshir Cabullaahi Xasan oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Mr. Make-deulfard oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda UNDP.


 





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp