Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Saturday, 27 March 2010
Gudidii Cisbitaalka Guud Ee La Kala Diray Oo Sheegay In Arinkooda La Siyaasadeeyey Gudidii Cisbitaalka Guud Ee La Kala Diray Oo Sheegay In Arinkooda La Siyaasadeeyey Hargeysa, (Qaran news) - Gudoomiyihii guddida Cusbitaalka guud ee Hargeysa Maxamed Xuseen Caabi ee todobaadkan gudidooda madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin uu kala diray isla markaana erigooda ku sababeeyey xilgudasho la’aan iyo wado shaqan la’aan la xidhiidha maamulka wasaarada caafimaadka oo uu tilmaamay inay la shaqayn kari waayeen ayaa isagu sheegay inaanay xilkoodii gudan kari waayin gudidoodu, balse uu tilmaamay in arinkooda la siyaasadeeyey madaxwaynahana laga dhaadhiciyey inay xisbi u badan yihiin. Maxamed Xuseen Caabi waxa uu sheegay in mudadii ay gudidoodu maamulka cisbitaalka guud gacanta ku hayeen ay wax badan oo horumar ah ka qabteen baahiyihii cisbitaalka. Guddoomiyaha gudidii hore ee cisbitaalka guud Maxamed Xuseen Caabi oo ay weheliyaan xubnaha gudidooda lakala diray oo shalay shir-jaraa’id oo wada jir ah ku qabtay xafiiskoodii Cusbitaalka Guud waxa uu yidhi “Xaqiiqdii kolkii anagu Cusbitaalka aanu qabanay, cusbitaalka oo qashin uu ka buuxo oo riyuhu galaan oo dadka miishaar lagu qalo ayaanu nimid, imikana waxa weeye Cusbitaal caalami ku dhow oo xaqiiqdii intaas oo qolal qaliina leh oo anagu aanu keenay intaas oo mishiin ama qalabkii qaliinka, dawada oo aanu keenay, waxaanu keenay oo kale in aanu dawooyin tayo leh cusbitaalka u keeno oo 24-saacadood laga heli karo. Markaa wax qabadka aanu xaqiiqdii Cusbitaalka ka qabanay, waxa shacabkuna ay qireen dadka oo dhamina ay ka war hayaan, oo wax bay qaban waayeen mid meesha ku jirta maaha”. Aamina Yuusuf Aar oo iyaduna ka mid ah guddida cusbitaalka ayaa hadal kooban ku sheegtay inay xaqiiqda ka fog tahay eedaha uu madaxweynuhu u jeediyay guddidooda “Anaga iyo Maxamed waxaanu tagnay Uk marna maraykanka ayaanu tagnay oo waxa yare e dad soo bixiyay aad garanayso qaxootiga waxa la siiyo, wixii aanu ka keenay ayay wasaarada caafimaadku tidhi sanduuqyaa lagu shubtay xaasha, cusbitaalkan anagu jeebjkayaga waxaanu ka tarnay baa yaala, tacabkayagii wakhtigayagii oo dhan waanu gelinay Ilaahay mahadii shacabka oo dhami way noo mahad naqayaan, dad wax uga baahan ama xaasha ma nihin Ilaahay baa naga kor yeelay, Cusbitaalka oo aad taariikhdiisa ganaysaan siduu ahaa intaa gacanta aanu ku haynay ayaa buu horumar gaadhay oo markhaati ummadu ka tahay” shacabka waxaan leeyahay guddi dawladi idiin doorto ha yeelina, idinku guddi aan soo saartaan doorta. Ta xisbiga hadaan ka hadlo Xisbiga anigu Kulmiye ayaan ahay oo sir maaha, dadka kalena kolayba hoosta ayuu waxa u doono ahaadaa, ma waxa la yidhi dawlada Udub uun wax tara !, dadku markaa qofku haduu yidhi waxaan galayaa xisbi anig ceeb uma arko. Dadweyanaha waxaan leeyahay cusbitaalkiina ka warhaya” Axmed Muxumed Madar, oo xubnaha guddidaas ka tirsan, islamarkaana sideetamaadkii ka mid ahaa dhalinyaradii UFO ee loo xidhxidhay inay ka dhiidhiyeen xaaladii Cusbitaalku marayay ayaa sheegay in maanta ay tii wakhtigaas oo kale taagan tahay “waxaan xasuustaa cusbitaalka guud oo sideetamaadkii heer xun marayay ayaa dhalinyaradii aan ka mid ahaa ka damqanay inaanu hagaajino ayaanu u tafo xaydanay hay’ad Jarmal ah ayaanu oo qoxootiyadii la shaqaynayasay ayaanu u bandhignay xaalada Cusbitaalka way naga aqbashay inay wax nala qabato, arrintaa taliskii rajiimkii Afweyne waa kuwii nagu xidhxidhay, markaa maanta tani awoodaa ma leh oo laakiin waa taa aad aragtaan in guddidii shaqadii fiicnayd ee ay wadeen laga eryay” S: Hadaad sii faahfaahiso waxyaabaha mudadaa 7-sano aad joogteen, xaga Ambaas-yada, xaga qalabka qaliinka oo markii hore qol ahaa laakiin ilaa sideedgaadhaya, qolalkaa qaliinku xataa ma shaqaynayaan baa la leeyahay maxaa ku dhacay? J: Way jiraan oo mishiinada marka la keeno dayactir bay u baahan yihiin, cid ka shaqaysa xaqiiqdii ma laha, laakiin wixii lagu qaban karo waa lagu qabtaa, balse waxaan sheegayaa in cusbitaalka markii anagu aanu qabanay in aanu Ambalaas kaliya lahayn imikana dhawr ayaa jooga, intaas oo qolal oo kali kali ahna waanu u samaynay, xaqiiqdii waxyaabaha aanu u qabanay cusbitaalka ama xaga dhismaha ama xaga dawada iyo tayada wax la qiyaasi karo oo layska indho tiri karo maaha. S: Guddidii caafimaadka ee dadweynaha cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxyaabaha u madaxweynuhu markuu idin kala dirayay uu idinku eedeeyay waxa ka mid ah, in hawsha cusbitaalka aad uga wakiil tihiin wasiirka caafimaadka, wasiirkuna uu wakiil uga yahay xukuumada markaa aad hawshii joojiseen, taa maxaad ka leedahay? J; Horta Cusbitaalku waa cusbitaal dawladeed ma madaxbanaana oo xaga shacabka marka la eego, laakiin guddidu maaha guddi loogu talo galay inay lacag usoo ururiso wasaarada caafimaadka, waxa weeye wasaarada caafimaadka iyo guddidu-ba wada shaqayn bay leedahay, wada shaqayntaasi waa inay labada geesood-ba ay ahaato. Hadaba marka madaxweynuhu leeyahay wasiirkay la shaqayn waayeen xaqiiqdii tan u danbaysay ee shaqaaqadu ka dhacday, guddidu waxay ku shaqaynayasay digreetadii uu madaxweynuhu ku magacaabay, taasi waxa jira qodobo khusaynaya awooda guddida markaas markii wasiirku awoodii guddida faro galiyey ee ay ka mid tahay bedelaadii agaasimaha, cusbitaalkii uu dhex galay, dhakhaatiirtii u dhax galay xataa gawaadhidii basaskii, Ambalaasyadii anagu bixinaynay shidaalkooda ee aanu keenay oo Lambar dawladeed uu ku wada dhejiyay ayaanu markaa anagu garanay in aanu shaqada bal inta wasiirku soo dagayo aanu dib uga joogsano, madaxweynaha waanu u qoray u sheegnay in arrintaasi ay jirto oo markaa aanu ka sugaynay inuu jawaab ka soo bixiyo, taasina way daahday, oo madaxweynuhu haddii ay daacadi jirto in markiiba ay wax ka qabtaan ayay ahayd. S; Dhakhaatiirtii shaqada laga eryay haatan waa la soo celiyay, taasi mala idin soo ogaysiiyay? J:maya laakiin laga soo bilaabo bishii September ee 2009 xaqiiqdii madaxweynaha war baanu ka sugaynay anagu, wax gooniya oo la nala soo socodsiinayay ma jirin. S: Marna maydin arag madaxweynaha iyo wasiirka toona miyaa? J; Waanu dalbanay madaxweynaha dhawr jeer oo waraaqaanu u qornay inaanu aragno, laakiin nasiib daro maanu arag. S; Maxaa yeelaysaan hada waa wareejinaysaan xilkii sow maaha ? J: Si kale ma laha, anagu markii hore-na shicibkaanu u shaqaynaynay oo aanu mesha u joognay imikana shicibkii uun baanu ku celinaynaa, iyagay markaa u taalaa sidii ay cusbitaalkooda uga warhayn lahaayeen, xilkana sidaa uu imika madaxweynuhu yidhi ayaanu ku wareejin doonaa. Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay xubo ka mid ah guddidii cusbitaalka guud oo sheegay in arrintan ay xukuumadu ku kala dirtay gudidooda looga dan leeyahay sidii dhaqaalaha cusbitaalka loogu talo galay loogu takri fail lahaa. Haatuuf Guud ahaan caafimaadka waddanka ayaa loogu talagalay in ay hoggaamiyaan guddi ka madax bannaan xukumada oo hagta Dhakhtarada guud ee dalka. Gudida keliya ee shaqaysay muddona maamulaysay Dhakhtarka Guud ee Hargeysa ayaa ahayd ta ka hawl gasha magaalada Hargeysa sida dad badani sheegeen aad iyo aad bay u dedaaleen wax badanna waa qabteen waxayna muujiyeen dedaal iyo hawl karnimo dheeraad ah. Haddaba gudidaas ayaa dhowaan waxa la soo deristay dhibaato weyn iyo in aakhirkii madaxweynuhu ku amray inay xilka wareejiyaan. Haddaba dhowaaan ayay soo bandhigeen wax qabadkoodii iyo waxyaabaha qorshaha ugu jiray inay dhowaan ka hirgeliyaan Hargeysa iyo nawaaxigeeda. Waxqabadkii Guddigii Cusbitaalka Hargeysa intay Xilka Hayeen iyo guulaha ay gaadheen: Halkan hoose ka akhriso warkaas oo faah-faahsan iyo waxyaabihii ay wasiirka isku af-garan waayeen.
Source:Qaran news




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp