Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Monday, 29 March 2010
Guddoomiyaha Ololaha Xisbiga Udub, Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa maanta shir-jaraa,id ku qabtay Hutel Askar ee magaalada Gabiley

“KULMIYE iyo UCIDna waxaad moodaa Somaliland waxay ku iibsamayso iyo waxa ay ugu badinayso ee hadalkooda ugu badan in uu yahay uun hala qabto doorasho xaq iyo xalaal ah"Cismaan Hindi

Hargeysa(GNS)Guddoomiyaha Ololaha Xisbiga Udub, Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa maanta shir-jaraa,id oo uu ku qabtay Hutel Askar ee magaalada Gabiley waxa uu kaga waramay halka ay marayso dooroshooyinkii Somaliland, diiwaan galintiim iyo waxa ay tahay in la taageero ee ay maanta Somaliland ku iibsanayso. Waxaanu shirkaasi jaraa’id si wayn ugu duray qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo uu xusay in ay buun buuniyeen oo ay waxaan jirin ku tilmaameen waxyaabaha ay Somaliland ku iibsanayso.

“Waayahan danbe sidaad ogtihiin waxaa laga hadlaa doorashadii, oo doorasho xaq oo xalaal ah wadankan inay ka dhacdo, diiyaar baynaynu u nahay, waayo Somaliland waxay ku iibsamaysaa waa doorasho xaq iyo xalaal ah. Waxaa kale oo Somaliland ku iibsamaysaa in laga sameeyo diiwaan galin xaq iyo xalaal ah oo aanu ku jirin madmadaw. Laakiin Somaliland kuma iibsamayso doorasho iyo diiwaan galin xaq iyo xalaal ah ee waxa kale oo ay ku iibsamaysaa marka la eego arimo faro badan, oo ay ka mid yihiin:

In la taageero dimuqraadiyada curdinka ah ee dalkeena ka hanaqaaday oo la xoojiyo ayay Somaliland ku iibsamaysaa. Waxaa kale oo ay ku iibsamaysaa in lasoo dhaweeyo maalgashiga shisheeyaha iyo sokeeyahaba taasi oo hoos u dhigaysa isla markaana yaraynaysa shaqalo-la,aanta baahsan ee maanta wadankeena ka jirta.” Ayuu yidhi, Cismaan Hindi.

Waxaanu sheegay in Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, in ay ku celceliyaan in Dalka Doorasho laga qabto, hasa ahaateem taasi aanay ahayn mid kaliya ee ay Somaliland ku heli karto ictiraaf Caalami ah: “ Saaxiibadayda mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCIDna waxaad moodaa Somaliland waxay ku iibsamayso iyo waxa ay ugu badinayso ee hadalkooda ugu badan in uu yahay uun hala qabto doorasho xaq iyo xalaal ah. Somaliland kuma iibsamayso doorasho xaq iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka oo kaliya ee waxyaalo kale oo faro badan marka la eego ayay ku iibsamaysaa oo ay ka mid yihiin nabadgalyada quruxda badan ee fiican ee aynu maanta haysano oo ay wadamada dunida inteeda badani farta inagu soo fiiqayaan.

Somaliland waxay ku iibsamaysaa oo ay ugu badanaysaa la dagaalanka argagixisada gudo iyo dibadba oo ay tahay sida runta ah wadankii ugu horeeyay ee argagixiso geeyay maxkamad. Somaliland waxay ku iibsamaysaa dhiirigalinta dhalinyarada iyo ku abuurka wadaniyada. Walaaladay iyo saaxiibaday (Siilaanyo iyo Faysal) waxaad moodaa inay niyad jabinayaan dhalinyarada oo ay ka been abuurayaan Somaliland, dhalinyaradana ay ku dhiirigalinayaan inay tahriibaan. Waxaanu leenahay wadanku waa dal curdin ah,oo dimuqraadiyadiisu curdin tahay, oo qani ah, waxaanaynu ku suganahay in la ina ictiraafo bilo gudohood ee ha ku dhiirinina dhalinyarada (kulmiye iyo ucidoow) inay tahriibaan, waayo wadankoodii hooyo ayay joogaan maantana waxkasta ayaynu haysanaa, ictiraafkana ilaahaybaynu ka rajaynaynaa sida ugu dagdaga badan.

Somaliland waxay ku iibsamaysaa oo ay ku badinaysaa in run laga sheego waxqabadka xukuumada iyo wax-soosaarka Somaliland maanta ka jira laakiin saaxiibaday (Siilaanyo iyo Faysal Cali waraabe) waxaad moodaa inay qarinayaan waxqabadka xukuumada iyo Somaliland xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta.

Somaliland waxay ku iibsamaysaa waxyaabahaa aan hore ugasoo sheekeeyay iyo qaar kale oo faro badan laakiin aan usoo noqdo ta doorashada xaqa iyo xalaasha ah. Waxaynu ognahay maanta in la saxayo diiwaan galintii hore u khaldantay oo maanta saaxiibaday ay qirteen in diiwaan galintaasi hore u qaldantay laakiin maanta ay qirteen inay hore u khaldanayd. Waxaan xasuusanahay saaxiibaday labada xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID maanta diwaangalintaa la saxayo inay ku dagaal galiyeen dhalinyarada inay taayiro ku gubaan, gawaadhi ku jajabiyeen, guryaha dawlada ku shiideen iyo in halkaasi sida runta ah dhaawacyo badani kasoo gaadheen umada reer Somaliland.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Ololaha Xisbiga Udub Cismaan Cabdillahi Cigaal(Cismaan Hindi)

Guddoomiyuhu mar uu ka hadlayay sababta ay inta badan tallaabooyinkaasi u qaadaan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye, waxa uu yidhi “ Hadaan umada reer Somaliland shaaca uga qaado, oo dib u yara jaleeco waxa ay waxaasi oo dhan u sameeyeen iyagoo ku andacoonaya liiskii hore ee diiwaangalinta ee anagu aanu lahayn wuu khaldan yahay ee ay iyaguna lahaayeen waa sax ayaan doonayaan inaan maanta u iftiimiyo umada reer Somaliland gudo iyo dibadba.

Cismaan Hindi, Guddoomiyaha Ololaha Xisbiga Udub, waxa uu Warbaahintii shirkaasi jaraa’id ka soo qayb gashay uu tusay Liis uu sheegay in uu khaldan yahay oo ay soo saareen Hay’adii Interpeace oo Komishankii hore ka caawin jiray dhinaca Farsamada, “Liiskaa qaldanaa ee halkan yaala, waa liiskii ay soo saareen INTER PEACE, waxaanu soo baxay sida runta ah bishii todobaad sideedeedii sanadkii 2009kii, waa liiskaa liiskii ay labada nin ee mucaaridka hogaamiya ay ku dagaalamayeen, ee ay dadku ku dagaal galinayeen, ay taayirada ku gubayeen, ay dhalinyarada beenta ugu sheegayeen. Maantana waxay leeyihiin dhab liiskaasi wuu khaldanaa.”

Waxaanu Labada Xisbi Mucaarid uu u soo jeediyay Tallooyinkan “ Marka hore waxaan labada xisbi mucaarid ku waaninayaa, ku dhiiri galinayaa ama aan leeyahay raaligalin ka bixiya oo umada reer Somaliland ka raaligaliya khaladkaa iyo danbigaa aad ka gasheen. Labada gudoomiye xisbi (Siilaanyo iyo Faysal) waxaan leeyahay ka raaligaliya madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ee go,aankaa taariikhiga ah gooyay in umadiisa aan lagalin umadiisa dhib wadankana aan loo horseedin burbur waayo kani waxaa uu u horseedayay wadanka burbur. Kama been abuurayo warsaxaafadeedkaasi waxaa uu soo baxay bishii 7aad, 27keedii, sanadii 2009kii waxaana si wada jir ah u qoray UCID iyo KULMIYE iyaga oo difaacaya liiskaasi waxba kama jiraanka ah ee ay maanta leeyihiin aynu saxno wax lagu dagaal tago maahee.” Cismaan Hindi waxa kale oo uu xusay in ay Xisbi ahaan sheegeen in Liiskaasi khaldan yahay “ Anagu (UDUB) war-saxaafadeedkii aanu soo saarnay ee aanu lahayn liiskaasi wuu khaldan yahay ee dib aynu u saxno, aduun waynahana aynu u bandhigno, waxaanu soo baxay bishii 7aad, 27keedii, 2009kii. Labada xisbi mucaarid mowqifkoodu kaasibuu ahaa, kaayaguna sidaasi ayuu ahaa, markaasi waxaa cad inay kaayagii raaceen oo aanu anagu ka saxsanayn. Waxaa dhacday in aduun waynuhu noo markhaati furo oo yidhaahdo liiskaasi mid idin anfacaya maahinee dib aynu u saxno.

Liiskaasi raga difaacayay ee walaaladay ah ee labada xisbi mucaarid ku jira, ee gudoomiye Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe difaacayeen, ee uu difaacayay Muuse Biixi, ee uu difaacayay Iskeerso iyo rag badan oo aan aqaano.hadaan halkan idiinka sheegona dhagaha ayaad qabsanaysaan, waanad la yaabi doontaan.” Ayuu yidhi Mr. Hindi, isaga oo intaasi ku sii daray “ Waxaa uu liiskani sheegaya in hal ruux, laba, sadax ama afar laga diiwaan galiyay goobaha qaar waxaana ka mid ah Gabiley C oo halkan ku qoran oo leh afar qof ayaa laga diiwaan galiyay waana wax lala yaabo. Sheekhadu waa goobaha ugu waawayn ee ugu dadka badan magaalada Hargaysa, liiskanina waxaa uu sheegayaa in shakhsi kaliya laga diiwaan galiyay. Waxaa kale oo ka mid ah goobaha Hargaysa ugu waawayn Saylada Xoolaha lagu iibiyo oo liiskani sheegayo in Hal qof laga diiwaan galiyay. Goobaha kale waxaa ka mid ah Dekeda Berbera, liiskanina wuxuu sheegayaa in laga diiwaan galiyay Ruux. Liiskani wuxuu sheegayaa in Faro-wayne laga diiwaan galiyay afar qof. Waxaan leeyahay walaalkay Muuse Biixi liiskii aad u dagaalamaysay ee aad caruurta u dagaal galisay, ee taayirada aad ku gubteen, ee gawaadhida ku jajabiseen ee xafiisyada dawlada aad ku shiideen ma waxa weeyi faro-wayne afar ruux ayaa ka diiwaan gashan.”

Cismaan Hindi, Guddoomiyaha Ololaha Xisbiga Udub, waxa uu si ba’an u weeraray Maxamed Aaden Iskeerse oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye “ Waxaan leeyahay saaxiibkay Iskeerso Wado-Makaahiil 4 ruux ayaa laga diiwaan galiyay, liiskii aad u dagaalamayseen ee aad caruurta ugu dhiibteen dhagax tuurka ma waxa weeyi liiskaa aan gacanta ku hayo. Xariirad wuxuu leeyahay liiskani waxaa iska diiwaan galiyay hal qof. Camuud waxa uu leeyahay liiskani waxa laga diiwaan galiyay shakhsi kaliya. Baligubadle B waxaa uu leeyahay liiskani waxa laga diiwaan galiyay shakhsi kaliya. Waxaan la hadlayaa wallaalayaal umada reer Somaliland ee gudaha iyo dibadaba, xogtan miyaad hayseen. Maya may hayn xogtan umada reer Somaliland. Maxaa igu kalifay hadaba maanta inaan xogtan sheego.”

Mar uu ka hadlayay sababta ku kaliftay waqtigan ku kaliftay in uu arimahaasi ka hadlo ayaa waxa uu Cismaan Yidhi “ Waxaa igu kalifay inaan xogtan sheego walaalkay Faysal Cali Waraabe iyo xisbiyada mucaaradka ah oo afar iyo labaatanka saacadood ku andacoonaya oo leh doorashada waxaa dib u dhigaya xukuumada, xukuumadaa lugta jiidaysa oo sawiro foolxun had iyo jeer ka bixinaya Somaliland.

Socdaalkii ugu danbeeyay ee ay jabuuti u baxaan wargayska Geeska Afrika waxaa uu qorayaa uu leeyahay xisbiyada mucaaradka oo dawlada maraykanka u bandhigay cabsi ay ka qabaan in xukuumadu doorashada lugta jiido. Waxaa uu leeyahay wargaysku inay mucaaradku dawlada maraykanka u sheegeen inaanay xukuumadu daacad ka ahayn inay doorasho qabsoonto. Waxaanu wargaysku sheegayaa inay ku yidhaahdeen hadaad tihiin dadkii dhexda noo ahaa Telefishanka Qaranku wuxuu la mid noqday warbaahinta UDUB.” Ayuu yidhim Cismaan Hindi, isaga oo nasiib daro ku tilmaamay in ay samaystaan, sida uu tilmaamay, Websites ay Dadka ka caayaan “ Waa nasiib darro xisbiyada mucaaradku inay samaystaan websiteyo laga caayo dawlada, laga aflagaadeeyo madaxda dawlada, lagaga been sheego waxqabadka xukuumad, lagaga been sheego maalgalinta wadanka, lagaga been sheego wixii Somaliland u qabsoomay. Waxaa kale oo nasiib darro ah idaacad horyaal la yidhaahdo oo 24ka saacadood duryanta, oo ka been sheegta had iyo jeer waxqabadka xukuumada oo aad moodo inay la dagaalamayso dad cadaw ah, oo tiraahda aan iska xorayno faqashta. Waar faqashtu ma anigaa?! Ma abiibaa (wasiirka ganacsiga), ma Maxamed Aarbaa (Safiirka guud ee Somaliland), ma Cali Guraybaa? (afhayeenka UDUB), ma idinkaa (saxaafada), Somaliland ayay ka sheeganayaan dadka, waar Somaliland ma anigaa la iga sheegan karaa? Ma wasiirka ayaa laga sheegan karaa? Ma ragga kale ee aan ogahay ayaa laga sheegan karaa? Yaa lagu odhan karaa faqash? Faqash waxaa lagu odhan karaa oo dhab ah, oo run ah, kuwii shalaytoole dabeecadihii ay faqashtu lahayd ee aniga mooyee cidkale ma talinayso. Waxaan xasuustaa weedhihii ugu danbeeyay ee gabayaashii ku hareersanaa dawladii Siyaad Barre ee lahaa

Yaa daarood ismaaciilaay

Durugtay ceebtiiyee

Darajada walaalkaa leeyahay

Waa mid Kuu dan ahee

Haduu kuu darnaadana

Kakale kaaga Damac roon.

Maanta waxay taagan yihiin waar yaa reer Sheikh Isaxaaqaay! Tolow yay ka xoraynayaan maantana. Ma anakaa la naga xoraynayaa? Ma anakaa cirka ka nimid? Ma anakaa dhulka ka nimid? Ma anakaa wadanka lanaga sheeganayaa?.

Waxaan leeyahay walaaladay xisbiyada mucaaridka ah doorasho u diyaar garooba, waad qirateen inay diwaan galintii hore qaldanayd. Diwaangalintan waa la saxayaa, sida ugu dagdaga badana waa loo sixi doonaa, wakhtigeedana way qaadanaysaa. Komishanka Doorashooyinka Qaranka waan ku kalsoonahay waananu daba fadhinaa. Idinkoo lixdii qodob sexeexay aynu heshiiska ku ahayn kolba meel haka dhicina, ha duryamina, kolba qolooyin ha u cabanina. Maanta waad arkaysaan garoonka wuu xaadhan yahay siidhi wadahana waanu ku kalsoonahay, waa diyaar, dadwaynuhu way ina arkayaan ee u diyaar garooba doorshada oo ka daaya Somaliland dhibaatadan aad ku haysaaan iyo sawiradan foosha xun ee aad ka bixinaysaan eed aduunyada ka iibinaysaan”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Intaasi ka dib Wariyayaashii ka soo qayb galay shirkaasi jaraa’id ayaa Cismaan Hindi Halkaasi Su’aalo ku waydiiyay, waxana Su’aalahaasi ka mid ahaa:

S. Gudoomiye Xogahani aad ka waramaysaa ma kuwa cusub oo hada soo baxay oo aad hesheenbaa mise waa kuwo hore u jiray?

J: Mayee waa xogo hore u jiray, waxaana uu soo baxay liiskani bishii 7aad, 8dii, 2009kii, waxaana soo saaray komishanka dooorashooyinka qaranka oo laba cali kuma wadi murmi karto, waxaanu u qaybiyay labada xisbi mucaarad anaka noomuu qaybin, laakiin xogtan waanu haynay waananu iska aamusnayn oo waanu qarinaynay. Laakiin waxaa igu kalifay maanta inaan sheego tan ay leeyihiin doorashada lugta waxaa jiidaysa xukuumada. Lugtana iyagaa jiidaya dalka markii ay taageerayeen ee ay lahaayeen doorasho ha lagu galo. Maantana haday qiranayaan oo ay leeyihiin walaalayaal khaladbuu ahaa waxaan leeyahay umadda reer Somaliland raali galiya, oo khalad aad gasheen geesi noqo Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyooy), kor u kac oo waxaad tidhaahdaa waan khaldmay raali ahaada waad na badbaadiseenUDUB hadaad tihiin, ilaahaybaa wax badbaadiyee. Waxaan leeyahay Faysal Cali Waraabe kor u kac geesi noqo, qiro khaladkaaga, dheh liiskan aanu ku dagaalamaynay eenu war saxaafadeedkan kasoo saarnay wuu khaldanaa. Maantaanu diyaar u nahay inaanu saxno.

S: Miyaan arintan diiwaan galinta ee aad maanta ka hadlayso hore looga heshiin, oo aan looga gudbin nidaam cusub oo aad sadexdiina xisbiba ku tartaan, waa maxay baahida maanta keentay?

J: Sababta maanta keentay shirkaygan jaraa,idna waxaa weeyi xisbiyada mucaaradka oo meelkasta oo ay tagaan leh dawlada ayaa cagaha jiidaysa inay wadanka ka qabsoonto doorasho, waxaa dib u dhigaya xukuumada, waxaanan cadaynayaa in xukuumadu diyaar la tahay maal, muruq iyo aanu la garab taaganahay, wax khalkhal ah ama muran ah oo aanu soo wadnaana ma jiro. Komishanka doorashooyinka qarankana waanu ku kalsoonahay.

S: Gudoomiye idaacada horyaal ee aad carabka ku dhufatay, oo deegaankan Gabiley aad looga dhagaysto, sababtuna ay tahay markii Radio Hargaysa ku fashilantay inay wadankoo dhan gaadho, taasi miyaan la odhan Karin hawl aad qaban kari waydeen ayay qabteen?

J: Idaacada Radio Hargaysa waxaanu ku hadalnaa waa qaranimo weeyaan. Dadka ayaan wax u sheegnaa, waa lagu hanuuniyaa, qaranimada reer somalilad ayay ka hadashaa, Somaliland madadaaladeeday ka hadashaa. Gabayada iyo suugaanta ayay ka hadashaa.

Idaacada Horyaal waxaa moodaa dalkan inay leedahay waxbaa laga horaynayaa, cadawbaa laga xoraynayaa, waa in loo dhintaa, waa in loo dagaalamaa.


Source:Gabileynews Desk
Hargeysa Office





 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp