Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Wednesday, 31 March 2010
Dhalinyarada Somaliland iyo Puntland oo tababar loogu soo gebagebeeyey Hargeysa. Warkii 31-Mar-2010 iyo Qormadii: NEWS

Kulan tababar ah oo ay ka soo qayb galeen dhalinyaro kor u dhaafaysa 52 dhalinyaro ah oo kala socda dhalinyarada Somaliland iyo puntland ayaa loogu soo gebagebeeyey maanta caasimada Somaliland ee Hargeysa,tababarkaas oo dhalinyarada lagu barayey siday isu dhexgeli lahaayeen,isla markaana loo baabi'in lahaa kala shakiga bulshada labada dhinac. Kulankaas oo dhalinyarada labada dhinac ay tiro is le'eg uga soo qyab galeen ayaa waxa dhalinyarada loo tababaray xirfad nololeed(Life Skills),taasoo ah habka ugu haboon ee si nabad ah loogu wada noolaan karo mandaqada lagu wada nool yahay,
"Waxaan u haystey si kale inay Hargeysa tahay,oo si kalaan ka aaminsanaa,waxaanse maanta ogaaday in Walaaltinimadii jirtey oo aan weli dhamaan,qof kasta iyo qabiil kasta oo Soomaaliyeed baa jooga"Sidaas waxaa yidhi Maxamed C/qaadir Cali Cigaal oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka timid dhinaca Mudug oo aad ula dhacsan imaanshaha Somaliland.

Gobolada Somaliland ayaa waxa gobol kasta ka yimid 2 dhalinyaro ah,meesha gobolada Puntlandna sidaas oo kale ay ka yimaadeen min laba dhalinyaro ah.

"Dhalinyarada reer Puntland ayaa booqan doona gobolka Togdheer intaanay ku guryo noqon Puntland,waxaana dhalinyarada Somaliland ay dhowaan booqasho ku tegi doonaan Puntland. Aad baan ugu faraxsanahay inay dhalinyarada reer Puntland noo yimaadaan,oo aan is barano,waxaana ku dadaalaynaa sidii aan isugu xidhi lahayn,oo loo samayn lahaa Network ay ku midaysan yihiin dhalinyarada labada dhinac,waxaana dhowaan ku booqan doonaa Puntland,bal si aan u soo aragno iyagana"Sidaas waxa yidhi C/raxmaan C/llaahi Dheegsan oo reer Hargeysa ah.

"Waxaan ku talin lahaa inaan wax colaad ah la dhex dhegin dadka walaalaha ah ee labada maamul,oo aan la dhegaysan colaadaha ay abuurayaan nimanka madaxda ah ee kursigooda ilaashanaya"sidaas waxa isna yidhi C/qaadir Macalin Muuse oo reer Garoowe ah.
Source:Afnugaal News Desk.




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp