Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday 20 May 2010
Madexweynaha Jabuuti Oo Doorashada Somaliland Ku Tilmaamay In Aaney Aqoonsi Keenayn Ismaaciil Cumar Geele oo kahadley aragtidiisa ku wajahan Somaliland,waxa uu daaha ka rogay, in ay Somaliland ka duwan tahey Soomaaliya oo ay sameysteen dawladnimo Washigton(GNS)-Madexweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa, markii uhoreysay u quus gooyay doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland iyo nidaamka Dimuqraadiyada, axsaabta ee ka hirgaliy Somaliland isagoo ku macneeyay in aaney waxba kajirin aqoonsi ay caalamaka kaga hesho Somaliland. Ismaaciil Cumar Geele,Madexweynaha Jabuuti oo kahadley aragtidiisa ku wajahan Somaliland,waxa uu daaha ka rogay, in ay Somaliland ka duwan tahey Soomaaliya oo ay sameysteen dawladnimo iyo nidaam kala danbeyn ah. “Waxan u arkaa Somaliland dad miyir qaba oo dalkoodii dhistay haduu khilaaf yimaadana, wada hadal dhexdooda ah ku dhameysta,tusaale in laga qaato ayay aheyd, iyaguna in ay walaalahood lahadlaan weeyi, oo ay u cadiban yihiin, oo aaney kaalmo caalamkii kahelaynin leesh kuwii horeba way udhaceysaye ma madaxbanaani ayay usamayaneysay Ma, aha markii uhoreysay ee ay doorasho qabsadaan, kuwii horeba way dhaceen, wey umadax banaan yihiin qaranimadooda,oo dowladoodii way heystaan baarlamaankoodii iyo guurtidoodiiba way u dhisan yihiin, waxa ay doonayaani waa ictiraaf ay Caalamka kahelaan aqoonsina kuma xidhna doorasho, ee waxey ku xidhan tahey in ay laxaalaan ragii ay hore wax uwada lahaayeen,hadey wax isku darsanayaan iyo hadey kala baxayaan iyagey u taalaa”.Sidaa waxa yidhi Madexweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele mar uu uwaramayay idaacada BBCda laanteeda afka Soomaaliga isagoo jooga dalka Mareykanka. “Hadey dalkii oo dhan haystaan may kataliyaan uma socdaan xukun ee waxey wadaan wax taariikhda Soomaalida baabiinaya, waa in laga qabto umada nin aqalkiisii gubaya, wax lkale oo layidhaahdaa uma banana” Ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geele isagoo khadlaya kooxaha All-shabaab iyo Xisbi Islaam ee ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya. Waxa kale oo uu Madexweynaha dalka Jabuuti kahadley mucaaridka wakhtigan xaadirka ah kajira dalkiisa, isagoo ku tilmaamey in ay muhiim tahey in wadanku yeesho mucaarid haseyeeshee, loo baahan yahey in ay ahaadaan kuwa ku dhisan shuruucda dalka uyaala. Waxa kale oo uu Madexweyne Geele kahadley furitaankii dastuurka dalkaasi dhawaan lagu sameeyay, isagoo ku tilmaamey in aaney aheyn markii uhoreysay ee la furo,laakiin tiraba sadex jeer ooh ore la furay ilaa sanadkii 1992kii isagoo kahadlayana waxa uu yidhi. “Toban maadadood ayaa laga badelay ,ma ahana markii uhoraysay ee waa markii sadexaad ilaa sanadkii 1992kii waxeyna kujirtaa hurumarka, nolosha iyo mustaqbalka dalka inaad waafajiso hadaba wixii laga maarmi waayo”Ayuu yidhi Madexweyne Ismaaciil Cumar Geele.
Source:C/raxmaan Nuux Axmed(Hiiraan)




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp