Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Sunday 30 May 2010
Wararkii Wargayska Yool ee maanta Jimcihii ka soo baxay Hargysa halkani ka akhriso Yool-Baadhka Siyaasiyga Wareysi Mash-qac Geliye iyo Dr. Gabboose "QORI DABLE" Hargeysa(Yool)-Intiini la socotay Barnaamujkan "Yool-Baadhka Siyaasiyga", waxaanu Toddobaadkii hore idiinku soo bandhignay Waraysi xiiso badan oo dhex maray Guddoomiyaha Ololaha Gobollada Bari ee Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Weriye Mash-qac Geliye, kaasoo uu dhowaan Weriyhu kaga soo qaaday Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaasoo isaga iyo wefdigii uu watay-ba ay kala kulmeen mudaharaad weyn oo markii danbe isu rogey Gacan-ka-hadal sababay rabshado ay ka dhasheen khasaare isugu jirey dhimasho iyo dhaawa. Barnaamujkan "Yool-baadhka Siyaasiga", waa Mawduuc Toddobaadle ah oo aanu akhristayaasha ugu soo gudbino Waraysiyo ku salaysan qaab Maddadaalo [Entertainment] ama aan idhaahdo Jacbur, kuwaasoo aanu ugu talo galnay akhristayaashayadu inay Toddobaadkiiba hal Maalin kaga nastaan arrimaha siyaasada, iyadoo aanu ku bartilmaameedsanyno Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, siyaasiyiinta, iyo shaqsiyaadka kale ee magaca ku leh Masraxyada siyaasada ee Somaliland. Haddaba, qaybtii Labaad ee Waraysigaas oo faahfaahsan, waxa uu u dhacay sidan: S: Dr. Gabboose waxa aad ahayd siyaasi aad u dhaliili jiray hoggaaminta (leadership-ka) Siilaanyo xilligii halgankii, maxaa keenay waqtigan iminka ah in aad u ololeyso in Siilaanyo noqdo Madaxweyne Jamhuuriyadda Soamliland? J: Waar dhegeyso adeer ha isku qaldin Siilaanyihii Qarnigii 20-aad iyo Siilaanyaha Qarnigan 21-aad. Iminka Siilaanyaha Cusub ayaa la yidhaahdaa wixii cusub Caalamkaa jecel.. Adeer wax -jire ma oge ayaad tahay ee maxaa keenay in uu gurigii Saleebaan Gaal KULMIYE ku qaabilo reeraha? Maxaa keenay in ganacsatadii waaweyneyd ee Barriga Hargeysa Siilaanyo ku tasbiixsadaan? Maxaa keenay in raaskii hoose ee Cali Warancadee ku heesaan Noolow noolow Siilaanyo noolow? Maxaa keenay in Xildhibaanno hunguriyadii Xisbiyadda kale ku soo biiraan Siilaanyo iyo Xisbigiisa? Maxaa keenay in Ururkii QARAN taageero Siilaanyo? Adeer xilllahay furan Siilaanyo iyo kii hore waa kala laba ee i rumeyso. S: Dr. Gabboose, bal ka soo qaad in laba Siilaanyo jiraan oo aad adiga arkeyso, Xisbigii KULMIYE ee aad odhan jirtay laba abtirsiin buu leeyahay ma waxbaa iska bedelay? J: Adeer jawaabtu waa Haa..Haa...Haa..Markii hore waxa uu ku abtirsan jiray Beesha Barriga Burco iyo Calan Cas, balse iminka wuu ka balaadhay S: Dr Gabboose, beeshaadu waxa ay iminka kuu taqaanaa Cali Maxamed Geedi oo ahaa Ra'iisal-wasaare dowladda TFG ee inta Ethoipian-ku isticmaalay dab geliyay Xamar markii denbe-na laga takhalusay. Maxaad ka leedahay arrintaas? J: Adeer annigu waxa aan maqlay in la ii bixiyay Ina Igire ee ma maqal waxa aad sheegeyso. Dab-na ma gelin dadkaygii ee waxa aan lahaa uun soo raaca Kacaanka Siilaanyo kii Siyaad Barre waatii la raacay eh. Siilaanya-na nin iga takhalusaaya maaha oo waa adeerkey, abtigey Siyaad Barre-ne meelo badan ka shabaha ama ka matala. S: Dr. Gabboose ma waxa aad aaminsan tahay in Siilaanyo noqonaayo Madaxweyne? J: Siilaanyo ha noolaado...magacii ha jiro oo ha joogo..Adeer iminka ayaabu Madaxweyne yahay oo waxa uu leeyahay Idaacadda Horyaal, Wargeysyada ugu magaca iyo qafqafta weyn dalka iyo mid ka mid ah shaashadaha la daawado, Qaadhaan Baank..Dhowr Dhakhtar iwm. Haddii laga helo xitaa ciil u dhiman maayo. Weliba heeso badan ayuu leeyahay iyo gabayo badan oo Hadraawi u tiriyay, balse aan weli soo dhaafin Barriga Burco. S: Dr Gabboose, waad ogeyd oo Siilaanyo waxa uu cadaalad sameyn waayay dhaawicii SNM oo kuwii ay isku reerka ahaayeen uun buu dibedda u soo diray, maxay tahay cadaaladda laga filan karaa iminka uu da' yahay? J: Adeer Siilaanyo dhaqaalaha ugu badan ee Xisbigiisu helaa waxa uu ka helaa ragaas dhaawaca ee uu dhoofiyay waqtigaasi, wixii ay kaxeeyeen, iyo wixii ay dhaleen ee kuma khasaarin ee ogow. Annigu waabaan ugu sad kordhiyey Siilaanyo arrintaasi. Somaliland cadaalad uma baahna inta ay ictiraaf heleyso ee waxa ay u baahan tahay Car Juuq dheh...Ku tuura xabsiga...Caga Jugley iyo Cabsi gelin..iwm S: Gabboose ‘Come on' ‘Come on' waxaagu waa Somaliland ha kala yaaco marka aad leedahay cadaalad uma baahna, miyaaney kuu muuqan in rag cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaacayo? J: Adeer ilaahayow aan Maxamed Shukri waayaa, oo Saleebaan Bukhaari Federal noqdaa... Cabdillaahi Carab sharaabku ka dhacaa (expire) in aana rabin in Somaliland kala yaacdo, balse waxa aan rabaa inta la isdhexyaaco oo nabaddu faraha ka baxdo Xisbiyadda la furo oo aan QARAN diiwaan geliyo ee wax kale igama ahaa....Dadka Somaliland 90% ayaa waalan ama wax u dhiman yihiin haddii aan la xidhxidhina wadanku degi maayo. Adeer Dhakhtar baan ahay eh midhkaa iga qaado... S: Gabboose hadii dabku dhaxa moodo maxa lagu dabiibaa? Adigii dhakhtarka ahaa ayaaba si waaliye u hadlaaye eh? J: Adeer hadii aan annigu waalanahay miyay Dr. Cabdi Aw Daahir iy Dr. Ismaaciil waalan yihiin iyaga ayaaba cilmi baadhista dadka waalan ee Somaliland jooga ila sameeyay eh..Adeer qodob ayaa ku heysta ah "AFLAGAADO DHAKHTAR" Hadii waxa aad wado joojin weydana way inoo tahay miyaanad xanuunsan doonin...ururka dhaakhaatiirta oo dhan ayaan kugu balaminayaa.. xillahay furan in aad waayi cid ku daaweysa Mashqac Geliyow...Ha ka hor iman damacayga...Dalkan iyo dadkan aad sheekeyso waxa igala weyn berri denbe anniga oo Madaxweyne noqda eh.. Haahaaaaaaaaahaaah. waa kursi jeceylkii aan abtigay ka dhaxlay ee ha ila yaabin. S: Dr Gaboose sida damacaagu yahay iyo sida aad u caban tahay ismalaha oo weliba markii aad xidhneyd ayaa tusaale loo soo qaataa ee maxaad ka leedahay arrintaasi? J: Annigu horta reer Waqooyigan isma fahano...Iskuusaate reer Somaliland ayaan ka wadaa. Haddii aan dadkii na soo booqan jirey aan weydiiyey waxa reer Burco iyo reer Hargeysi u kici waayeen oo noogu dagaalami waayeen si meesha na looga sii daayo ma cabanaan baad u aragtaan. Adeer maaha....maaha..maaha Dhakhtarku marka uu shaqeeyo 20 sanno ka badan ayaa waxa qalbigoodu noqdaa Qalbi Qarre ama Xab-xab ee wax kale maaha....Dadka Bukaan Jiifka ah iyo kuwa Xabsi Jiifka ah lama xanto waa ceeb adeer taasi....La soco Qeybta Seddexaad. "Reer Somaliland Waxaan Xasuusinayaa Cidda uu Yahay Gabboose iyo Wuxuu ahaan Jirey" Cabdilaahi Cirro Hargeysa(Yool)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaacil Cali (Cirro), ayaa eedeeyn ugu jeediyey Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee Gobolada Bariga u qaabilsan Xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gabboose in uu dadka shacabka ah si sharci darro ah, u xidh xidhi jiray xiligii uu ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaanu tilmaamay Md. Cirro inuu yahay Wasiirka keliya ee dad aan dembi gelin ku xukumay Saddex sano oo sharci darro ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo Shalay ka hadlayey Xaflad Xisbiga UDUB u qabtay taageerayaal cusub oo ku soo biiray, isla markaana sheegay inay ka soo baxeen Xisbiga KULMIYE. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) waxa kale oo uu ku dooday inay soo bandhigi doonaan dad uu sheegay inay Somaliland can ka yihiin wixii ay sameeyeen, waxaanu yidhi "Dadka reer Somaliland, waxaan xasuusinayaa cida uu yahay Dr. Gaboose iyo wuxuu ahaan jirey. Waxa uu ahaan jiray Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee hore waana Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Somaliland soo maray ee Gudi nabadgelyo oo Saddex sanadood iyo badh dad ku xukumay, walibana si sharci darro ah. Markaa maantana isaga iyo xubno kale oo caan ka Somaliland, waxyaabo badan oo dalka ay ka sameeyeen ayaanu soo bandhigi doonaa marka doorashada la gaadho." Eedeynta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland u jeediyey Guddoomiyaha Ololaha doorashada ee Xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa, waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu habeenkii xalay Dr. Gabboose Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ugu baaqay in uu wax ka qabto ama aanu dhegaysan Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa oo uu sheegay in ay sumcada ka dilayaan, isla markaana danta ummadda ay kala weyn tahay in ay kuraastooda ku ilaashadaan wax kasta oo ay samayn karaan. QM oo Sheegtay in Hal Milyan oo Soomaali ah aanay heli Karin Gargaar Nayrobi(Yool/Wakaaladaha)-Hay'adda Qaramada Midoobay, ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadlayso xaaladihi ugu dambeeyey dadka Soomaaliyeed ee barakacay oo ku tirsan Gargaarka ay bixiyaan Hay'addaha samafalka,waxaana ay sheegay in hal milyan oo qof oo Soomaali aysan hadda heli karin Gargaar bin'aadanimo sababo dhanka amni darro ah. Sarkaal ka tirsan Hay'adda UNHCR ee Soomaaliya ayaa Saxaafada u sheegay in Qaramada Midoobay iyo Hay'addaha kale ee samafalka ay samaynayso dadaal weliba ay ku gaarsiinayso gargaar dadkaas Soomaalida balse ay jirto cabsi dhanka amaanka iyo falal kale ee loo geysan karo shaqaalaha samafalka. Bruno Geddo ayaa xusay in ku dhowaad 900,000-qof oo ku kala sugan Koonfurta iyo Bartamaha ay si aad ah u baahanyihin Gargaar. Wuxuuna hadalkiisa ku daray in ku dhowaad 42-qof oo shaqaale samafaleed lagu dilay dagaalada iyo rabshadaha ka jira Soomaaliya tan iyo sanadkii 2008-dii. Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay inka badan hal milyan oo qof oo ku barakacay dagaalada ka jira dalka ay u baahanyihin gargaar. Reer Berbera BARRAC mise DAAHIL..! Waxaanu akhristayaashayada ugu bushaareyneynaa in Wargeyska "Yool" Toddobaadka soo socda uu idiin soo gudbin doonaa qormo cusub oo ku saabsan qiimaynta ku salaysan cida aqlabiyada dadweynaha ku dhaqan Gobollka Saaxil ay Codadkooda siin doonaan marka la gaadho doorashada Madaxtooyada Somaliland, taasoo Wargeysku idiinka soo diyaariyey daraasad si qoto dheer u faaqideysa Boqolkiiba Sagaashan dadka ku nool Gobolka Saaxil.......Haddaba Akhiste filasho wacan... Ciyaaraha Inter oo soo Bandhigtay Lacagta Mourinho Milan(Yool)-Madaxweynaha Inter Milan Massimo Moratti ayaa laga soo xigtay in markii uu la kulmay Jose Mourinho ay isku waafaqeen in la fasaxo oo uu aado Real Madrid, laakiin kooxda Spanish-ka ay bixiso lacagaha ay rabto Inter oo ay ku fasaxeyso Macalinka. Wareyska Gazzetta dello Sport ayaa soo daabacay in Moratti uu u diyaariyay Madrid iney qaataan Mourinho, Maicon iyo Ricardo Quaresma laakiin ay bixiyaan f ?35 million ($43 million). Mourinho 2 sano ayaa ugu harsan heshiiskiisa Inter laakiin waa in la siiyaa Inter ?16 million ($20 million). Wararka Spain ka imaanaya waxey sheegayaan in Mourinho- uu saxiixi doono 4 sano oo heshiis ah kaasoo sanadkii ku kacaya ?10 million ($12 million). Koonfur Afrika oo 7 Darajo kor u Kacday Qiimeynta FIFA Bafana Bafana ayaa qiimeynta FIFA ee bilaha waxey sare u kacday 7 darjo markii lagu dhawaaqay xalay qiimeyntaasioo ay FIFA soo saartay. Bafana Bafana ayaa waxey bishii hore qiimeynta aduunka ka fadhiday booska 90aad laakiin bishaan waxaa lagu abaalmariyay booska 83aad e aduunka. Si kastoo ay tahay Bafana Bafana wali waxey tahay xulkii ugu darajada hooseeyay ee koob aduun marti galiya marka marka laga soo bilaabo xilligii la bilaabay qiimeynta FIFA. Horyaalka qaarada afrika xulka heysta ee Egypt, oo sanadkaan ku guuldareystay inuu koobka aduunka soo xaadiro ayaa wali wuxuu yahay xulka ugu sareeya qaarada afrika, wuxuu qiimeyntaan sare u kacay hal darajo isagoo istaagay booska 12aad. Cameroon oo ah xulka 2aad ee ugu darajada sareeya afrika ayaa fadhiya kaalinta 19aad ee aduunka. Nigeria waxaa loo tuuray booska 21-aad iyadoo laga soo kiciyay kaalinta 20aad, halka Ivory Coast ay wali fadhido booska 27aad. Sidoo kale xulka Algeria, ayaa darajo kor u kacay isagoo soo fadhiistay booska 30aaf halka Ghana, ay fadhido kaalinta 32aad. 10 xul ee Africa ugu sareya:

  1. Egypt (12th worldwide)
  2. Cameroon (19th worldwide)
  3. Nigeria ( 21st worldwide)
  4. Ivory Coast (27th worldwide)
  5. Algeria (30th worldwide)
  6. Ghana (32nd worldwide)
  7. Gabon (42nd worldwide)
  8. Burkina Faso (48th worldwide)
  9. Mali (54th worldwide)
  10. Tunisia (55th worldwide)





    Source:Sourcw Wargayska YOOL
    Hargiesa





     


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp