SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

Article Nov 8 2010

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,maamuus iyo sharfabba mudan ,aan u hawada u marinayaa
dhammaan shacabka xariirta ah ee Somaliland , meel walbba oo ay adduunka ka joogaanbba.
Waxaana Allaha weyn idiinka baryayaa , inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana.


Waxaan iyana aan salaan iyo mahad celin aan la soo koobi karayn aan u gudbinayaa guud ahaan
saxaafadda Somaliland ,oo laf dhabar u ah , horumarka,kobcinta iyo ilaalinta sumacadda
iyo karaamada Somaliland.



Aan u soo gondo noqdo dulucda qormadaydan,oo ku wajahan guusha iyo libinta ay soo
hooyeen Madaxweynaha Somaliland ,Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda,Dr Maxamed Cabdillahi,ee dib u soo nooleynta xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.Anigoo aad ugu faraxsan guushaasi,waxaan idinku hambalyeynayaa,idinkuna bogaadinayaa,hawsha qiimaha,qadarinta iyo meeqaanka weyn leh ee aad ka midho dhaliseen.


Waxaa xaqiiqa ah,biyo kama dhibcaana,in warkaasi aad loogu diirsaday,quluubta iyo laabtana culay ,kuna farxeen dhammaan inta jecel Qaranimda,Karaamada,Jirtaanka iyo wanaagga Dalka Somaliland.Sidaan la wada soconno,Dawladda Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waxaa xilka loo dhaariyey mudo ka yar 120 Cisho,xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee ay ku tallaabsadeenna waxay ka markhaati kacaysaa ,ballanqaadkoodii xilligii Doorashada , ee ahaa inay wadamada jaarka ah la yeelan doonaan xidhiidh walaalnimo,wax wada qabsi,wada shaqayn , wada tashi , ee ku wajahan arrimaha mandaqadda ku geedaaman.


Waxaa hubaal ah inaad cagta saarteen toobiyihii shacabka Somaliland idinku doorteen,waxaanan idinka rajaynaynaa inaad guullo laxaad leh ka soo hoyn doontaan dhan walbba,waqti aan fogeynna aan geediga ku furi doonno guri barwaaqo,oo aqoonsi caalami ah ku qotoma.

Aan ku soo afjaro qormadan kooban, hambalyo iyo bogaadin , Madaxweynaha Somaliland ,mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland,mudane,Dr / Professor Maxamed Cabdillahi Cumar.



Eng.Mohamed Ali Muse

 





Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp