Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Tuesday, 30 March 2010
Mahe (RBC Radio) Ciidanka badda ee Jaziirada Seychelles ayaa sheegay in dooni ay leeyihiin ciidanka ilaalada badda ay weerar ku qaadeen koox burcad badeed Soomaali ah oo afduubay dooni ay saarnaayeen 27 kalluumeysato Hindi ah oo ay ka qafaasheen badweynta Hindiya.

Doontan ay laahaayeen ciidanka ciidanka ilaalada badda ee Seychelles ayaa sheegay inay burburiyeen labo ka mid ah saddex doonyood oo ay burcad badeedu wateen ka hor intii aysan ka soo badbaadin kalluumeysatada.

Mid ka mid ah doonyihii ay wateen burcad badeeda ayaa degtay mid kalena dab ayaa qabsaday ka dib markii ciidanka ilaalada badda Seychelles ay rasaas ku fureen kooxda burcad badeeda, sida lagu sheegay war ka soo baxay xukuumada Seychelles. Xaalada kooxdii burcad badeeda ahayd ayaan la garaneyn halka ay ku dambeyso.

Hawlgalkan ayaa dhacay xilli ciidanka Seychelles ay soo badbaadiyeen lix ka mid kalluumeysatada Seychelles oo ay burcad badeedu afduubteen toddobaadkan. Wasiirka gaadiidka Seychelles Joel Morgan, oo sidoo kale u xilsaaran arimaha burcad badeeda ayaa sheegay in ciidanka Seychelles ay sidoo kale weerareen kooxburcad badeed kale oo heysato markab laga leeyahay Iran iyo badmareeno Iraniyiin ah oo ay soo afduubeen. Waxaana ciidanka Seychelles ay sidoo kale soo badbaadiyeen raggaasi Iraniyiinta ah ka dib markii ay matoorada rasaas kaga dhufteen isla markaana burcad badeedii ay badda isku daadiyeen. Kooxda burcad badeeda ee laga soo badbaadiyey shaqaalahan Hindida iyo Iraniyiinta ah ayaa dib ugu soo laabtay xeebaha Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiisha dalka Seychelles.

Waxaa uu hawlgalkan noqonayaa midkii ugu horeeyey ee ay ciidanka Seychelles ku qaadaan kooxaha burcad badeeda oo waayadan dambe bilaabay inay xeebaha Seychelles gaadiidka ka soo qafaashaan.
Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp