Somaliland Horta Website Somalilandhorta

SOMALILANDHORTA

Contact us

Audio

Political Parties
Kulmiye Party
Ucid Party
Udub Party
Newspapers
Haatuf
Jamhuuriya
Somaliland Times
Maandeeq News
Websites
Aftahan
Ahlusunnah
Awdal News
Burco News
Djibouti Nation
Farshaxan
Hadraawi
Halgan Net
Hargeysa News
Hoyga Suugaanta
Hadhwanaag
Iqra Net
LongLive Somaliland
Poetry Archive
Qaran News
Shaaficiyah
Somaliland1991
Somaliland-Org
Somaliland-Future
Somaliland-Center
Somaliland Docs.
Somaliland Net
Somaliland Today
SomalilandGov
Sooyaal News
Togdheer News
Waaheen
Waridaad
Institutions
Amoud University
Burco University
Gollis College
Hargeisa University
NGO
APD
SOPRI

News Thursday, 25 March 2010
Ceerigaabo=Ururka Haweenka Oodweyne oo Caddeeyey Mawqifkooda iyo Taageeradooda Siyaasadeed

Ceerigaabo-(Qarannews) Urur-weynaha Haweenka magaciisu yahay Oodweyne oo muddo badan ka jirey magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, islamarkaasna ah urur ay ku bahoobeen haweenka gobolka Sanaag loogana bartay waxka qabashada iyo horumarinta baahiyaadka aasaasiga lagama kacaanka ah ee bulshada oo tusaale loo soo qaadan karo in ay yihiin ururkii ugu horreeyey ee aasaasay dhismaha Jaamacadda Sanaag, sidoo kalena caawimooyin gaadhsiiyey waxna ka qabtay qaar ka mid ah dhismayaalkiisa dunsan Cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, ayaa markii ugu horraysey munaasibad-xafladeed fagaare ah waxay ka caddeeyeen mowqifkooda siyaasadeed iyo taageeradooda xisbi ahaaneedba.

“Haddii aannu nahay Ururka Haweenka Oodweyne ee gobolka Sanaag annagoo manta isku duuban waxannu fagaarahan ka caddaynaynaa in aannu ka mid anahay oo taageeradayadana siinayno xisbiga talada haya ee Udub, kaasoo horeyba intayada badani taageeri jirney, haseyeeshee khilaaf dhowaan nasoo kala dhex galay balse gudahayaga aannu ka dhammaysannay kaddib aannu isku afgarannay siyaasiyan si dhamaaystiran in aannu ugu biirno una taageerno xisbiga Udub”. Sidaas waxa tidhi Marwo-Aammino Ismaaciil Jibriil oo munaasibaddan ka hadashay. Iyadoo intaas kusii dartay “Haweenka reer Sanaag waxan leeyahay waa in aynu isku duubnaanno oo innakoo aan xishood-darri ku soconayn aynu raga iyo dawladdaba wax la qaybsannaa”. “Raggana waxan leeyahayhaweenka waa in aad la shaqaysaan oo na gacan qabataan oo weliba mudnaanta kowaad haweenka siisaan”.

Xaawo Aw-Muuse Axmed oo iyaduna ka mid ahayd xubnaha Ururkan haweenka ee halkaas ka hadlay ayaa hadalladeedii waxa ka mid ahaa “Maanta haween ahaan codkayaga waxannu ku rabnaa waxqabadka Jaamacadda Sanaag ugu horrayso”. “Xisbiga Udubna waxan leeyahay sida aannu idiinku ordayno noogu orda oo wax muuqdana noo qabta”.

Guddoomiyaha Udub gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Barre oo ugu danbayn munaasibaddaas ka hadlay ayaa yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa urur-weynahan haweenka gobolka Sanaag ee Oodweyne oo horeyba intooda badani Xisbiga Udub ka mid ahaayeen, balse maantaiyagoo isku duuban halkan ka sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga talada haya ee Udub”. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Haween ahaan idinma hilmaan sanin oo Somaliland haweenku tiir-dhexaad ayuu u yahay in aad siyaasadda kusoo biiirtaan oo wax nala qaybsataanna diyaar ayaannu u nahay waannuna idinku soo dhowaynaynaa”. Wuxuna intaas ku sii daray “Xagga waxqabadka iyo horumarka aad samayseen waa mid aannu idiin ognahay idinkuna taageersan nahay oo maantaba degaankii dhowaan laysku qabtay ee dhimashada iyo dhaawacuba ka dheceen dadkii nabadda u tegey ee dhaliyey heshiiska iyo nabadaynta maanta loo baxay haweenku hormuud ayuu ka ahaa wax aannu idinka hagran doonnaana ma jirto, xukuumaddana waxan usoo jeedinayaa Jaamacadda Sanaag wax ha laga qabto wax kastana ha kala mid noqoto jaamacadaha gobollada kale ee Somaliland ka jira”.
Source:




 


Somaliland
Emblem


Hargeysa
Somaliland


Dadweynaha
Reer Somaliland


Somaliland
Passport


Somaliland
Map


Somaliland
Stamp


Somaliland
Stamp