Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Wednesday, 31 March 2010
Dagaalo ayaa mar kale ka soo cusboonaaday deegaanada Camaara iyo Bacaad oo ay degan yihiin labo beelood oo walaalo ah, iyadoo dagaaladan cusub ay dhaceen, xilli waan waan laga dhex wado labada beelood.

Ugu yaraaan 10-ruux ayaa ku dhintay dagaalka maanta oo ahaa mid la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasoo ay ku jireen gaadiidka dagaalka iyo madaafiic lagu duqeeyay deegaanada.

Dagaalka oo aan la fileyn ayaa ka qarxay maanta deegaanka Baraakadaha iyo Camaara, iyadoo lagu mashquulsanaa xalinta xiisadaha labada beelood, kadib markii dhowaan ay gaareen deegaanadaas Gudiyoi dhex dhexaadin ah oo ay dirtay Dowladda Soomaaliya.

Beelaha Saleebaan iyo Qubeys oo ah jufo ka tirsan Beesha Dir ayaa xiisadaha iyo khilaafka u dhaxeeyay uu ahaa mid soo jiitamayay horaantii sanadkan, waxaana dagaalo dhex maray ku dhintay in ka badan 50-ruux, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Xaalada deegaanadaas ayaa haatan ah mid degan, inkastoo wali la dareemayo xiisado iyo kacsanaan la xiriirta dagaalkii maanta, waxaana labada beelood ku mashquulsan yihiin aasida meydadka labada dhinac uga dhintay dagaalka, waxaana dhici karta in mar kale ay isa soo abaabulaan labadan dhinac.

Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaalka labadan beelood oo in dhawaan isku heystay ceelal halkaa ku yaalay waxaana inta badan dagaalada ka dhaca tuulooyinka la sheegaa in salka uu ku hayo daaqsiin iyo baraagado.
Source:Hoyga wararka Somaliyed




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp