Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Friday, 26 March 2010
Nairobi (RBC Radio) Qaar ka mid ah culimada Ahlu Sunna Wal Jameeca ee sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta cambaareeyey hawlgalkii Al Shabaab ee maalmahanba ay ku qodayeen qubuuraha culimo caan ka ahayd Soomaaliya oo ku aasan magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabteen qaar ka mid ah culimada Ahlu Sunna ayey si kulul ugu cambaareeyeen falkaasi ay Al Shabaab ku qoday qubuuraha culimada caanka ahayd. Waxayna culimada shirka jaraa’id ka hadashay ku baaqeen in dadka Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda arimahan ay dagaal la galaan Al Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Sheekh C/risaaq Sheekh Aadan Dheere oo ka mid ah culimadii maanta ka hadashay shirka jaraa’id ayaa si caro leh u sheegay in ujeedada Al Shabaab ee qubuurahan aysan ahayn oo kaliya inay wax bubrburiyaan ee ay doonayaan in sidoo kale ay tirtiraan taariikhda ummada.

“Ummada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa in laga hortago oo lagu jihaado kuwan isku sheegaya in munkar suulinayaan oo aan u aragno tuugo boob raadis ah”, ayuu yiri Sheekh C/risaaq.

Sheekh Aadan Macalin Sugow oo ka mid ahaa culimada kale ee shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu isagu ka mid ahaa xertii Sheekh Aadan Dheere oo ka mid ahaa culimada qabriyadooda la burburiyey toddobaadkan. Wuxuuna si kulul u cambaareeyey falkaasi lagu dumiyey qabriga Sheekha isla markaana waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda uusan wax war ah ka heyn halka ay ku dambeeyeen lafihii Sheekha oo uu sheegay in kooxda Shabaab ay qaateen.

Guud ahaan culimada Ahlu Sunna ee ka soo qeybgashay shirkan jaraa’id ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falalka ay kooxda Shabaab ku burburiyeen qubuuraha mashaa’ikhda kala ah; Sheekh Muxyidiin Celi, Sheekh Cali Muumin, Sheekh Maxamed Biyamaalow, Sheekh Aadan Dheere kuwaasi oo dhamaantood ku aasnaa magaalada Muqdisho isla markaana ay sheegeen inay aasnaayeen mudo ka badan 60 sano.

Culimada kale ee shirka jaraa’id goob jooga ka ahayd waxaa ka mid ah: Sheekh Nuur Xasan, Sheekh Cali Fanax, Macalin C/laahi Sheekh Xasan, Sheekh Axmed Muumin Cali, kuwaasi oo dhamaantood ka hadlay sida ay uga soo horjeedaan tallaabooyinka ay qaadeen Al Shabaab.

Hawlgalkan ay Al Shabaab ku burburisay qubuuraha ayaa bilawday horaantii toddobaadkan ka dib markii maleeshiyaadka Al Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ay si xoog ah ku galeen xarumaha ay ku aasnaayeen culimadaasi oo sidoo kale ay ku jireen jameecooyin xer ah oo halkaasi diinta ka baran jiray.

Afhayeen u hadlay Al Shabaab Sheekh Cali Fiidow ayaa sheegay in ujeedada ay u burburiyeen qubuuraha ay tahay si looga hortago shirkiga iyo dadka oo baryo u taga qubuurahaasi, sida uu ku dooday.


Source:RBC Radio




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp